Maansada Waxaan Diidayaa Tabban?

Maansadan waxa tiriyay Guddoomiyihii Hore ee Rugta Ganacsiga Somalikand Maxamed Shujri Jaamac, wuxuuna ku bilaabay sidan:-

Waxaan diidayaa taban
Hogaan aan dariiq sugan
Daw cadaana oo dhilan
Dadku wada ogsoonyiin
Dambas weyne lagu hubin,
Hogaan aan duqeytida
Daan ciroole soo jirey
Dalyaqaanka beeshiyo
Dood yaqaanka aan xilin
Darmo aan u fidinoo
Daris aan ka weeleyn.

Waxaan diidayaa taban
Hogaan dooran keligii
Garashaba dareenkiyo
Intuu daawan karo tahay
Isku daabni haystoo
Cidba aan dan ka lahayn.

Waxaan diidayaa taban
Hogaan dee nin doortiyo
Ninkii diiday kala gura
Dadka uu xukumayaa
Badhna daabac uu yahay
Iska daadax socodoo
Dixda aan hormo u gelin
Sida nugul diraaceed
Darka qaranka kaba fulin ,
Durna qaar yihiinoo
Siduu yidhi ma daalii
Diriceeni dheelmaday
Duqii Gaariyee tegey
Rabbi darajo sare iyo
Janno hawgu deeqee
“Degta qaran badh lagu sido
Badhna reerka soo degey
Yahay reerka daba yaal”,
Waxaan diidayaa taban
Hogaan aan dan ka lahayn
Daba guranka qarankiyo
Dildilaanka beelaha,
Waxaan diidayaa taban
Hogaan aan dan ka lahayn
Ubaxii dalkiisoo
Doog dhabasho aan jirin
Daasad looga tumay Xamar,
Waxaan diidayaa taban
Hogaan aan dan ka lahayn
Dacwad tabasho ruux qaba
Debec lagu dhegeystiyo
Dawadii garsoor tahay,

Isku soo dabaaloo
Waxaan diidayaa taban
Hogaan aan dan ka lahayn
Dalacaadu iney tahay
Kasbashada dadkiisiyo
Duub hiishu xagatiyo
Duhur iyo boqool iyo
Dayax lagu iftiinsado
Dabasocodka raadkoo
Danta qaranka loo dhaxo.

Waxaan diidayaa taban
Dal mucaaradkiisii
Dawankiyo caroogii
Haday debecdo qaansadu
Diiranaan ku werinlaa
Inuu gaabshey diricii
Loo doortay geediga
Doorka maanta hagilaa
Bulshadana dareenkii
U digaayey noqonlaa,

Waa doonis iinlee
Dal mucaaradkiisii
Xilkii uu dadweynuu
Darajada ku siinlaa
Daraahiim ku iibsaday,
Marka midigta loo dabo
Iska dabac muxaafida (dhaqan)
Marka lagala daahana
Soo kiciya duufaan,

Waxaan diidayaa taban
Dal mucaaradkiisii
Ka shib yidhi dabaylaha
Dadka ruxaya maalmahan,
Waxaan diidayaa taban
Dal mucaaradkiisii
Inuu Dahabo guursado
Dadabtana usoo galo
Ka dumaalo saxardiid
Ka dacwadhay hankiisii,

Dal mucaaradkiisii
Dambas iila eeg yahay
Dal mucaaradkiisii
Dookhiisu lacag yahay,
Dannibaana igu jira
Duqa iney la xidideen
La ogyiin wax diimoon
Ka qarsoon dadweynaha,

Isku soo dabaaloo
Waxa aanan uba dudin
Diiqad iyo u gelin buuq
Nabarkaa la dedayaa
Wuu dilaaci doonaa
Duhurbuu gambada furan
Dambarkiisa wax dhami
Ninka daahay milikaa.

Waxan diidayaa taban
Shacab yahaw dan seegi’i
Shacab yahaw dayeysani
Sodon sano ka dabadood
Weli dayrku xanan yahay
Duddadiisu fagan tahay
Dookhiisu hebel yahay
Reer hebelna diin yahay
Dadka kale ka mudanoo
Nin danqaabay meyd yahay
La dilaa banaan tahay,
Daleed lagaga hoydee
Ka hadhgalay darwiishkii
Dunta boqorka loo sudhay
Iyo kii dumaashiyo
Doorka xiga u feeydnaa,
Isku daahayee jabay
Isku daalayee lumay
Intii aad dagaalada
Deriskaa ku foogneyd
Mid sidaada dulugle ah
Isba aan daryeel qabin
Dacdarraanta kula qaba
Ma ogtahay dareen jira
Daadka soo rogmanayee
Deyrba aanu kaa xigin
Duulimaadka soo maqan
Raba inaad daluuntii
Godki Daado lagu cunay
Iyo curadki Doolaal
Dadqaladu ka badanyiin
Orgobkii darraatoo
Meel aan daymadaadiyo
Dareenkaagu hadi Karin
Lagaa daawanaayoo
Diirad meel shishe ah taal
Ku dul sudhantay ma ogtahay,

Hadaan duurxulkaygani
Daahir aanu kuu noqon
Diirka aan ka qaadoo
Dusha sare ka qolof rido,
Doobka seexdayow maqal
Dar Allee dhegaa furo
Dulmarow warbaa jira
Dulucdiisu ay tahay
Dusha oo lagaa raro
Dabar lagugu foofsado
Doc madaw habeenkii
Isla duubto macaluul
Halka deylo daaqdana
Duul kale lasoo furo,
Dooni aanad garaneyn
Dadka saaran ee ullan
Dekedaada lagu xidho
Adna daawashiyo yaab
Didmo aad ku dhawrtaa
Dadkan lagugu soo raray.

Daakiraada subixii
Daaman hilibki ka engegey
Duud xagan la toostoo
Dibno ciil lasoo kogay
Duco nuxur la,aaneed
Gacmo daaley fidisoo
Daa,inow tidhaahdaa.

Waxaan dooda kaga tegey
Waar hooy dadkaygoow
Haday taladu daw tahay
Dooyo nabada faalada
Damal lagu gorfeeyiyo
Debec aynu haynaa
Laysla doonan karayaa
Waxaad adigu doontiyo
Waxa aniga ii daran.

Maxamed Shukri Jaamac
Hargeysa/Somaliland