TelesomDahabshiil

Somaliland: Xildhibaan Faratoon Oo Qiray Inuu Meel Adag Marayo Loollanka Shirguddoonka Wakiillada  

Araweelo News Network.

#Somaliland: Xildhibaan #Faratoon Oo Qiray Inuu Meel Adag Marayo #Loolanka Shirguddoonka #Wakiillada

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Yasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah xildhibaanka Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye u sharaxeen guddoomiyaha gollaha wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in xilligan loollanku marayo meel adag.

Xildhibaan Yaasiin Faratoon, wuxuu sheegay inkasta oo tartanku marayo meel adag oo ay Isbahaysiga mucaaradka iyo xisbigooda Kulmiye isku dhow yihiin, balse uu filayo raja fiican.

“Tartanku wuu adagyahay, labada dhinacna (Isgahaysiga mucaaradka iyo muxaafidka), waxaad moodaa in ay isku dhow dhow yihiin oo hawshu ay adagtahay oo tartan adag ayaa socda, laakiin rajadaydu way fiicantahay. Sidaa waxa yidhi, Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka hadlayay hankiisa shirgddoonka gollaha wakiillada Somaliland iyo sida ay wax u socdaan.

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu Arbacadii maanta Telefishanka SAHAN, wax ka weydiiyay arrimaha loolanka shirguddoonka.

Dhinaca kale, Yaasiin Maxamuud Xiir oo la weydiiyay su’aalaha ay in baddan oo bulshada ka mid ah siyaasiyiinta dhaliilayaa usoo jeedinayaan ee la xidhiidha dooda ah in maadaama uu yahay “Xildhibaan Faratoon” nin da’a ah aannay ku haboonayn in uu maanta u cararo kursiga shirguddooonka.

Wuxuuna dooda caynkaas ah ku macneeyay mid aan sal ahayn, isagoo ku dooday in dad xagga da’ada ka weyn ama filkiisa ah ay baarlamaanada aduunka hoggaamiyaan, isagoo dhinaca kale tusaale usoo qaatay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Jeo Biden oo uu sheegay inuu hoggaaminayo dalka aduunka ugu dhaqaallaha weyn, ugu quwada weyn, sidaa awgeed wuxuu dooda noocaas ah ku macneeyay mid ‘maangaabnimo.”

“Maxaan u nasanayaa, inta awooddayda ee aan karayo ee aan aqaan oo in baddan oo aan da’adaa gaadhin ayaan ku hoggaaminayaa” wuxuuna ku dooday in cimrigiisa uu Allah ugu mahadnaqayo, isla markaana aannay ahayn mid uu dhegaysanayo kuwa sidaa ku doodaya.

Xildhibaan Yaasiin Faratoon, wuxuu ku dooday in maadaama uu qarankan xilal kala dawn usoo qabtay, isla markaana uu leeyahay aqoonteeda aannu marnaba ka hadhayn rabitaankiisa uu ku doonayo inuu noqdo guddoomiyaha gollaha wakiillada Somaliland ee cusub, wuxuuna, isagoo farriin u diraya mudanayaasha sheegay in haddii cid kale la doorto in ay taas ka dhigantahay in gollihii wakiillada la fadhiisiyay cidla, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in ay doortaan xildhibaandu.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>