Araweelo News Network.

Sharaxaad Kooban Xildhibaanada Mucaaradku Usoo xuleen Shirguddoonka

 

Hargeysa(ANN)-Isbaahysiga Mucaaradka ee Labada Xisbi WADDANI iyo UCID, ayaa si rasmi ah u shaaciyay xubnaha ay qorsheeyeen Shirguddoonka gollaha wakiillada Somaliland ee cusub, kaddib markii ay si weyn ugu guulaysteen kuraasta gollaha doorashooyinkii gollayaasha deegaanka iyo wakiillada ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021.

Kulan ay maanta yeesheen isbahaysiga labada xisbi mucaarad oo ka dhacay Magaaladda Hargeysa, ayaa lagu shaaciyay saddexa xildhibaan ee ay labada xisbi ku heshiiyeen in ay noqdaan shirguddoonka gollaha ee wakiillada Somaliland oo aan weli la dhaarin, waxaana kulankaa ka qaybgalay labada Guddoomiye  WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan xildhibaanada labada Xisbi.

Xildhibaanada, ayaa kala ah, Cabdiriraaq Khaliif oo xisbiga WADDANI uga soo baxay gobolka Sool, ayaa laysku raacay in loo sharaxo Guddoomiyaha cusub ee gollaha wakiiladda, halka guddoomiye ku xigeenka koowaad loo sharaxay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ahaa xildhibaanka ugu codka badnaa xubnihii ka tartamay gobolka Sanaag ee saddexda xisbi, isagoo kasoo baxay xisbiga mucaaradka ee UCID.

Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada gobolka Awdal uga soo baxay Xisbiga UCID, ayaa isna loo sharaxay guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiillada.

Shaxda ay ku qaybsadeen labada xisbi mucaarad shirguddoonka gollaha wakiillada, ayaa noqonay in guddoomiyaha uu qaatay xisbiga WADDANI, halka labada guddoomiye ku xigeena la siiyay xisbiga UCID.

Murrshaxa loo xulay guddoomiyaha gollaha wakiillada, Cabdirisaaq Kahliif, ayaa ka hor intii aannay isaga iyo saaxiibadii ku biirin xisbiga mucaaradka ee WADDANI, wuxuu ahaa Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ee KULMIYE, isagoo xilligana ka mid ah xildhibaan kasoo baxay Gobolka Sool ee Xisbiga mucaardka ee WADDANI, wuxuuna isagoo ka hadlaya xilka loo xulay ee ay u garteen xildhibaanada labada xisbi ka codsaday in ay codkooda siiyaan.

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, wuxuu ka mid ahaa haldoorkii kaalinta kasoo qaatay yagleelidii Saxaafadda Somaliland sagaashanaadkii, wuxuuna markii danbe xilligii la firay Ururada siyaasada ka mid noqday koox dhalinyaro ah oo samaysay Urur siyaasadeed, balse ka hor intii aannay is diiwaangelin ayay ku biireen xisbigii UDUB, kaas oo ka mid ahaa saraakiisha  xisbiga ilaa markii uu daaqada ka baxay xisbiga UDUB, ee dib loo furay tartanka ururada siyaasada.

Cumar Jaamac Faarax, wuxuu muddo dheer kasoo shaqaynayay  arrimaha samafalka, isgoo door weyn kasoo qaatay dib u dhiska qaranka Somaliland, dhinacyada saxaafadda,  dhismaha geedi socodka dimuqraadiyada doorashooyinka iyo siyaasadda iyo dhinaca taakulaynta iyo gargaarka ee samafalka.

Xildhibaan Cumar Jaamac oo ka hadlay madasha loogu cummaamaday isaga iyo labada xildhibaan ee kale, ayaa ugu baaqay Xisbiga KULMIYE, in ay ka daayaan shuqa-shuqaynta oo ay iimaansadaan xildhibaanada usoo baxay  sidaana ay tartanka shirguddoonka ku yimaadaan.

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil, oo loo cummaamaday guddoomiye  ku xigeenka labaad ee shirgudoonka ayaa ka mid ahaa xildhibaanada xisbiga Mucaaradka ee UCID, uga soo baxay gobolka Awdal, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, isagoo noqday Wasiir iyo wasiir ku xigeen, wuxuuna markii ugu danbaysay ahaa muddo yar ka hor doorashadii 2017, ahaa Wasiirka Dastuurka Iyo Tignoolajiyada,  isla markaana wuxuu muddo dheer ka mid ahaa Xisbiga KULMIYE, balse hadda dhinaca axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xsibiga UCID, kasoo jeestay.

 

Dhianca kale, Mucaaradka ayaa hore u balanqaaday in ay doonayaan in ay ku guulaystaan kuraasta Maayaradda dalka iyo Shirguddoonka, kaddib markii ay labada xisbi ee oo sida ay sheegeen doonaya in ay ka midha dhaliyaan guusha Natiijada hordhaca ah ee gollaha wakiillada iyo gollayaasha deeganaka samaysten isbahaysi, isla markaana uu dhex maray heshiis ay ka wada gaadheen hirgelinta yoolkooda iyo rabitaanka shacbigu u muujiyeen,  iyadoo Xisbiga WADDANI ku hoggaaminayo 31 xildhibaan ka helay kuraasta gollaha wakiillada, halka Xisbiga UCID helay 21 xildhaan, taas oo ka dhigay in ay heleen labada Xisbi Mucaarad tirada guud 52 xildhiaan, halka xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE 30 kursi ka helay 82 kursi ee gollaha wakiilladu ka koobanyahay.

Published by  Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com