Araweelo News Network.

 Maxkamadda Sare Oo Shaacisay Jedwalka Doorashooyinka Gollayaasha Deegaanka

#Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali, aya sheegay in aannay jirin dacwado, ama cabashooyin la xidhiidha doorashooyinka dalka, gaar ahaan gollayaasha deegaanka marka laga reebo dhawr cabasho oo qaarkood aannay buuxin shuruudihii, ama aan xiligii sharcigu u oggolaa soo gaadhin kaalmaha Maxkamaddaha gobollada dalka.

Sidaa awgeed ay Maxkmadda Sare soo saartay jedwalka xilliga la dhaarinayo  si ay wasaaradda arrimaha guddaha oo xeerku waajibiyay fadhiyadooda in ay cayinti ay dhankeeda u samayso jedwalka xilliga ay fadhiisanayaan kulanka ugu horeeya ee lagu dooranayo, Maayarada 20 Degmo doorasho oo dalka oo dhan ah.

“Doorashooyinka gollayaasha deegaanka dalka oo dhan cabashooyin waxa soo gaadhay Maxkamaddaha wax yar, tusaale ahaan gobolka Togdheer, waxa soo gaadhay siddeed cabasho, laakiin may buuxin shuruudihii, markaa wax dacwad ah lagama furin, Sool waxa soo gaadhay ilaa 4 cabashooyin ah, waxayna eegayaan inta aan lagu dhawaaqin.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo maanta warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Maxkamadda gobolka Sanaag ay soo gaadhay hal cabasho, taasna ay u eegayaan xeerka doorashooyinka wuxuu ka qabo, “Maalinta lagu dhawaaqo natiijadda hordhaca ah, waa in toddoba maalmood gudahood ay cabashadu ku timaadaa kaalinta Maxkamadda gobolka, markaa ma soo gaadhin xilligaa, kuwii soo gaadhayna may buuxin shuruudihii ayuu yidhi, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, wuxuu sheegay iyagoo ka duulaya arrintaa in ay soo saareen Jadwalkii Maxkamadduhu ku ansxinayeen gollayaasha deegaanka ee degmooyinka dalka, iyagoo raacaya natiijadda doorashooyinka ee degmooyinka, isagoo sheegay in isla jedwalkaa ay u gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland, si Wasaaradda Arrimaha gudduhu iyadoo raacay jedwalka Maxkamaddaha gobollada dalku soo gudbiyeen ay u samayso jedwalki ay ku qabsan lahaayeen golle deegaan kasta fadhigiisa, si markaa kaddib ay gollayaasha deegaanku hawshooda u qabsadaan.

Dhinaca kale, wuxuu sheeegay in gollaha wakiilllada oo xeerku siiyay muddo 14 maalmood ah inuu murrashaxu cabashadiisa ku keeno maxkamadda, sidaa awgeed ay weli haystaan fursad, isla markaana ay jiraan cabashooyin soo gaadhay Maxkamadda, balse waxa uu sheegay in aannu hadda diyaar u ahayn  inuu ka hadlo ee marka ay maxkamaddu eegto ka jawaabi doonto, iyadoo sida uu xusay loo eegayo in aannay ka dib dhicin xilliga sharcigu siiyay doorashada wakiillada Somaliland.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com