Araweelo News Network.

 

“Dooxa Hargeysi Wuu Ooyay, Oohintiina Waanu Ka Biinay” Cabdikariim Moogge

 

Hargeysa(ANN)-Shacbiga Magaalada Hargeysa, ayaa si dhab ah uga jawaabay baaq uu Maayarka cusub Cabdikariim Axmed Moogge kaga dalbaday  munaasibadii uu xilka kula wareegay Arbacadii u danbaysay Jun  30th, 2021.

 

Maayar Cabdikariim Moogge, ayaa munaasibaada ka dhawaajiyay qawaaniin cusub iyo qorshayaal uu doonayo inuu kusoo saaro  bilicda caasimadda Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay hawlaha uu doonayo inuu qabto, isagoo dhinaca kalena digniino u diray dadweynaha, ganacsatada iyo shirkaddaha waaweyn.

Dhinaca kale, wuxuu munaasibadaa dadweynaha Magaalada Hargeysa u jeediyay baaq uu kaga dalbanayo in ay garab istaagaan si uu taageero ugu helo qorashayaasha uu doonayo inuu kusoo celiyo bilicdii iyo quruxdii  Hargeysa oo xilligan ah Caasimadda Somaliland, isla marakana ah Magaaladda ay usoo hoydaan shacbiga ugu badan Somaliland, marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka.

Maayar Cabdikariim Axmed Moogge, wuxuu adeegsaday weedho si weyn usoo jiitay quluubta dadka oo qof walba ruxay laabtiisa, isagoo muujinaya daacadnimo, isla markaana sawiraya qaabka uu doonayo in wax looga qabto Bilicda iyo horumarka Caasimadda Hargeysa, isagoo sawiraya muuqaalki ay lahaan jirtay Caasimadda Hargeysa xilligii ay ahayd Caasimadda labaad ee Soomaaliya siddeetanaadkii iyo xilligan ay noqotay caasimadda Somaliland oo dabacan wallow ay si weyn u balaadhatay oo bulshada ugu baddan magaalooyinka dalka ay usoo hoydaan Hargeysa, balse ay meesha ka baxday muuqaalkii ay lahayd iyo daceebacadihii lagu yaqaanay Bulshadda Hargeysa iyo dhaqankii nadaafada.

 

 

“Haddii aad doonayso in wax baddan la qabto, waxa jira wax baddan oo adiga kugu xidhan oo loo baahanyahay in aad fulisaan. Annagana waxa naga go’an sidii aannu idiin balan qaadnay markii Ololaha lagu jiray, in lacagta cashuurta lagaa qaado ay toos ugu dhacdo khasnadda dawladda Hoose oo ay kasoo baxdo, iaydoo wax lagu qabanayo, waana ballan aannu Allah hortii ku qaadnay oo aannu idinkana hortiina ka qaadnay, waana dhaartii aannu marnay, balse shacbigow waxa lagaa rabaa in aad cashuurta bixiso oo wax ka bedesho hab-dhaqankaaga.”ayuu ku yidhi, farriinta uu shacabka u diray Cabdikariim Moogge Arbacadii u danbaysay Jun 2021,ee ay xilka la wareegeen isaga iyo gollaha deegaanka ee cusub ee la doortay 31 May 2021.

“Hab-dhaqanka qofka ilaa uu is bedelo Hargeysa is bedelimayso, hadaad gaadhi wadato waxa fiican in aad is weydiiso sidaad u kaxayn lahayd, waxa jira waddooyinka Hargeysa kuwo toddobaad kasta hal qof ku dhinto, waxa loo baahanyahay in aad qashinka ka nadiifiso gurigaaga iyo meheradaada, waa inaad ka gurtaa dhaxa gurigaaga hortiisa, inta aannan kaa gurin, waa in aannad caagad, ama qashin kale ku tuurin waddada, waxaan shacbiga leeyahay waa in aynu usoo baxnaa sidii ay usoo celin lahayn dhaqankii iyo nadaafadii iyo bilicdii lagu yaqaanay Hargeysa, waa in aynu samayno Hargeysa mid keliya ah.“ ayuu yidhi, Maayarka cusub ee Caasimadda Hargeysa, isagoo sidoo kale, farriimo xujooyin ah diray ganacsatada iyo dhalinyarada.

Hase yeeshee Maayar Cabdi, wuxuu maanta si dhab uga helay jawaab shacbiga Hargeysa, iyadoo ay si gaar ah ugu soo baxeen shirkaddaha waaweyn oo wata shaqaalahooda, sida Dahabshiil iyo Telesom iyo sidoo kale kumanaan dhalinyaro ah iyo dadweyne kale oo ka mid ah kuwa ku nool Caasimadda ee ay dhegahooda kusoo dhacayeen dhawaaqyadii uu kaga dalbanayay todobaadkii lasoo dhaafay in ay garab istaagaan.

Maayarka Caasimadda, Cabdikariim Moogge, ayaa saaka ku waaberiistay Dooxa weyn ee isaga gudba galbeedka iyo Bariga ee badhtamaha Magaalada Hargeysa, waxaana laga sameeyay Ollole nadaafadeed oo iskaa-wax u qabso ah, “Caasimadda aynu Caddayno” ayuu ahaa halku dhegu.

Moogge oo ku faraxsanaa sida ay durbadiiba ganacsatada shirkaddaha waaweyn qaarkood iyo boqolaal dhalinyaro ah oo ka qaybqaatay Ollolaha nadaafadeed sheegay in maanta oo keliya Dooxa Hargeysa oo la ciir-ciiray qashin laga qaaday qiyaastii  ku dhowaad 1, 500 tan oo qashin ah, balse wuxuu xusay in aannay weli fari ka qodnayn oo qashinka Dooxa Hargeysa oo keliya uu gaadhayo ku dhowaad laba kun oo tan.

“Dooxa Hargeysa wuu Ooyay, Oohintiina waaanu ka biinay, gaadiidku ilaa galabta ayay guri doonnaan qashinka, mana hawshu mid maanta oo keliya ku kooban, waynu wadaynaa, waxaanse sheegayaa in maalinta danbe qof walba isagoo gaashaaman oo ku hubaysan qalabka lagu qaado qashinka uu yimaado, sababtoo ah maanta waxa kala batay agabkii iyo dadkii soo baxay, waana uga mahad celinyaa dadweynaha soo ajiibay baaqayaga.” Ayuu yidhi oo tusaale fiican u ahaa hawsha uu shacabka ugu baaqay, isla markaana ay hareera socdaan boqolaal dhalinyaro ah iyo haween ah, halkii ay garab yaaci lahaayeen askar ku hubaysan qoryo ay ka dhacdo rasaas nool, waxayna dhalinyaradaasi ahaayeen kuwo u muujinayay sida ay u ayidsan yihiin Maayarka cusub iyo qorshayaashiisa, kuwaas oo ahaa kuwii sababay inuu noqdo Maayarka, isla markaana siiyay codkii ugu badnaa ee taariikhda inta la xusaan yahay xildhibaan golle deegaan u sharaxan uu ku guulaysto geyiga Somaliland.

Halakna Ka Daawo Maayarka Iyo Taageeradii Shacabka Ee Ollolaha nadiifinta Dooxa Hargeysa.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com