Assalaamu Calaykum,

Ramadaan Wacan, Ilaah ha inoo dhaafo khaladkeenna dadaalkeenana ha hagaajiyo,aamiin amiin.

Qofka mu’minka ahi kuma qanco halka hoose, waa mid markasta higsanaaya halka u saraysa,dhibkastoo soo gaadhaana kama leexiyo halkuu higsanaayo.

Ilaahay wuxuu yidhi”U tartama Khayraadka”.Ilaahay markasta wuxuu ina faraa waxa inoo danta ah,markaas in loo tartamo khayrka sharkana laga joogsadaa waa amar ilaahay,qofkastaana haantuu toshu ayuu Ilaahay wax ugu ridi.Ilaahayna wuu jecelyahay in uu addoomihiisa ku arko boosaska sare mana jecla in uu boosaska liita ku arko .

Asxaabtu aad iyo aad ayey khayrka ugu tartami jireen,waynu wada garanaynaa tartankii weynaa ee ka dhexeeyey Cumar iyo Abiibakar, siday u tartamayeen waakii markii danbe Cumar ku yidhi”Mardanbe kula tartamimaayo”,waayo dhawr jeer ayuu tartankii kaga guulaystay Cumar.

Waxaan xasuustaa oday ka mid ahaa dadka ku tukada masjidka Cali mataan ayaa aad u dhuuxay fadliga uu leeyahay habeenka laylatul qadrigu,markaas ayuu yidhi”Horta sow lama hubo inuu ku jiro tobanka danbe”? misaa lagu yidhi haa markaas ayuu yidhi”haddaan tobankaba safka hore camirto halkuu iga dhaafayaa habeenkaasi”?.

Xasanulbasrina wuxuu yidhi”Haddii qof kugula tartamo diintaada kula tartan,hadduuc se adduun kugula tartamo uga hadh”.

Wahiib Buni Wardina wuxuu yidhi”Haddaad awoodo in aan cidna dhanka Ilaahay kaaga dheerayn Samee”.

Bishan Ramadaan waa la ordayaa yar iyo weyn iyadoo masaajidadii buuxan khayrkana loo heelanyahay,haddana waxaa jira dad aan la soconba halka layslamaraayo,dadkaasi waa dad laga dheereyey.

Tartan dheer ayaa lagu jiraaye yaan lagaa dheerayn,dadka badankiisu waxay naf iyo maalba ag dhigaan manaasibta iyo adduunka,waxaa haboon in tan aakhirona lagu tartamo oo aan lagaaga dheerayn dhanka waxbixinta,quraan akhriska iyo cibaadooyinka kaleba.

Bishan khayrka fure u noqo sharkana quful u noqo,Nebigu SCW wuxuu yidhi”Dadka waxaa ka mid qaar khayrka fure u ah iyo qaar sharka fure u ah,Janno ha u sugnaato addoomaha alle ka yeelay inay fure u noqdaan khayrka,hoog ha usugnaado ku laga yeelay in ay sharka fure u noqdaan”.

Xadiiskan markaynu dhuuxno waxaa inoo soo baxayaa in dadku laba yahay adduunkan,mid markasta dadka albaabka khayrka u fura iyo mid markasta albaabka sharka dadka u fura,walaal adigu keebaad rabtaa inaad noqoto?Haddaad jaanis haystaaye walaal ka feker oo dhanka khayrka iyo wanaagga ku soo biir.

Khaalid Binu Macdaan wuxuu yidhi”Haddii midkiin albaabka khayrka loo furo ha u degdego,lama kasaaayo goorta la xidhaayee”.

Siday Dadkii wanaagsanaa khayrka ugu tartami jireen.

  1. Nebi Muuse CS,

Nebi Muuse CS Ilaahay goortuu la balamay wuxuu ka soo hormaray dadkii kale,markaas ayuu ilaahay SWT ku yidhi”Tolkaa maxaa kaa soo dedejiye Muusow? wuxuu yidhi”Tolkay waa igu daba jiraan,anna waxaan uga soo hormay Ilaahow si aad iiga raali noqoto”.

