Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee dalkiisa iyo qowmiyadaha kala duwan ee dalkaa ku nool ay ku biiraan ciidamadda dagaalka kula jira jabhadaha gobolka Tigray ee dagaalka kula jirta sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo farabaas ku haysa xukuumadda federaalka.

 

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa ka codsaday dhammaan dadka Ethiopi ee sida uu sheegay kartida leh inay muujiyaan waddaniyaddooda oo ay ku biiraya dagaalka ka socda woqooyiga dalka ee lagula jiro ciidamadda jabhada Tigray ee (Tigray defense forces) oo loo soo gaabiyo TDF.

AKHRI: Debretsion Gabremikael Hoggaamiyaha TPLF Oo Ka Hadlay Dagaalka Uguna Baaqay Malayshiyaadka In Aannay Naftooda Haligin

 

Dagaalka ayaa sii kordhay tan iyo bishii Juun, kaddib markii ciidamadda jTDF, oo ay horkacayeen Jabhadda Xoraynta Dadweynaha Tigrayga (TPLF), ay dib u qabsadeen inta badan gobolka Tigray , iyagoo sidoo kale todobaadyadii lasoo dhaafay la wareegay deegaanno istiraatiijii ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee ay jaarka yihiin iyo deegaanka Canfarta.

 

“Warbaahinta, fanaaniinta iyo dadka u ololleeya arrimaha bulshada ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan xoojinta taageerada dadka ee dalka,” ayuu yidhi, Abiy Ahmed.

AKHRI: Ethiopia: Dagaalkii Ugu Weynaa Oo Dalka Laga Iclaamiyay

“Qof kasta oo Ethiopian ah waa inuu si dhow ula shaqeeyaa ciidamadda ammaanka, isagoo ah indhaha iyo dhegaha dalka si loo daba -galo loona soo bandhigo basaasiinta iyo wakiilada TPLF ee argagixisada ah.”ayuu yidhi, ra’iisal wasaare Abiy.

AKHRI: Washington Oo Ka Digay Dagaalka Isirka Ee Kusii Fidaya #Ethiopia Iyo Soo Jeedin Ka Cadhaysiisay Dhinacyada

Kooxda TPLF ayaa ku tilmaantay eeddaynta xukuumaddu ugu aqoonsatay urur argagixiso mid la doonayo in lagu majara habaabiyo guuldarada ay u xanbaariyeen sida ay sheegeen xukuumadda Abiy, waxayna kooxdu leedahay TPLF, waa dawlad goboleedkii sharciga ahaa ee gobolka Tigray.

Dhawaaqa ra’iisal wasaare Abiy, ayaa kusoo beegmay, iyadoo xaaladda dalka Ethiopia laga dayrinayo, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xukuumadda Ethiopia ku baaqday Sabtidii lasoo dhaadhay dagaal lagu qaado kooxda TPLF, kaddib markii ay qabsadeen magaalada Lalibela, oo ah magaalo ku taal dhul buuraray ah oo kala sareeya, ayaa dhacda waqooyiga gobolka Amxaarada ee Ethiopia, waxaana loo aqoonsanyahay goobta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO (Lalibela World Heritage site) , Lalibela waxay hoy u tahay 11 kaniisadood oo hal -ku -dheg u ah boqortooyada oo lagu xardhay dhagaxa qarnigii 12aad. Kaniisadaha ayaa ah goob quduus u ah, waxayna dadka Ethiopia ee Masiixiyiinta Orthodox ee Ethiopia u haystaan qudusta cusub.

KHRI: Ethiopia: Ra’iisal Wasaare Abiy Oo Ku Gacansaydhay Dalab Uga Yimi Maraykanka Iyo Imaaraadka Carabta iyo Gondor Oo Ku Siqay Gacanta TPLF

Todobaadkii lasoo dhaafay, waxa si weyn uga digay xaaladda Ethiopia Marayanka, kaddib markii ay gobolka booqatay Ambassador Samantha Power oo ah haweenayda madaxda ka ah Hay’adda Qaranka ee Maraykanka u qabilsan caawimooyinka aduunka USIAD, waxayna ku baaqday xabad joojin, balse dhawaaqa ayaanay dhinacyadu dheg jalaq u siin, iyadoo Ambassador Samantha Power aannay  awooddin inay la kulanto ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy intii ay ku guda jirtay booqashadeeda.

AKHRI: Dagaalka Ethiopia Oo Saamayn Ku Yeeshay Gobolka, Djibouti Oo Ciidamo Ku Taageertay Hiilka Amxaarada Ee Abiy Ahmed Iyo Cabsida Laga Qabo In La Go’doomiyo Addisa Ababa

Marar hore ayay xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy ku baaqday in dadka shacabka ah iyo qowmiyadaha kale ee ku nool dalku u midoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen jabhada Tigray, waxaana loo fasirtay in dalkan oo ahaa kuwa ugu cudada weyn xagga ciidamadda Milateriga Afrikada Madaw  uu si weyn ugu wiiqmay dagaalka , isla markaana ay dhawaaqyadani muujinayaan in aannay jirin cudud ciidan oo dhanka Millateriga ah oo difaacda jabhada Tigray iyo ciidankeeda, iyadoo aannay meesha ka maqnayn in kooxda TPLF oo hore xukunka uga tuurtay taliskii Mengistu Haile Mariam sagaashanaadki, iyagoo i muddo socon sannadood ah ka talinayay dalka, balse mar kale ay dib dagaal usoo galeen markii xukuumadda Abiy ay qabsatay talada dalka sannado ka hor ay isku dhaceen, sidaana uu ku bilaabamay dagaalka xilligan soconaya November 2020.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com