#Araweelo_News_Network.

London(ANN)-Allah haw naxariistee waxa dalka Britain ku geeriyooday fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo ahaa mid si weyn caan uga ahaa geyiga Soomaalida, isla markaana ka mid ahaa fannaaniinta loogu jeclaa marka laga hadlayo fanka Bulshada Soomaalida.

Axmed Naaji Sacad, ayaa fanka kusoo biiray xilligii dhadhaqaaqa halgankii gobanimadoonka ee horaantii afartameeyadii, sida uu xaqiijiyay intii uu noolaa, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii fanku ku dhiirigeliyay gumaysi diidka iyo gobanmadoonka.

Markii ay Burburtay Jamhuuriyadii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, wuxuu Axmed Naaji Sacad u guuray dhinaca qurbaha halkaas oo uu ku noollaa tan iyo markii uu geeriyooday 4 Sep 2023.

Ma ahayn oo keliya Fannaan Axmed Naaji sacad, balse wuxuu ahaa muusiishan iyo laxamayste, sidoo kale ma ahayn oo keliya Fannaan ku caan ah heesaha Banaadiriga, basle wuxuu fankiisu ahaa mid u tallabay dhan walba, isagoo lahaa heeso baddan oo guubaaba ah, kuwaas oo waddaniyad iyo dhaqan-jacayl ahaa.

Dad baddan oo ka mid aha Bulshada Soomaalida, ayaa si weyn u jeclaa heesaha uu qaado, kuwaas macaansan jiray codkiisa iyo gitaarkiisa, taas oo uu ku kasbaday jacaylka ay bulshada Soomaaliyeed u haystay Fannaanka Axmed Naaji Sacad oo kasoo jeeday Bulshada kasoo jeeda Carabta ee Soomaaliyeed.

Allah haw naxariistee Fannaanka weynaa ee Axmed Naaji Sacad oo taariikh weyn ku lahaa fanka Soomaalida iyo halgankii gobanimadoonka, Tafaftiraha Shabakaddaha Araweelo_News_Network iyo dhammaan hawlwadeenada waxay iyagoo ka murrugaysan ka ttacsiyaynayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomalida, Qoyskii Ehelkii iyo asxaabtii marxuumkana waxan Allah uga baryaynaa denbidhaaf iyo inuu naxariistiisa ugu deeqo Aamiin Aamiin Aamiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com