#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxda  tobankii urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada Qaranka Somaliland, iyadoo ay kulanka ka maqnaayeen labada xisbi mucaarid oo kulanka lagu marti-qaaday balse aan ka soo qaybgelin, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda maanta gelinkii danbe.

 

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland warbixin guud ka siiyey hoggaamiyayaasha ururrada siyaasadda xaaladda guud ee Dalka iyo sidoo kale,  xog la xidhiidha heshiiskii is-fahanka ahaa ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Ethiopia.

Madaxweyne Biixi, ayaa  warbixin taa la mida ka siiyay guddoomiyayaasha iyo madaxdii kale ee ururrada siyaasadda ee fadhiyay shirka wada-hadaladii dib uga bilowday dalka Djibouti ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay labada dhinac heshiis ku wada saxeexdeen, wallow aan lagu xusin qoraalka in Madaxweyne Biixi kulanka kula wadaagay heshiiska dawladda Federaalka ee Djibouti ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay. 

Hase yeeshee qoraalka Madaxtooyadda ayaa lagu xusay in madaxda ururada siyaasadu ay soo jeediyeen arragtiyahooda ku aadan heshiiska is-afgaradka ah ee Ethiopia, sidoo kalena talooyin ku aadan heshiiska rasmiga ah ay ka dhiibteen shirka, kuwaas oo laysku af-gartay. Waxa kale oo laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka ee ku soo fool leh dalka.

 Madaxweynaha waxa ku weheliyay kulankaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna wasiirka arrimaha guddaha Somaliland,  Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye  Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, Wasiirka Xannaanada xoollaha iyo Horumarinta reer miyiga,  Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Cabdikariim Axmed Maxamed(Xinif),

 

Dhinaca Ururada  waxa kulanka ka soo qaybgalay, gudoomiyayaasha Barwaaqo, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Shacabka, Dr Maxamed Maxamuud Kaahin, Talo-wadaag,  Ibraahim Mahdi Buubaa, Rejo, Cabdilaahi Axmed (Dahab), Ogaal Marwo Rooda Cabdi Muuse, Horseed  Cabdullaahi Imaan Darewal, Guddoomiye ku-xigeenka Mideeye,  Cabdiqani Guuleed Maxamed, guddoomiye ku xigeenka ururka Kaah,  Cabdilaahi Ibraahim Habbane, Xoghayaha guud ee Hillaac, Dr. Foosi Maxamuud Qoofal, xoghayaha guud ee Ogaal, Cabdikhaaliq Cabdullaahi Maxamed iyo xoghayaha guud ee ururrada siyaasadda Xamse Xasan Axmed.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com