“Amniga iyo Difaacu waa tiirarka Birta ah ee dalku ku dhisan yahay”Madaxweyne Biixi

 

 

#Araweelo_News_Network.

Burco(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE  ee muxaafidka, ayaa tilmaamay in Amniga iyo Difaacu yihiin tiirarka dalku ku dhisan yahay, sidoo kalena wuxuu ku macneeyay dayrka Birta ah ee cadowga ka difaaca Somaliland, “waa madaalayaasha inaga ilaaliya cadowga u soo dhuunta gudaha, waa kuwa kala ilaaliya in aanay dhibaato ka dhex-dhicin Bulshada dhexdeeda.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidaa ku sheegay khudbad uu ka jeedinayay shirka siddeedaad ee gollaha dhexe ee KULMIYE oo Axaddii 20 August 2023, ka furmay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Toghdheer, “ waxaynu maanta halkan isugu nimid shirka 8aad ee Gollaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo aynu si qoto dheer ugu lafa-guri doonno hawlaha baaxadda leh ee ina hor yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin,  dib-u-habaynta hawlaha shaqo iyo maamul ee Xisbiga Kulmiye, diyaargarowga Ololaha Doorashada ee ay ku soo bixi doonaan xisbiyada Qaranka, doorashada Guddoomiyaha iyo Guddomiye ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye, doorashada Murrashaxintii Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xiggenka Xisbiga Kulmiye, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

Sidoo Madaxweyne Biixi, wuxuu sharaxaad ka bixiyay xaaladda guud ee dalku marayo; Nabad-gelyada, iyo degenaanshaha Dalka iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, siyaasadda arrimaha Dibadda, dhaqaallaha iyo halka ay ku danbeeyeen wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Hase yeeshee Maxaxweyne Bixii wuxuu si gaar ah uga hadlay aasaaskii Xisbiga Kulmiye, marxaladihii uu soo maray iyo qorshayaasha mustaqbalka, isagoo yidhi, Xisbiga KULMIYE, waa xisbi dimuqraadi ah oo ruug caddaaya. Waa xisbiga kali ah ee talada dalka qabtay laba jeer oo lagu soo doortay doorashooyin xor iyo xalaal ah sidaasna ay dalka Madaxweynayaal uga noqdeen labadii Guddoomiye Xisbi. Waa Xisbi dhexdiisa ay ka jirto dimuqraaddiyad, hoggaankiisa Sarena lagu soo doorto hab dimuqraadi ah oo gacan taag ah. Waxa aynu Shirkan Golaha Dhexe ku dooran doonaa Guddoomiyihii Saddexaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye.”

 

Wuxuu sheegay in Shacabka Somaliland u diyaargaroobayaan doorashooyinka uu muddeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranku oo kala ah, Doorshada Axsaabta qaranka si loo helo saddex xisbi qaran oo sharcigooda leh, una tartami kara doorshooyinka dalka ka qabsoomi doona 10 sanno ee socoda. Doorashada Madaxtooyada ee bisha November, 2024.

 

Sidaa awgeed Xisbiga Kulmiye Hoggaankiisa, Golayaashiisa, Xubnihiisa iyo Taageerayaashiisaba, wuxuu sheegay innay ku dedaalaynaan sidii ay Shacbiga Somaliland ee gobta ah aynu u kasban lahayn codkooda iyo kalsoonidooda in ay siiyaan Xisbiga Kulmiye Doorashooyinka soo socda, isla markaana loo baahanayhahay innuu usoo bandhigno Bulshada Somaliland wax-qabad muuqda oo ay ku qancaan, waayo-aragnimo iyo karti hoggaamineed oo mug leh.

Sidoo Xisbiga KULMIYE waxa uu mudnaan siinayaa bulsho nabdoon oo u hiilisa sinnaanta, is-xaq-dhawrka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha ummadda Somaliland, kana dheeraata yasidda, kala-faquuqidda iyo is-qabyaaladaynta, iyadoo dhinaca kale, Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay tayaynta hay’addaha dawladda dhinacyada aqoonta, kartida iyo qalabka, ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

 

 

DHAQAALAHA

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in muddo xileedka labaad ee Xisbiga Kulmiye, dalka dhaqaalihiisu kor u kacay, wuxuuna tusaale usoo qaatay Sannadkii 2019 oo  heerka dhaqaallaha dalku (GDP) ahaa 2.346 Bilyan oo Doollar, halka sannadkii 2022 uu ahaa 2.583 Bilyan oo Doollar.

