Araweelo News Network

kulmiyeciyaaroHargeysa(ANN)Xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa qalab ciyaaraha Kubadda Cagta ah ku wareejiyey kooxaha ka qaybgalaya tartanka bisha Ramadaan ee ka socda magaalada Gabiley.
Wefti ballaadhan oo isugu jira hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga oo galabta tagay magaalada Gabiley ee xarunta Gobolkaasi, ayaa laba iyo toban kooxood oo ka qaybgalaya tartanka bisha barakaysan ee Ramadaanta magaalada Gabiley waxay ku wareejiyeen agab ciyaareed oo xisbigu ugu talogalay inuu ku dhiirrigeliyo da’yarta ku hawlan ciyaaraha.

kulmiyeciyaaro2
Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha guud ee xisbiga Md Xasan Siciid Yuusuf, wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdilaahi Faarax Maydhane, mudanayaal katirsan golaha deegaanka Hargeysa oo kasoo baxay xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweyn ballaadhan kala kulmay maamulka gobolka, masuuliyiinta xisbiga u qaabilsan gobolka iyo dadweynaha reer Gabiley, gaar ahaan dhallinyaro tiro badan oo ka qaybgalay daawashada tartanka halkaas ka socda.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley Md. Abiib Muuse Xirsi iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga ee xukuumaddii UDUB Mr. Abiib Xasan Filfil, ayaa si wayn ugu mahadceliyey weftiga deeqda agabka ciyaaraha ee xisbiga KULMIYE ugu deeqay dhallinyarada, iyagoo caddeeyey in abaalkaasi noqon doono mid ay gudi doonaan reer Gabiley oo horeba si aan kala sooc lahayn u taageersan xisbal-xaakimka.
Maayarka Gobolka Gabiley Md. Maxamed-amiin Cumar Cabdi, ayaa hadal kooban oo soo dhaweyn iyo mahadnaq u badan u jeediyey weftiga, waxaannu hoosta ka xariiqay in taageerada reer Gabiley ee xisbiga KULMIYE tahay mid bannaanka taalla oo aan madmadow ku jirin.
Wasiirka Warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas hadallada ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday mahadnaqa la xidhiidha deeqda xisbigu ku wareejiyey da’yarta reer Gabiley, waxaanu shaaca ka qaaday waxqabadka xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ee gobolka Gabiley yahay mid muuqda, isla markaana abaalkiisa la filayo maalinta ay codka gaadho.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa da’yarta ku guubaabiyey inay muhiimad gaar ah siiyaan noocyada kala duwan ee ciyaaraha si ay ugaga mashquulaan dhibaatooyinka balwadaha iyo tahriibta, sidoo kalena caafimaadkooda u ilaashadaan.
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa xusay in ajandayaasha xisbiga KULMIYE ay ka mid tahay horumarinta iyo dhiirrigelinta dhallinyarada, isla markaana hiigsigooda fogi yahay kor-u-qaadista iyo tayeynta da’yarta reer Somaliland.
Badhasaabka Md. Xamse Maxamed Cabdi, ayaa isna ku soo dhaweeyey weftiga KULMIYE iyo xukuumadda Gobolka Gabiley, waxaannu si faahfaahsan uga hadlay muhiimada ciyaaruhu u leeyihiin da’yarta.
Ugu dambayntii waxa madasha xisbgu ku wareejinayey deeqda soo afmeeray guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxaana dhallinyarada ku hawlan mihnidda Kubadda Cagta ku adkeeyey inay ka dheeraadaan balwadaha kala duwan ee mustaqbalkooda aafaynaya, isagoo uga digay dhibaatada qabyaaladda oo uu ku tilmaamay aafo aayahooda dambe waxyeelo u geysanaysa.