Araweelo News Network.

#SONSAF Waxay Dalka Ka Fulinaysaa Mashruuca Isku Dhaca Doorashada, Waase Nasiibdaro In Aanay Xukuumaddu ….?

By. Suxufi: Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

 

Maalintii Insiinta 31 May, 2021, waxaa geyiga Somaliland dhamaantii uga qabsoomay si nabadgelyo ah doorashadii golaha Wakiiladda & Deegaanka oo wada socda, taasoo guud ahaan dalka iyo caalamka-ba si siman looga soo hambalyeeyey, loogana qiray wadajirka shacabka reer Somaliland uga qeybqaateen, taasoo ah mid Ilaahay SW loogu shukriyo nimcadaa, dhamaan inta xilka loo doortayna ogaadaan gudashada masuuliyadda loo doortay.

Alt: Araweelo News Network

Qabashada doorashooyinka iyo uga qeybgalka shacabka Somaliland hanaan nabadgelyo ah, waa dhaqan iyo caado soo taxnaa ilaa markii loo dareeray ansixintii aftida Dastuurka, ilaa tan u dambaysay, isla markaana tiro gaadhaysa sideed codbixineed uga qeybqaateen shacabku si nabadgelyo ah, wallow, ay qiritaankooda iyo aqbalaada hadafka shacabku ku doonayeen inay kaga dhabeeyaan himiladooda ee madaxbanaanida caalamku weli indhaha ka la’linayo.

Odhaah Soomaaliyeed baa ahayd, “Nin ay meeli u caddahay, meeli ka madow! Garowshiiyahii iyo hambalyadii ummadu guddo iyo debed, shacab iyo madax, kormeerayaal caalamiga iyo qof akstoo arkay ama maqlay ku qaabileen hanaankii shacabka Somaliland sida nabadgelyada ah ugu codeeyeen doorashooyinkan Wakiilada iyo Deegaanka, ayaa wax lala yaabo oo maskaxda qof caqli leh inuu aqbalo ka weyn noqotay markaan arkay warbixin urur maxalli ah (local NGO) magaciisa yahay SONSAF ku baahiyey in khaladaad gaadhaya ilaa 475 oo xitaa shil rasaas dhaawac keentay ka dhaceen gobolada dalka maalintii cod-bixinta, haba ugu badnaadeen Gobolka Maroodi-jeex iyo Togdheer, inkastoo ay raaciyeen in khaladaadku ahaayeen kuwo farsamo, lana xaliyey, (iyagoo aan meelna ku sheegin nooca khaladaadka farsamo ahaayeen, cidda xalisay)? waxa isweydiin leh, waar SONSAF miyey innala socotaa, mise way innaga socotaa? Bal eeg qoraalka ay ku baahiyeen bartooda!

“Maaddaama ay maalintii codbixintu sii dhammaanayso, iyada oo loo marayo SONSAF ESR, wadar ahaan tiro dhan 475 dhacdo oo cabashooyin ah ayaa laga soo gaadhsiiyey 6-da gobol, iyada oo Maroodijeex uu haysto rikoodhka ugu sarreeya ee 329. Cabashooyinku waa kuwo la xidhiidha nidaamka, badankooduna waxa lagu xaliyay waqtigii loogu talagalay. Illaa 3-dii duhurnimo, khilaaf weyn ma dhicin marka laga reebo isfaham la’aan yar oo u dhaxeysay dhalinyarada iyo amaanka magaalada Hargeysa taasi oo dhalisay rasaas iyo dhaawac fudud. Arrintii waa la xaliyay.”

Waxaan isweydiiyey horta qolada SONSAF, yaa awood u siiyey inay yidhaahdaan waxa iyo waxaa ayaa doorashooyinka ka dhacay, iska daa KHALADAAD ay baahiyaane? Ilayn hawshaa bilow ilaa dhamaad waxuu sharcigu siiyey Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, mise tolow ma garasho la’aan ayey ku tuhumeen anniga iyo shacabka Somaliland iyo bulsho aan ninka u dannaynaya iyo kuwa ka dannaysanaya aan kala saari karin, oo aan mid walbana siduu ugu lisay ugu hambayn Karin?

