#Araweelo_News_Network.

Hargyesa(ANN)-Heshiiska Xukuumadda Somaliland la gadhay dalka Ethiopia ee la xidhiidha Dekedda taariikhiga ah ee Saylac iyo Saldhiga Millateri oo Badda Cas  dhanka cidhifka galbeed ee xeebta Somaliland, isla markaana dhanka Koonfureed ka kulaalalay marinka muhiimka ah ee Babel mendab, ayaa si weyn usoo jiitay indhaha caalamka iyo kuwa gobolka.

Somaliland, ayaa heeshiiska ku beddelatay in dawladda Ethiopia oo baahi weyn u qabtay in ka baddan qarni innay kala shaqayso aqoonsi ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Caalamka soddon iyo laba sannadood oo ay dunida ka raadinaysay in loo aqoonsado qaran madax banaan oo lasoo noqday qaranimadii luntay 1960 markii ay la midawday Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee burburtay 1991.

Sidoo kale, sida lagu sheegay Heshiiska is-afagaradka (MOU) ee Madaxweyne Biixi iyo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, waxay Somaliland saami ku yeelanay shirkadda Diyaaraddaha Ethiopian Airline oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Afrika, isla markaana taariikh weyn ku leh iyo meelo kale oo dacalada aduunka ah.

In kasta oo guddaha Somaliland aannay jirin aragti midaysan oo la xidhiidha Heshiiska, isla markaana guud ahaan Bulshada Soomaalida uu abuuray xaasaasiyad baahsan, balse Xukuumadda Somalia, oo si weyn uga cadhootay heshiiska ayaa qaaday durba tallaabooyin dublamaasiyadeed iyo canbaarayn ku waajahan Ethiopia, kuwaas oo Af iyo addinba ay muujisay, wallow dad baddan oo guddaha Somaliland oo dareen saluug ah ka muujinayay Heshiiska, isla markaana dooddaha ay qabeen la xidhiidheen cabsi uu keeni karo heshiisku ay gadaal u joogsadeen, markii ay dawladda Federaalku qaaday tallaabooyinka diidmada iyo canbaaraynta heshiiska Somaliland iyo Ethiopia oo ay ku macnaysay dawladda Federaalka mid xad-gudub ku ah qawaaniinta caalamiga ah iyo qaranimadeeda dhul ahaaneed. Laakiin xukuumadda Somaliland ayaa isku deyaysa innay si cad isaga difaacdo dhaleecaynta dawladda Federaalka, iyadoo dhinaca kale guddaha ka wada abaabul ay taageero ugaga raadinay shacabka Somaliland, wallow labada Xisbi ee Mucaaradku ku kala qaybsameen heshiiska, taas oo muujinay in aannay jirin aragti midaysan oo ka jirta guddaha Somaliland marka laga yimaado deegaamada kale ee qawmiyada Soomaalida.

Dalalka reer galbeedka iyo Ururo Caalami ah, ayaa dhankooda canbaareeyay heshiiskaa, wallow qaarkood aannay weli wax jawaab ah ka bixin, Dalalka Maraykanka, Midawga Yurub, Turkiga iyo Midawga Afrika ayaa jawaabo isku dhow ka bixiyay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, kuwaas oo wallaac ka muujinaya saamaynta arrintan ee gobolka oo hore ay jireen xasarado iyo amnidaro, iyagoo ku doodaya innay tallaabadan noqon karto mid sii kordhisa xiisaddaha iyo collaadaha gobolka iyo kuwa Bariga dhexe ee saamaynta ku yeeshay Badda Cas iyo meelo kale oo dunida ah.

Marka laga yimaado dareenka guddaha, waxay dooddaha qaar ku tilmaamayaan heshiiska mid dib usoo noolayn kara kooxaha mayalka adag ee geyiga Soomaalida collaadaha ka wadday in ka baddan labaatan sannadood, kuwaas oo qiil uga dhigankara hurinta collaado la xidhiidha xadaaradda iyo diimaha xudunta u ahaa qarniyo baddan gobolka geeska Afrika ee ku taxan taariikhda iyo kala duwanaanshaha qowmiyadaha ku nool oo ay taageerayaan danna dhaqaale, Millateri iyo kuwo Istiraatiijiyadeed.

Hase yeeshee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa jawaabo ay ku difaacayaan heshiiska ka bixinaya, iyagoo doonaya sidii ay uga gaashaaman lahaayeen dhaleecayn kasta dublamaasiyadeed oo kaga timaada dalalka Maraykanka, Midawga Yurub, dalalka Carabta, Ururada Caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ka qaylinaya  xaasaasiyada uu abuuri karo heshiiskaa oo wax weyn ka beddelaya Istiraatiijiyada Millateri iyo Dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana saamayn ku yeelanaya Badda Cas iyo marrinka xaasaasiga ah ee Babel Mandab oo xilligan cabsi weyni ka taagan tahay, wixii ka danbeeyay tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Bariga Dhexe ee Israel iyo Xamaas 7 October 2023.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com