Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Sare ee Somaliland, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa si rasmi ah u shaacisay natiijadda doorashadii gollaha wakiillada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021.

Guddoomiyaha Guurtida Bidiix iyo wasiirka, arrimaag guddaha, wasiirka Dastuurka iyoxidhiidhka gollayaasha oo dhegeysanayago’aanka natiijadda doorashada ee Maxkamadda sare ee Somaliland soo saartay 7 July 2021.

Go’aanta natiijada doorashada gollaha wakiillada ee ay maanta oo ay taariikhdu tahay 07.07.2021, Maxkamadda Sare shaacisay, ayaa waafaqsan natiijaddii hordhaca ahayd ee ay hore u shaaciyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Munaasibada ay Maxkamadda Sare kaga dhawaaqday Natiijada Kama Danbaysta ah ee Doorashada Golaha Wakiilada, waxa ka qaybgalay, Guddida Doorashooyinka, Guddoomiyaha Gollaha Guurtida, Guddoomiyayaasha labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, iyo masuuliyiinta xukuumadda qaarkood.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay ka hor intii aanu ku dhawaaqin go’aanka in Maxkammadda Dastuuriga ah ay muddo saddex toddobaad ah ku jirtay dhegeysiga dacwaddo ka dhashay natiijaddii, wuxuuna sheegay in go’aan laga soo saaray, sidaa awgeed ay maanta Maxkamaddu ansixinay natiijadda rasmiga ah ee doorashadii gollaha wakiillada, murrashaxiinta guulaystay iyo liiska kuwa kaydka noqonaya.

Liiska Rasmiga Ah Ee Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Ee Doorashada Gollaha Wakiillada

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in markaa kaddib la dhaarin dooro xildhibaanada la shaaciyay ee kusoo baxay natiijadda go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ay soo saartay maanta, si ay wixii intaa ka danbeeya golluhu hawshiisa u qabsado.

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dastuuriga ah Oo Akhriyay Go’aanka Natiijadda Iyo Liiska Xildhibanada Halkan Ka Daawo.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com