SONSAF intii doorashooyinku dalka Somaliland ka dhacayeen marar kala duwan ayey hay’adaha ka soo heleen mashruuc “Goobjoogeyaasha Maxalliga” oo kormeeri jiray sida doorashooyinku u dhacaan iyo waxa la xidhiidha, ka dibna mardambe soo saari jireen warbixintooda, taasoo gebi ahaanba la jaanqaadi jirtay haddba sida warbixinta Komiishanka Doorashooyinku baahiyaan dhamaadka hawsha doorashada, balse waxa la yaab ah in sannadkan soo qaateen mashruuc sidii hore ka duwan oo la yidhaahdo KORMEERAYAAL ISKU-DHACA DOORASHOOYINKA?

Maxaa keenay in la aqbalo oo dalka laga fuliyo mashruuc  isku-dhaca/khilaafka doorashooyinka lagu kormeerayo? Goorma khilaafka laga werwero doorashooyinkeenu ka dhaceen, oo keenta in mashruuc lagu bixiyo sidii kormeerayaal loogu diri lahaa? Mise waxuu ahaa qorshe hore loogu diyaarsaday in lagu shirqoolo, laguna dhaawaco guusha shacabka Somaliland shalay iyo marar badan oo hore  hanaan NABADGELYO ah doorashooyinka ugu galaan? Ilayn sabab kaloo meel amaan ah loogu soo qaato mashruuc khilaafaadka ka dhacaan kormeerayaal u dirayaaye ma jiraane?

Markaad hoos u dhuuxdid mashruuca SONSAF ee kormeerayaasha isku-dhaca doorashooyinka oo ay bixisay xafiiska Midowga Yurub (EU) kuna baxday ($2M) laba Milyan Doolar  sida warbixin kormeerayaasha Caalamigu ka qoreen guushii doorashooyinka iyo sidii nabadgelyada ahayd ee shacabku uga qeybqaateen, uguna heellanaayeen, ku sheegeen, waxaa kuu soo baxaya si ujeedadii mashruuca loogu sheego guul waa inuu sheegaa inay khaladaad ka dhaceen, (xitaa hadaanay jirin)?

Balse, waxa nasiibdaro ah in xilkii iyo waajibkii saarnaa ay ka gaabiyaan gudashadiisa Wasaarada Qorsheynta Qaranka oo shacabka Somaliland uga masuulka ahayd la socodka mashaariicda hay’addaha maxalliga ama kuwa caalamigu qorshaynayaan inay dalka ka fuliyaan, isla markaana marka ay dhinac walba kaga qancaan waxtarka uu dadka iyo dalka u leeyahay ogolaadaan in la fuliyo, siday ku soo ogolaatay, mise ogaal la’aantooda ayaa la bilaabay fulintiisa?

Marka camalka laga caajisaad cududna waydaaye,

Haddii loo cadiidsado se waa caano kuu rarane,

Gacmihii is wada caawiyaan shayna ku cuslayne,

Caqligii is wada biirsadaa ceel biyayn kara’e….

~Cabdilaahi S. Timacadde.

Guntii iyo gebagebadii, kolay anniga iyo inta ila garaadka ah ka hadhi mayno sheegitaanka khaladka ula-kaca ah ee SONSAF ula badheedhay dalka iyo dadka Somaliland, taasoo hadaan maanta la sixin, sababi karta inay berri soo xambaartaan mashruuc “Dhashii AMISOM” lagu korinayo,  waxaanay bulshadu eegi doontaa, indhahana ku hayn doontaa qaabka iyo talaabooyinka hay’adaha ku shaqada leh Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, hay’adaha amaanku u maraan la xisaabtanka qoladan u BADHEEDHSAN kala dhantaalka guusha shacabka Somaliland.

 “Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badine- Aan se doonayn inaad hesho daa’in abidkaa- Dadkuna idin moodi duul wada dhashoon wax u kala dahsoonayn.” Qamaam Bulxan Yuusuf

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Suxufi: Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland