Araweelo News Network.

Alt: Araweelo News Network

Ciidamo Tigary ah oo ku jira diyaargaraw dagaal, November 2020, Image File Aeaweelo News Network

Addis Ababa(ANN)-Dagaalyahan ka tirsan Xooggag ee dalka Ethiopia, ayaa si ballaadhan weerrero ugu qaaday dhulka ay sheegtaan gobolka ay deriska yihiin ee Amxaarada Salaasadii maanta.

Arrintan ayaa sababtay in hoggaamiyayaashooda xulafada la ah dowladda dhexe ee Amxaaradu ay ka codsadaan maleeshiyada deegaanka inay is hubeeyaan oo ay is abaabulaan, si ay isaga difaacaan dagaalyahanka Tigray ee TPLF.

 

Sida ay shaciyeen warbaahinta maxaliga  ah qaarkood, Duulaanka, ayaa sare u qaaday suurtagalnimada dagaal dhiig badan ku daato oo ku faafa gobollada dalka Ethiopia ee u kala qaysan qowmiyadaha, kaas oo sii xoojinaya kala qaybsanaanta qowmiyadeed iyo siyaasadeed ee Ethiopia oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

 

siyaasiyiinta Amxaarada, ayaa jeedinaya baaqyo ay ku guubaabinayaan shacbiga Amxaarada, iyagoo ku dhiirinaya maleeshiyada ku sugan gobolka inay fadhiga ka kacaan oo is abaabulaan, isla markaana is hubeeyaan si ay isaga celiyaan waxay ugu yeedheen caddaw kusoo duulay oo ay ula jeedaan TPLF.

 

“Waa in la sameeyaa diyaargarow deg deg ah si aad ugu abaabusho dhinacyada kuwa kusoo weerraray,” ayaa lagu yidhi, bayaanka kasoo baxay Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada, kaas oo ah xisbi siyaasadeed ka jira gobolka Amxaarada. Sidoo kale Baaq la mid ah kaas ayay soo saareen qaar ka mid ah dawladaha hoose ee degmooyinka Amxaarada. sida lagu baahiyay boggaga wararka ee Marreeggaha Inernetka ee Amxaarada.

 

Jabhadda Xoreynta Shacbiga Tigray ee (TPLF)  oo dhowaan dib u qabsaday gobolka, kaddib siddeed bilood oo dagaal dhiig badan ku daatay, ayaa wacad ku maray  in ay dib ula wareegayaan dhammaan xuduudihii gobolka ee qowmiyada Tigray ay  ku waayeen dagaalladii dhexmaray ciidamadda Ethiopia ee dawladda Federaalka oo taageero xulufo ka helayay ciidamadda dalka Eriteria iyo malayshiyaadka Amxaarada.

Tan iyo November 2020, markii  ciidamada federaalka Ethiopia oo ay taageerayaan kuwa Eriteria iyo malayshiyada Amxaarada duulaanka ku qaadeen gobolka Tigray, waxay Malayshiyaadka Amxaaradu qabsadeen dhulka Beeraha barwaaqada ah ee galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray, kuwaas oo sheegtay deegaankaa, isla markaana maamulayay tan xilligaa, balse waxay Jabhada TPLF, hada gacanta ku dhigtay deegaankaa inta baddan, iyadoo duulaan ku ekaysay.

 

 

Xaallada dagaalkan, ayaa si weyn looga cabsi qabaa inuu horseedo qalalaase ku baaha gobolka oo dhan, isla markaana sababo in ay malaayiin qof ka barakacaan guryahooda, iyadoo dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii dhawrka bilood socday si weyn u saameeyay nollosha malaayiin qof, halkaas oo sida ay sheegayaan hay’addaha qaramada midoobay dad gaadhaya Afar Milyan gar-gaar deg deg ah u baahan yihiin, halka ay ku dhowaad laba milyan oo kale ka qaxeen hoygooda tan iyo markii ay collaadu ka bilaabantay gobolka Tigray siddeed bilood ka hor.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com