Araweelo News Network

Mo FarahlastTartannada orodka amma maratoonka waxa kaalmaha hore ka gala inta badan orodyahanno asal ahaan ka soo jeeda dalalka Geeska Afrika, sida Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya iyo Kenya, waxaanay urursadaan dhammaan billaddaha dahabka ah ee orodka masaafadda dheer lagu bixiyo.
Waxa tusaale loo soo qaatay orodyahanka u dhashay Somaliland ee Mo Farah, balse ku orda magaca dalka Ingiriiska oo ciyaaraha Olombikada ee ka socda waddanka Baraasiil kaalinta koowaad ka galay, halka ay ku xigeen laba orodyahan Itoobiya iyo Kenya ka soo jeeda.
Mo Farah oo 10,000 mitir orodka ah kaalinta koowaad ka galay, waxa uu lix bilood ku tababaranayey xero ku taal dalka Itoobiya, balse daraasado badan oo la sameeyey ayaa faaqiday sababaha keentay in orodyahannadan kaalmaha hore galaan, kuwaasoo badankoodu isku raaceen in dadka ka soo jeeda degaannada bariga qaaradda Afrika ay caan ku yihiin lugo dhaadheer, taasina keentay in ciyaaryahankoodu guulo ka gaadhaan tartanka orodka ah, balse daraasaddu ma ay awoodin in ay tilmaanto in bal hide-sidayaal ay ka dhaxleen awoowayaashood ay ka masuul tahay arrintan.
Nin la yidhaa Andy Galbraith oo ah bare sare oo cilmi nafsiga ka dhiga jaamacadda bariga London, ayaa daraasad ka sameeyey sababta orodyahannada bariga Afrika u dhashay ay guul uga soo hooyaan orodka masaafada dheer ee caalamiga ah.
In ka badan 10,000 ciyaartoy oo ka soo kala jeeda 206 dal ayaa sannadkan ka qaybgalaya ciyaaraha Olambikada ee ka socda dalka Baraasiil, balse markay masaafada dheer noqoto waxa isugu soo baxa miidaanka orodka ciyaaryahannada bariga Afrika oo iyagu kala badiya, sidaa darteed waxa su’aal noqotay sababta ay orodyahannada mandaqaddan ka soo jeeda guulahan cajiibka ah u soo hooyaan?
Waxa dadku soo jeediyaan in ay tahay hidde-side ay ka wataan tafiirtooda, inta badanna ay isku raacaan dadka falanqeeya arrintan, maadaama orodyahannadi ka soo jeedaan dalal aan dhaqaalahoodu badnayn amma lagu tiriyo waddamada soo koraya.
Sida la ogyahay 15-kii sanno ee u dambeeyye, waxa arrintan ku mashquulsanaa saynisyahanno doonayey inay su’aashan jawaab u helaan, waaana soo baxday in ay caddayn u helaan qaab-dhismeedka jidhka orodyahannada bariga Afrika oo ay sheegeen in ay leeyihiin lugo dhaadheer oo dhuudhuuban, kuwaasoo u saamaxa in awoodooda orod kor u kacdo.
Guud ahaan daraasaddan ma ay isku raacin amma ma wada helin inay hidde-side ka wataan tafiirtooda masuul ka tahay guulahooda, laakiin haddana dadka ciyaaraha fallanqeeya ee daraasadda laga sameeyey waxay ku adkaysteen in hidde-side (Genetic) qayb ka ahaan karo guushooda.
Waxa kaloo jira qodobbo cilmi-badhayaashu ku adkaysteen oo tilmaamaya in asal ahaan dadka ka soo jeeda bariga Afrika uu socodka iyo orodkoodu badnaa waqtiyadii hore, taasoo celcelis ahaan orodkooda guud qofkii noqdo 3 ilaa 12 miles (5km to 20km), intaas oo ay u kala socon jireen gurigooda iyo goobaha a hawlaha ka doonayaan
Inta badan ciyaaryahannada Yurub ka soo jeeda waxa gala dedaal iyo tobabar aad u weyn oo uu dhaqaale iyo booratiinno la siiyo la socdaan si jidhkoodu ugu adkaysto orodka, balse haddana ma gaadhaan orodyahannada Afrika marka loo eego dhinaca orodka masaafada dheer.
Bariga Afrika waa dhul joogiisu sarreeyo. Tusaale ahaan; orodyahannada Kenya iyo Itoobiya badankoodu waxa ay ku dhasheen, kuna barbaareen dhul joogiisu dhan yahay 6-8,000 Ft (Lix kun ilaa siddeed kun oo fuudh) oo u dhigma 2,000 ilaa 2,500 oo mitir, taasina ay keento in jidhkooda uu ku bato booratiinka unugyada cascas ee jidhka ku badan ee qaada neefta ogsajiinta, jidhkana gaadhsiiya ee la yidhaa Heemogolobiin (Haemoglobin).
Sidoo kale, orodyahannadan waxay awood u leeyihiin inay ku tababartaan goobaha huurkoodu aad u sarreeyo ee kulaylka ah, taasina ay kor u qaado awoodooda. Tusaale, ahaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay goob orodyahannada caalamku ku soo hirtaan si ay ugu tababartaan, maxaa yeelay waxa aad u sarreeya joogga dhulka.
Inta badan Mo Farah waxa uu ka tagaa London si uu ugu tababarto Afrika, gaar ahaan duleedka Addis Ababa iyo waliba Kenya.
Waxa kale oo loo shardiyaa guusha orodyahannadan inay ka dambayso iyagoo niyaddooda geliya in ay guulaystaan uun si ay u helaan dhaqaale amma isku filnaansho nololeed, halka orodyahannada Yurub u ordaan si ay magac uun u helaan.