“Qarankeenu Ma Jabin, Ciidankeenuna Ma Jabin, Gobtuna Ma Jabto, Maalamaha Addagna ……” Guddoomiyaha Ururka KAAH Maxamuud Xaashi.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiya Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa ka hadlay xaalladda dalka ee xilligan iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ciidanka Qaranka Somaliland kaga soo baxeen Saldhiga Bariga Magaalada Laascaanood, halkaas oo 25 August oo ahayd maaalin Jimce ah qaybo ka mid ah dagaal ku qabsaday.

Dhacdadaa oo weli si weyn Bulshada Somaliland isu weydiinayaan, isla markaana dhaliilo culus kaga yimi xukuumadda Madaxweyne Biixi oo aan ka bixin jawaab ku filan wixii dhacay, balse siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasibad maanta loo qabtay Dafcado dhammaytay waxbarashadda jaamacadda Golis University, ayaa khudbad hogga-tusalayn iyo taariikho uu ku bishilay dhacdooyin waaweyn oo dunnida soo maray kaga hadlay waxyaabaha looga baahan yahay qaran ahaan iyo bulsho ahaan marka ay sidan oo kale la kulmaan maalmo addag iyo dhacdooyin sida arrinta Laascaanood oo dareenkooda xaganaysa oo kale, isagoo xusay in aannay quluubtooda ku yeelan saamayn, isla markaana ku keenin moral xumo, maadaama ay Somaliland iyo dalal baddan oo la mid ah soo mareen dhacdooyin sidan oo kale ah, sidaa awgeed loo baahanyahay in hore loo socdo si looga gudbo marxalad kasta, iyadoo gamcaha lays haysto.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi, wuxuu sheegay in annaay Qaranimada Somaliland iyo Ciidanka Somaliland midna aannay jabin, gobtuna aannay jebin ee liicdo, balse la saxo khaladkii dhacay si hore loogu socdo, isagoo tilmaamay in aannay taas macneheedu ahayn in aan lala xisaabtamin madaxda leh masuuliyada qaranka, laakiin maalin kale lala xisabtami doono, maantase la dhiirigeliyo si hore loogu socdo, oo aannay haboonayn in lays dhaleeceeyo, sidaa awgeed ay shacbigu ciidankooda iyo dawladda dhiirigeliyaan.

Dhacdooyinka uu ku taxay khudbadiisa iyo dhawaaqyadiisa oo si weyn u taabtay quluubta kumanaan qof oo Arday waalidiin, aqoonyahan, siyaasiyiin, xildhibaano, Culimo, masuuliyiin iyo marti sharaf madasha ka qaybgalay, kuwaas oo u riyaaqay khudbadiisa oo ahayd mid kor u qaadaysa mooraalka Bulshada.

Muuqaalkan ka Daawo Khudbada Guddoomiyaha KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhamaystiran.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com