Kobocaa, ayuu u nisbeeyay wax-soo-saarka dalku oo ku yimi Siyaasadda Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee ku wajaahan furfuridda dhaqaalaha, dhiirigelinta ganacsiga, maalgashiga iyo dedaalka shacabka iyo ganacsatada, wuxuuna xusay in ay korodhay Miisaaniyadda Dawladda ee 2017 – 2022

 

 

AMNIGA IYO DIFAACA

Dhinaca amniga, wuxuu Madaxweyne Biixi sheegay in Amniga iyo Difaacu yihiin tiirarka dalku ku dhisan yahay iyo dayrka Birta ah ee cadowga difaaca, “waa madaalayaasha inaga ilaaliya cadowga u soo dhuunta gudaha, waa kuwa kala ilaaliya in aanay dhibaato ka dhex-dhicin Bulshada dhexdeeda.” Ayuu yidhi.

Sidaa awgeed wuxuu sheegay in Hay’addaha Amniga; Xukuumaddu dedaal baddan u gashay kor-u-qaadidda tayadooda iyo qalabka, hase yeeshee, halkii aynu doonayeen in la gaadhsiiyo wax-badan ay ka dhiman yihiin, taas oo uu sabab uga dhigay dhaqaallaha oo ah mid aan wada dabooli karin baahiyaha jira. Laakiin Hay’addaha Amniga ee ku hawlan nabad-gelyada guud ee dalku ay dedaal xooggan oo hadh iyo habeena iyo feejignaan baddan ugu jiraan sugidda nabadgelyada Muwaadinka naftiisa iyo hantidiisa.

 

SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA

Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ayuu amaanay Madaxweyne Biixi, isagoo sheegay in maanta Somaliland tahay dal aad looga yaqaanno dunida oo magaceeda iyo nidaamkeeda dawaladeedba uu caalamka intiisa baddani ka dharagsan-yahay, taasina waxay ku timi dadaalka badan ee aynu ka sameynay Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo diblomaasiyadda.

Wuxuuna tilmaamay guullo uu sheegay in laga soo hooyay  safaro shaqo oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee kaal danbeeyay kusoo mareen wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Imaraadka Carabta, Djibouti, Kenya, Ethiopia iyo Guinea Conakry. Safaraadaas oo dhami waxay u keeneen Somaliland Guullo waaweyn.

Sidoo kale Wasiirada soo maray Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay safaro shaqo ku tageen wadamo badan oo caalamka ah, si ay uga dhaadhiciyaan qaddiyadda Somaliland, ugana wada-hadlaan sidii ay Somaliland iyo wadamadaasi uu u dhex mari lahaa xidhiidho diblumaasiyaddeed iyo kuwo wax-wada-qabsasho, ayuu Madaxweyne Biixi ku yidhi, khudbadiisa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in muddadaas ay dalka yimaadeen madax sare, wasiiro arrimo dibadeed, xildhibaanno ka kala socda dalal badan oo caalamka ah. Wufuudaasi waxay arkeen amniga iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, waxaanay balan-qaadeen in ay la wadaagi doonaan wadamadooda waxay ku soo arkeen Somaliland.

Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in Kulmiye sii amba-qaadi doonno baadi-goobka aqoonsiga iyo iskaashiyada caalamiga ah ee dalalka caalamka, iyadoo qorshahaa lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

 

DOORASHOOYINKA IYO DIMUQRAADIYADDA

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in muddo xileedka labaad ee Xisbiga Kulmiye kaga dhabaynayo balan qaadkii ahaa Kobcinta Nidaamka Dimuqraadiga ah iyo Dar-dar-gelinta Doorashoyinka halka qof iyo halka cod ah, isagoo tusaale usoo qaatay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Gollaha Wakiillada iyo Deegaanka. Kharashka badan ee doorashooyinka ku baxay wax yar mooyaane inta badan waxa laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka.

Dhinaca kale, wuxuu xusay  suurtagelinta ka-midho-dhallinta xaqa dastuuriga ah ee Muwaadiniinta Somaliland ee ah in ay wax dooran karaan, lana dooran karo, iyadoo aynu hirgelinay Furidda Tartanka Ururrada Siyaasadda oo sharcigu uu waajibanayo in tobankii sannoba mar la qabto.

Tartankaas oo sida Madaxweyne Biixi sheegay ay ku soo baxeen10 Urur Siyaasadeed oo sharci ah, una diyaar ah in ay ka qayb-galaan Doorashada Axsaabta Qaranka ee soo socota. Waa guul-weyn oo qarankani gaadhay.

“Doorashooyinka waxa aynu u raacaynaa sida sharcigu dhigaayo, haddii sharciga laga leexdana dalku socon maayo. Dimuqraaddiyadda waa markaygii ee halla ii dhiibo oo ma aha Baaskiil yar oo ciyaalku kaxaystaan, mana jirto wallaahi haddii markayga la I siin waayo xabbad baan wax ku qaadanayaa, taasna rag hore wax ugu waayey oo qaranku taas kuma heshiin, dastuurkeennuna ma jidaynin oo Af waayeel ma aha”

Doorashooyinkii sidii ay guddida doorashooyinku muddeeyeen, aniguna aan saxeexay bay ku soconayaan, waana waddada qudha ee amni, dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu gaadhayo, ayuu raaciyay Madaxweyne Biixi.

 

“Waxa inagu soo fool leh laba doorasho oo inoo kala qabsoomi doona dabayaaqada sanadkan iyo dabayaaqada sannadka dambe. Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu ii soo gudbiyey miisaniyadda ku baxaysa doorshada hore ee Axsaabta oo dhan in ka badan Tobon Milyan oo Doollar, waxaana ku talo-galkeenu yahay in aynu ka bixinno Miisaniyadda Qaranka.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi. sidaa awgeed ka Xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in la galo doorashooyinkaas, oo ay rajo weyn ka qabaan in KULMIYE ku guulaysan doono.

“Xukuumadda Xisbiga Kulmiye waxay dersi doontaa sidii loo yarayn lahaa dhaqaalaha badan ee ku baxa Doorashooyinka, maadaama aynu ka mid nahay wadamada faro-ku-tiriska ah ee dhaqaalaha ugu badan ku qabta doorashooyinka, marka la is bar-bar-dhigo cod-bixiyayaasha iyo kharashka doorashooyinka inagaga baxa.” Ayuu yidhi.

WADA-HADALLADA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in ay tahay arrin muhiim ah in si mug leh loo ogaado, loona fahmo sharciyadda midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960 dhacay. Yaa dawlad ahaa markii uu midowgu dhacayey? yaan se ahayn?

Midowgu waxa uu dhacay iyadoo ay Somaliland tahay dal madax-banaan oo xor ah oo 35 wadan ay aqoonsan yihiin.

“Markii ay Somaliland xornimada qaadatay Soomaaliya waxay ku jirtay gacanta Qaramada Midoobay (Under UN Trusteeship). Somaliland oo ah dal xor ah sharciyadda caalami ah leh (De Jour State) ayey Soomaaliya ku soo biirtay. Sidaas ayey Somaliland ku ahayd tii lagu soo biiray (Parent State).

Wuxuu tilmaamay in Axdiga Midnimada ee Soomaaliya ku doodaysaa aannu ahayn mid leh sal-dhig sharci, Sababta oo ah Axdigii uu Baarlamaanka Somaliland soo saxeexay ee uu u codeeyey iyo kan Soomaaliya ku doodaysaa wey kala duwan yihiin.

Sidaa darteed wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaynu ku galnay talo Qaran oo aynu u dhammeyn, iyadoo muddadaa 11-sanno ahayd la galay 9 wareeg oo wada-hadal ah oo ay Somaliland mid walba ku soo bandhigtay in aynu ahayn laba dawladood oo kala madax-banaan oo si siman u midoobay.

1991-kii markii dawladdii lagu midoobay duntay mid waliba iskeed ayey dawlad gaar ah u dhisatay.

Waxa uu xusay in Wada hadalkii Djibouti ka dhacay ee 2019-kii Somaliland fagaare caalami ah oo ay ka soo qayb galeen dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Ethiopia, Djibouti, iyo Urur-gobaleedka IGAD si cad ugu garnaqsannay in aynu sharciyan iyo siyaasiyanba aynu xaq u leenahay ictiraafkii aynu helnay 1960-kii, ayna gef ku tahay Shacabka Somaliland in lagu xidho ictiraafkooda dalkii ay midoobeen ee ay Somaliland go’aansatay in ay ka baxdo midowgii.

Sidaa awgeed sida aan marar baddan iyo madalo badan ku caddeeyey Somaliland mowqifkeedu wuu cad yahay, hanaanka kali ah ee ay Somaliland ku gali karto wadahadalo waa:-

  1. In ay wada-hadalladu ku dhacaan Qaab Laba Dawladood, kuna soo dhammaadaan xal ah laba dawladood oo kala madax-banaan.

 

  1. In la ixtiraamo, si dhakhso ahna loo dhaqan-geliyo dhammaan heshiisyada ay hore labada dhinac u gaadheen.

 

  1. Waa inuu jiro Nidaam Dhex-dhexaadineed (International Mediation Mechanism) oo dammaanad qaadi kara in la fuliyo waxa lagu heshiiyo.

 

  1. In ay jirto Xog-hayn Caalami ah oo daacad ah, kuna sifowda dhex-dhexaadnimo.

 

  1. Waa in ay jiraan Mabaadii’ guud iyo hab-dhaqan lagu daadihiyo wada-hadallada.

 

  1. Waa in ay wada-hadalladu yeeshaan Ajende-cad oo lagu hoggaamiyo shirarka oo si cad u qeexaya Arrimaha Masiiriga ah ee la isku hayo (Core Issues of the Dispute).

 

Nidaam kasta oo wada hadal oo aan waafaqsanayn qodobbada aan soo sheegay waa wakhti lumis iyo maddadaalo.

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay  In kasta oo ay Somaliland weli diyaar u tahay wada hadlo macno leh, haddana taasi in aannay ka hor istaagi karayn in ay  dariiq kasta oo oo furan u marto sidii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com