Bal u fiirsada sida Nebi Muuse CS la kulanka ilaahay ugu soo degdegay ee dadkii la socday uga soo dheereyey,markasta aan isku dayno inayno noqono hormada hore.

  1. Rasuulkeennii Sharafta Badnaa SCW,

wuxuu ahaa mid aan ka daalin khayrka, markastana wuxuu aha hormoodka dhankasta,Nebigu SCW wuxuu ahaa mid qiyaamu laylka ooga ilaa ay ka dildilaaceen cidhbihiisii,Caa’isha ayaa ku tidhi”Maxaad sidan u samayn iyadoo danbigaagii hore iyo kii danbeba laguu dhaafay”?,wuxuu yidhi Nebigu SCW”Miyaanan jeclayn in aan noqdo addoon Alle u mahadnaqa”.

  1. Abiibakar Ilaahay haka raali noqdee,

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nebigu SCW asxaabtii ku yidhi”Yaa waa bariistay isagoo sooman? Abiibakar ayaa yidhi aniga,Nebigu SCW haddana wuxuu yidhi”Maanta yaa aas raacay? Abiibakar ayaa yidhi aniga,Nebigu SCW wuxuu yidhi”Yaa maanta miskiin quudiyey? Abiibakar ayaa yidhi aniga,

ugu danbaytii Nebiga SCW wuxuu yidhi”yaa maanta bukaan soo booqday?Abiibakar ayaa yidhi aniga,markaas ayuu Nebigu SCW yidhi”Qofna kuma kulmaan intaasi ilaa Jannada ayuu gala”.

4. Cumar Ibnul khaddaab Ilaah haka raali noqdee,

Cumar wuxuu yidhi”Maalin ayuu Nebigu SCW na faray waxbixinta,markaasaan farxay oo idhi allaylehe maanta Abiibakar ka dheere waayo xoolo Ayaan guriga ku ogaa,Waxaan keenay kala badh xoolahaygii,badhna waan ka imid,markaas ayuu Nebigu SCW igu yidhi”maxaad reerkii uga timid? Markaasaan ku idhi kala badhkii kale,Abiibakarna sow wixiiba waa soo qaaday markaas ayuu Nebigu SCW ku yidhi”Maxaad reerkii uga timid?wuxuu yidhi Abiibakar Ilaah haka raali ahaadee”Ilaahay ayaan reerkii uga imid”.markaas ayuu Cumar yidhi”Wax danbe kugula tartamimaayo Waligay”.Cumar walaalkii wuxuu u qiray in uu khayrka uga dheereeyey,yaan lagaa dheerayn walaal adduunyadu waa ayaamo ee.

  1. Caamir Ibnu Cabdilaahi Ibnu Subayr,

Caamir wuxuu ka mid ahaa Taabiciintii waa waynaa,markuu xanuunsaday ayuu maqlay eedaankii markaasu ku yidhi dadkii ka agdhowaa” waar ii qaada Masaajidka”,waxaa lagu yidhi ma adoo sidan u liita ayaad Masaajidka tegi karaysaa,Wuxuu ugu jawaabay”Ma anoo maqlaayaa yeedhmada ilaahay ayaanan ajiibayn”? Waa la geeyey masjidkii waxaa la soo wariyaa inuu ku dhintay masaajidkii ragcadii koobaadba.Maxaa ka fiican in Ilaah adduunkan gaaban inoogu khatimo innagoo Salaad ku jirna.

Ugu danbaytii aynu walaalayaal dadaalno oo yaan khayrka laynooga dheerayn,markastana aynu noqono hoggaamiyayaasha khayrka,Ilaahayna wuxuu yidhi”Waar u degdega danbi dhaafka Ilaahay iyo Janno balaadhkeedu leegyahay dhulaka iyo samadda,waxaana loo diyaariyey Jannada dadka Ilaahay ka cabsada”.

CABDINAASIR XASAN MACALLIN

Zudaizi2020@gmail.com