Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Sompower, oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn ee bixiya adeegga Korontada ee Laydhka, ayaa daah-furtay barmaamuj lagu yaranayo Khatarta inta badan ka dhalata Laydhka, barnaamijkaa oo la doonayo in hab casri ah loo maareeyo hanaanka qaybinta adeegga Korantada.

maamulka sare ee Shirkadda, ayaa sidaa kaga dhawaaqay kulan lagu daah-furay mashruucaa oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen Maamulka Shirkadda “SOMPOWER”, Masuuliyiin ka socday laamaha Dawladda ee ka shaqeeya howlaha Tamarta, madax ka socotay Qasriga Madaxtooyada, Ganacsato iyo khubarro kale.

Alt: Araweelo News Network

Maareeyaha Shirkadda Sompower Cabdullaahi Beershiya, Iamge Araweelo News Network.

Maareeyaha guud ee Shirkadda “Sompower”, Cabdullaahi Beershiya oo ka hadlayay ujeedada kulankaa, ayaa sheegay in barmaamujkani ka kooban yahay laba mashruuc oo isku sidkan, kuwaas oo looga gol leeyahay in halista ka dhalata Korantada iyo dabka lagu maareeyo hab casri ah oo mustaqbalka waara.

“Waa mashruuc wakhtigiisa iyo Kharashkiisaba wata. waa mashruuc ay doonayso Shirkadda Sompower, inay u babac dhigto si ay u fuliso. mashruucani wuxuu ka kooban yahay laba mashruuc oo isa saaran. wejiga koowaad waxa weeye in aan sidii hore waxba lagu socon ee wax weyn laga bedelo oo aanu dib u habayno nidaamkii hore ee ahaa in nafta uun lagu sasabo ee ahaa in aanay magaaladu dab uun waayin iyo in aan u guurno nidaam casri ah.” ayuu yidhi Maareeye Maareeyaha shirkadda Sompower Cabdullaahi Beershiya.

Sidoo kale, Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose ee Magaalada Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, ayaa sheegay qurxinta iyo qaabaynta caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay hormood ka yihiin shirkadaha iyo ganacsatada dalka, waxaan u mahad-celiyey shirkadda Sompower oo uu ku tilmaamay inay kaalinteeda qaadaneyso maadaama ay daah-furtay mashaariic muhiimad weyn u leh horumarinta caasimadda.

“Mashaariicdan ay maanta daah-furtay shirkadda laydhka ee Sompower dhibaatooyinka fara baddan ee naga haystay laydhka xal wuu u noqon karaa; Laydhka iyo xadhkaha fara badan ee magaalada dul-yaacaya ee bilic-xumada ku hayay iyo khatarta ay bulshada ku hayaan-ba.”

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo macdanta Somaliland Mukhtaar oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay, “Wax ay shacabka reer Somaliland ay aad ugu baahnaayeen oo la sugayay maanta weeyaan, aad ayaan ugu hambalyaynayaa Shirkadda Sompoer. Mashruucani waa mid ay aad ugu baahnayd Caasimada Hargeysi”, ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

 

Masuuliyiin ka socday Komishanka Tamarta, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, xubno ku hadlayey afka Boodhka sare ee Shirkadda Sompower iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin mashaariicda maanta la daah-furay oo ay soo dhaweeyeen hirgelintiisa.

Dhinaca kale, waxay qorshaha hawsha barnaajimyadan ay soo bandhigaty shirkadda Sompower oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweeyn ee Laydhka bixiya noqonayaa mid si weyn wax uga tara dhibaatooyinka ka dhasha Laydhka xilliyada roobabka iyo mararka dabalyuhu dhacayaan oo ay Laydhadhku galaaftaan noollosha dad badan iyo xoollo sidoo kalena khasaare ka dhasho mararka qaar dabka.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com