“Waxa Jira Ciidamo Aan Soo Gaadhin Goobihii Loo Qorsheeyay Oo Ka Lumay Waddooyinkii” Xukuumadda Somaliland

#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay warar si weyn bulshada u jaah-wareeriyay oo la xidhiidha Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa Saldhiga Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood, kaddib markii maanta baraha bulshada lagu faafiyay kooxaha Maleeshiyaadka iyo huwanta ah oo ku dhex dhaantaynaya Saldhigaa oo ahaa mid ay ku guuladaraysteen marar baddan innay gacanta ku dhigaan.

Sidoo kale, waxaa soo baxay in aannay jirin awood ciidan iyo cudud ay kula wareegeen kooxaha Maleeshiyaadka Huwantu saldhiga Gooja-cadde, balse waxa jiray warar aan xaqiiqdooda la hubin oo sheegayay in qaab qorshe la’aan ah lagu soo raray ciidanka, taas oo wararka qaar ku eeddaynayeen saraakiisha qaarkood oo qaatay go’aanka oo ahaa mid aan laysla ogayn, iyagoo xidhiidho hoose ay saraakiishaasi la sameeyeen kooxaha Huwanta.

Wararka is khilaafsan ee kasoo bayay halkaa ayaa sheeyay in ay taasi sababtay in ciidamada qaarkood kusii baaqi ahaadaan halkaa, iyagoo aan waxba kala socon go’aankaa, balse xukuumadda Somaliland ayaa ku tilmaantay istiraatiijiyad ciidan in lagu soo raray ciidankii fadhiisimaha ku lahaa Bariga Laascaanood.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland gelinkii danbe ee maanta Jimce 25 August 2023, ayaa lagu sheegay in ciidamada kasoo guuray halkaa ay soo gaaadheen fadhiisimo loogu talagalay, balse dhinaca kale, waxay ku macnaysay wasaaradda gaashandhiga guutooyinka weli aan warkooda la hayn kuwo ka lumay wadooyinkii loo qorsheeyay innay soo maraan oo aan soo gaadhin goobihii loo qorsheeyay.

Hase yeeshee war-saxaafadeedka laguma xusin dagaal ka dhacay halkaa iyo wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidanka Somaliland, iyadoo shacbiga Somaliland uga cadhaysan yihiin wararka dhiilada ah ee kaga imanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Halkan ka eeg war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com