“Madaxweyne Guddida Xubinta Kommishanka Ee WADDANI Waxa KA Muhiimsan Oo Annaga Iyo Shacbigu Kaa Sugaynaa Wixii Ka Dhacay Gooja-cadde iyo Maraaga”

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxayna ka digeen arrimo baddan iyo qoryshayaal ay sheegeen in Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaadiisu ku mashquulsan yihiin.

Sidoo kale, waxay ka digeen in Madaxweynu ku mashquulo xubinta guddida Doorashooyinka Somaliland, kaddib markii ay soo baxday in Madaxweynuhu guddi baadha u saarayso xubintaa, balse waxay sheegeen in halkii laga filayay inuu guddi madaxbanaan u saaro wixii ka dhacay Laascaanood 25 August 2023 iyo jabkii soo gaadhay Ciidamada Qaranka Somaliland.

Laxidhiidha: Bannaanbaxyo iyo Dumar Shaashaddaha Ka Hanjabaa Wixii Dhacay Maydhimaayaan” Xisbiga WADDANI

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaraadka ee WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aannay dunida ka dhicin eeddaysane isagu baadha, sidaa awgeed loo baahanyahay in wixii dhacay guddi gollaha wakiilladda ah ay baadhaan, isagoo xusay in aannay waxba iska beddelin qoraalkii ay guddida arrimaha guddaha ee gollaha u gudbiyeen.

“Arriinta aannu ka seexanweynay ee annaga iyo shacbiga nagu muddan waa wixii ka dhacay Gooja-cadde iyo maraaga, waxaanu filaynay in Madaxweynuhu guddi madaxbanaan u saaro, laakiin xubinta Kommishanka Qaranka ee doorashooyinka ayaa Madaxweynaha ku muddan oo uu guddi u saaray, mana aha wax la dhegaysankaro, waxaan u aragnaa inuu lasoo baxay wixiisii.” Ayuu yidhi.

Laxidhiidha:Madaxweyne Biixi Ayaa Ku Eedaysan Wixii Ku Dhacay Qaranka Baadhisteedana Guddi Madaxbanaan Ayaa Looga Fadhiyaa” Xisbiga WADDAN

Dhinaca kale, wuxuu sheegay innay ka digayaan lacagta xilligan xukuumadda Somaliland soo daabacay ee Guddoomiyaha Bangigu u joogo London, waxan ka digaynaa khatarta ay arrintaasi keeni karto, waxaan ka digaynaa sida ay lacag lasoo daabacaa dhaqaalaha dalka u aafaynay, sidaa awgeed Madaxweynuhu waa inuu guddoomiyaha Bangiga Somaliland uga yeedhaa London oo la joojiyaa lacagtaa, ganacsatada waaweyna waxaan leenahay waar Madaxweynuhu idinkuu idin maqaala ee ka joojiya, haddii taas la waayo oo uu diido, waa innay dadku dareenkooda muujiyaan, iyagoo wasaaradda arrimaha guddaha weydiisanaya mudaharaad salmi ah. Ayuu yidhi.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaraadka ee WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo baddan oo kale, isagoo weedho suugaan ah oo su’aalo ah ku tiraabay, kuwaas oo sida uu sheegay jawaabtooda  xisbi ahaan WADDANI iyo shacbiguba ka sugayaan Madaxweyne Biixi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com