Araweelo News Network.

 

“Taliye AbiyAhmed iyo AgegnehuTeshager isma dilaayan xattaa” Getachew Reda

Addis Ababa(ANN)-“Ciidamadeennu waxay ku sii siqayaan jiho kasta, mana jirto cid joojinaysa, xitaa roob ma da’ayo.” Sidaa waxa yidhi, afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo ka hadlayay xaaladda dagaalka TDF iyo Amxaarada, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Taliye AbiyAhmed iyo AgegnehuTeshager isma dilaayan xattaa iyadoo,” Raya iyo Welqait iyo Gondar oo gacmaheena ku dhacaya. “ Wuxuu ugu baaqayaa “Qowmiyadaha iyo Shucuubta Ethiopia inay isu soo baxaan, mana ahan xooggeena, laakiin waa inay la dagaallamaan shacabka Tigray.” Ayuu yidhi, Getachew Reda oo ah Afhayeenka TPLF.

“jihada mana jirto cid ka hor istaageysa, xitaa roobka. Ethiopia waxay ubaahantahay waji cusub oo siyaasadeed oo leh geesinimo ay ugu sheegto Abiy Ahmed iyo AgegnehuTeshagers iyo aduunka inay yihiin “kansarro” meesha laga saarayo” ayuu raaciyay Getachew Reda.

Xaaladda dagaalka ayaa sii xumaanay, waxaana jira warar sheegaya in Maraykanka iyo Imaaraadka Carabtu ka codsadeen ra’iisal wasaare Abiy Axmed inuu bilaabo heshiis lagu joojiyo dagaalka oo uu la galo TPLF, balse ilaha wararka diblamaasiyada ee shebekaddaha Araweelo News Network heshay ayaa sheegaya inuu ka gawsqabsaday soo jedintaa.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegay in ciidamadda Tigray ee TDF, ay kulalaayaan Magaalada Gondoe oo ah kuwa ugu waaweyn magaalooyinak Amxaarada, isla markaana taariikh weyn ku leh dalka Ethiopia.

Ciidamo doonaya in ay dagaalka isugu baaqaan oo lug ah deegaanka Amxaarada Image file Araweelo News Network. 27 July 2021.

Dagaalka, ayaa durba ku baahay gobolka, waxaana la xidhay Jidadka tareenka ee u dhexeeya labada Tareenka iyo jidka laamiga ah ee sahayda ugu badan usoo marto dalka Ethiopia ee aan dekedda lahayn, kaas oo ku xidha dalka ay jaarka yihiin ee Ethiopia.

Kooxo dhalinyaro ah oo qowmiyada Soomaalida ee gobolka Sitti degan ayaa xidhay Isniintii labada jid ee muhiimka ah, kuwaas oo ka cadhaysnaa dad dhawr boqol ah oo lagu dilay Sabtidii deegaanka Garba-ciise ee galbeedka gobolka Sitti.

Maxamed Rooble, afhayeenka dawladda deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegay Salaasadii maanta in sababta loo xidhay jidka ee Mudaaharaadku uu ahaa mid daba socday weerar ay ciidamada gaarka ah iyo maleeshiyooyin ka socda gobolka Canfarta ee dariska ah ay ku qaadeen magaalada Garba-ciise, halkaas oo lagu xasuuqay dad Soomaali ah oo gaadhaya ku dhowaad 300 qof oo haween, caruur, waayeel iyo culimo, kuwaas oo lala xidhiidhiyay khilaaf hore ugu taagnaa deegaanka oo xilligan dib usoo cusboonaaday collaadaha ka jira dalka Ethiopia awgood.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com