#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa booqday jiida hore ee fadhiisinka ciidanka qaranka  Somaliland ee Oog, halkaas oo si weyn loogu qaabilay, isagoo hadal uu ka jeediyay halkaa kaga hadlay waajibaadka ciidanka qaranka iyo sida ay shacbigoodu ula dareen yihiin.

Guddoomiye Faysal oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa sheegay in aannay ciidanka qaranka Somaliland duulaan ku ahayn cidna, balse ay guddanayaan waajibaaka qarankooda ee ah innay difaacaan dalkooda oo ay gaadhaan xuduuda.

“Innagu Calan dal kale kama taagi karo, sidaa awgeed xuduudaha aduunka ayay ka mid tahay xuduuda aynu leenahay, maaha xudduud aynu samaynay innagu waxay la midtahay xudduudaha Djibouti iyo Ethiopia, gaalaa samaysay maaha waxaynu samynay, mana aqbalayno in calan kale laga taago, ama maamul laga sameeyo.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

Mar uu ka hadlayay Magaalada Laascaanood, wuxuu sheegay in markii ay Somaliland ka saartay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, uu booqasho ku tegey, isagoo xusay in matka la eego markaa siday ahayd iyo maanta sida ay magaaladu u samaysay horumarka uu farqi weyni u dhexeeyo.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale sheegay in muddadii ay Ciidanka Qaranka Somaliland Laascaanood iyo deegaamadaa aannay jirin wax tacadi iyo xumaan ah oo ay sameeyeen, ama laga soo sheegay, sidaa awgeed, wuxuu ugu baaqay garaadada innay iska saaraan dadka kusoo duulay, isla markaana wixii tabasho ah ee sababay xaalllada laga wada hadlo, maadaama aannay dadku ahayn kuwo kala maarmaya oo Allah ku wada abuuray deegaanka, isla markaana wadaaga dhalasho iyo dhaqan.

Dhinaca kale, Eng. Faysal, wuxuu socod ku dhexmaray Magaalada Burco, isagoo shacbiga goobaha ay ku kulmaan kula sheekaystay, wuxuuna ammaanay shacbiga Burco, kuna wargeliyay in uu soo arkay fadhiisinka jiida hore ee ciidanka Qaranka ee Oog, “Ciidanka aad ayuu u wanaagsanaa, wayna ogyihiin in shacbigoodu garab taagan yahay, wayna ka go’antahay innay gaadhaan xadka iyagoo aan cidna duulaan ku ahayn, ayuu yidhi, isagoo kula dardaarmay shacbiga Burco tallooyin wax ku ool ah oo uu shacbiga ku adkeeyay, isla markaana ugu baaqay innay guddiyada beellaha ay ku beddelaan guddiyo ku xidhmaan maamulka dawladda Hoose ee Burco, si loo middeeyo wixii la qabanayo ee hawl ah ee horumarka Magaalada.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com