Araweelo News Network.

 

Berbera(ANN)-Abwaan Cismaan Axmed Maxamed (Cismaan ku jare), ayaa ka hadlay mashaariicda Magaaladda Berbera oo sida uu sheegay markhaati ka ah in horumar weyn ay samaysay.

Abwaan Cismaan, wuxuu sheegay in markii ugu danbaysay Magaaladda Berbera iyo xilligan la joogo faraq weyn u dhexeeyo, isagoo ku amaanay Maayar Cabdishakuur Ciddin wax qabad ka muuqda magaaladda sida uu sheegay Abwaanku.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay mashaariicda  sannadii u danbeeyay laga waday Dekedda Berbera, isagoo sharaxaad ka bixiyay mashaariicdaa oo sida uu sheegay horumar iyo isbedel ka muujiyay Magaaladda.

Dhinaca kale, Abwaan Cismaan Axmed Maxamed (Cismaan ku jare), wuxuu ka hadlay waxyaabaha uu la kulmay intii uu ku sugnaa Magaaladda, wuxuuna si gaar ah uga hadlay cabashooyin ay dhalinyaradda Magaaladda Berbera isugu soo baxeen oo ay kaga cabanayeen fursadaha shaqooyinka ee soo baxa in aan wax tixgelin ah la siin ee lagaga soo waarido Hargeysa, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay Waraysi uu siiyay Telefishanka Bulsho.

Halkan ka Daawo

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com