#Araweelo_News_Network.

Burco(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo iyo Jimcihii ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa la kulmay arrin murrugo ah.

Madaxweyne iyo masuuliyiinta la sicota oo maalinta beri ka qaybgelaya shirka gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey 576 Arday oo ka qalin-jabisay jaamacadda Burco.

 

Xafladda qalin-jebinta madaxweynaha, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, madaxda xisbiga Kulmiye, maamulka jaamacadda Burco, iyo waalidiinta ardaydii maanta ka qalin-jebisay, waxa ku weheliyay siyaasiyiin iyo madax kale oo bulshada ka tirsa.

Ardayda ayaa dhameysatay waxbarashadda koowaad iyo labaad, Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Dr. Ciise Nuur Liibaan oo ka hadlay dadaalka ay jaamacad ahaan u galeen innay maanta ka qalin jabiyaan, ayaa xusay inay jaamacad ahaan horumar weyn ka samaysay diyaarinta cilmi-baadhista ku saabsan dhibaatooyinka kala duwan ee ay bulshada Somaliland ku waajahayso xilligan.

Sidoo kale, Faarax Yuusuf Xadhigle oo ku hadlayay magaca jaamacada Bodhka ee magaalada Burco, ayaa hambalyo u diray Ardayda maanta qalin jabisay, waxaanu u rajeeyay mustaqbal ifaya iyo aayatiin wanaagsan.

Axmed Cabdi Xirsi oo ku hadlayay afka Ardayda qalinjebisay ayaa si qoto dheer u sharaxay waajibaadka saaran Ardayda iyo sida loogu baahan yahay innay ugu addeegaan aqoonta ay barteen si ay bulshadooda ugu horumariyaan.

Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare Prof. Saleebaan Dirir Cabdi ayaa dhankiisa hambalyo u diray ardaydii ka qalinjabisay Jaamacadda Burco, waxaanu sheegay inay guul weyn u soo hooyeen shacabka reer Togdheer.

Dhankooda Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, iyo Waxbarashadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Maxamed Diiriye (Torno) oo khudbado kala duwan ka jeediyay munaasibaddii, ayaa hambalyo u diray ardayda, waxaanay xuseen in siyaasadda dawladdu ay hormuud ka tahay horumarinta iyo tayada waxbarashada. heer kasta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyay halkaa, ayaa xusay sida ay munasibadu mar keliya isugu beddeshay murrugada, kaddib markii uu hoolka ku geeriyooday  Aabaha mid ka mid ah Ardayda qalin-jebinta u joogtay ee farxada u yimi halkaa.

Madaxweyne oo ka hadlaya dhacdadaa ayaa tacsi u diray marxuum Cali Nuur oo ka mid ahaa waalidiin carruurtoodu maanta qalin-jabinaysay oo si kedis ah ugu geeriyooday hoolka xafladda, waxaanu  Allah u weydiiyey inuu janadii fardowsa ha ka waraabiyo. Eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com