Dhawaaqyada Iska Daba Imanaya Ee Dhanka Ethiopia Oo Ka Duwanaaday Wixii Bulshada Somaliland Loogu Bushaareeyay

 

#Araweelo_News_Network.

Washington (ANN)- Dawladda Maraykanka, ayaa ugu baaqday dhinyada Somalia iyo Ethiopia innay dejiyaan xiisadda ka dhalatay heshiiska Is-afgaradka ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo dhaliyay xaasaasiyad iyo xiisad cabsideeda leh oo gobolka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ku baaqday in la sameeyo wada-hadallo diblumaasiyadeed si loo dejiyo xiisadda ka taagan Geeska Afrika kaddib heshiis taarikhi ah, kaas oo ahaa  is-afgarad ah oo dhexmaray dawladda Federaalka Ethiopia iyo Somaliland, iyadoo Somaliland  u oggolaatay Ethiopia innay soo gasho Badda Cas, taas beddelkeedana ay ay  Somaliland uga hesho aqoonsi caalami ah.

Laxidhiidha: Somaliland Ethiopia:  Heshiiska Indhaha Caalamka Kusoo Jeediyay Gobolka Iyo Xasaasiyadda Ka Dhalatay

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Matthew Miller, oo ka hadlayay su’aalaha la xidhiidha mawqifka Mareykanka ee heshiiska intii laguda jiray shirka jaraa’id Arbacadii, wuxuu si cad u sheegay in Maraykanku ka walaacsan yahay warbixinnaha ka imanaya gobolka. “Waxaan ku biirnay saaxiibada kale si aan u muujinno walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadda ka dhalatay xiisadda Geeska Afrika,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu dib u xaqiijiyay aqoonsiga Maraykanka ee madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu qeexay “xuduudihii 1960-kii”.

 

Baadhitaan dheeraad ah oo ku saabsan in Maraykanku uu aaminsan yahay in heshiiska la baabi’iyo iyo in kale, afhayeenku wuu ka gaabsaday jawaab toos ah, isagoo ku celceliyay baaqa ku aaddan ka qaybgalka diblomaasiyadeed. “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan daneeyayaasha innay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.”

 

Dhankooda Guddida Midowga Afrika, oo u sii maraya Guddoomiyaha Moussa Faki Mahamat, ayaa ku booriyay Ethiopia iyo Soomaaliya innay ka fogaadaan fal kasta oo si ula kac ah, kaas oo  horseedi kara innuu xumaado xidhiidha wanaagsan ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Gudoomiye Moussa Faki, wuxuu ku nuuxnuuxsaday bayaan uu soo saaray innay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo midnimada, midnimada dhuleed iyo madax-banaanida buuxda ee dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Ethiopia.”

 

Waxa xusid muddan in gebi ahaan Heshiiska Is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, ay si weyn u diiday dawladda Fedraalka ee Soomaaliya, kaas oo abuuray xiisad syaasadeed, isla markaana dibadda soo dhigay dareenka shacabka Somaliland oo ku kala aragi duwan iyo Bulshada Soomaalida oo si weyn uga qaylisay.

 

Dhanka Soomaaliya, shir  degdeg ah oo golaha wasiirradu yeesheen 02 January 2024, Somalia waxay ku dhawaaqday in aannay waxba ka jirin heshiiskaa oo aannu ahayn mid fulaya, iyadoo dawladda Federaalka uga yeedhatay Safiirkeeda dalka Ethiopia u joogay. Sidoo kale, waxa xusid muddan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar  kale u sheegay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mowqifka uu dalku ka taagan yahay ku xadgudubka dhulka. Sidaa awgeed ay Soomaaliya  heshiiska u aragto mid meel ka dhac ku ah madax banaanideeda, iyadoo u aragta Somaliland inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Hase yeeshee dawladda Ethiopia, ayaa u tafaxaydatay sidii ay u damin lahayd xaasaasiyada ka dhalatay heshiiska, iyadoo doodda dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku macnaysay mid aan sharci ahayn oo aan waxba ka jirin.

Dawladda Ethiopia ayaa si cad usoo saartay bayaan ay ku sheegay in heshiiska uu ku jiro qodob muujinaya in is-afgaradka uu ku jiro qodob  tilmaamamaya in arrinta aqoonsiga laga samaynayo qiimayn  qoto-dheer, iyadoo dad baddan oo ka mid ah Bulshada Somaliland oo markii hore u riyaaqay heshiiska, iyagoo dhanka aqoonsiga dhegta loogu riday keliya la eegaya ay dib uga faagtaan, sidoo kale waxa si weyn usoo baxay warar kala duwan oo shaki iyo madmadaw ku keenay wixii lagu heshiiyay, iyadoo La Ridwan Xuseen oo ahTaliyaha Arrimaha amniga ee ra’iisal wasaaraha Ethiopia ka sheegay Telefishanka Qaranka Ethiopia in aqoonsi u raadinta Somaliland laga wadahadli doona oo keliya marka ay Somaliland saxeexdo heshiiska bixinta dhulka iyo Badda,balse ay daraasad qotadheer ku samayn doonaan sidii Somaliland loola raadin lahaa aqoonsi, isagoo xusay In aan weli laga heshiinin saamiga Somaliland laga siinayo shirkadda diyaaraddaha ee Ethiopia Airline iyo in aannay labada dhinac ee Ethiopia iyo Somaliland ka heshiin lacagta lagu kiraynayo dhulka iyo Badda Cas, isla markaana aan meel sax ah loo sheegin, balse dhanka Lughaye loo carabaabay, wallow warbixinaha hore ee shabakaddaha Araweelo News Network oo sannadii u danbeeyay la socday sheekooyinka rabitaanka Badda Cas ee xoog iyo xeelad midkay doonto Ethiopia ku doonay ay sheegayeen innay ku dhulolayaan Saylac oo ah Deked qadiimi ah oo taariikh weyn ku leh gobolka iyo taariikhda Islaamka.

 

 

Dhinaca kale, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, iyo IGAD ayaa dhammaantood walaac ka muujiyay waxayna ku baaqeen in la is dejiyo oo la is xakameeyo dhinacyada ay khusayso si aannay arrintu u noqon mid gobolka ka abuurta xasilooni daro sii kordhisa colaadaha ka ka aloosnaa gobolka.

 

Midowga Yurub ayaa xasuusiyay dhinacyada muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Bayaanka Midowga Yurub waxa uu ku nuuxnuuxsaday in u hoggaansanaanta mabaadi’daasi ay tahay furaha nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Dhankiisa Urur goboleedka IGAD, ayaa ka hadlay arrinta iyo xiisadda ka dhalatay, wallow aannay si gaar ah u xusin is-afgaradka, waxay sheegtay innay si taxaddar leh ula socoto xaaladda ayna aqoonsan tahay “saamaynta suurtagalka ah ee xasilloonida gobolka.” Jaamacadda Carabta ayaa si kastaba ha ahaatee cambaaraysay Is-afgaradka, waxayna muujisay sida ay u garabtaagan tahay Dowladda Soomaaliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com