Araweelo News Network.

Tigray regional President Debretsion Gebremichael

Tigray regional President Debretsion Gebremichael, Image file Araweelo News Network.  15 November 2020.

New York (ANN)-Debretsion Gebremichael oo ah Hoggaamiyaha Tigray ee TPLF, ayaa ka hadlay sida ay uga go’an tahay in lasoo afjaro dagaalka sagaalka bilood ka socday gobolka, isla markaana wuxuu xusay in ay lagama maarmaan tahay in wada-xaajood lagu dhammeeyo dagaalka ay ku dhinteen kumanaanka qof, islamarkaana in ka badan nus milyan qof  ku barakaceen.

Debretsion Gebremichael, wuxuu sidaa ku sheegay Warqad qoraal ah, taas oo uu ku socodsiiyay  xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, warqadaa oo ay heshay wakaaladda wararka AP, wuxuu Debretsion Gebremichael si waadax ah ugu sheegay mawqifkooda collaada gobolka iyo sida aragti ahaan ay qabaan TPLF, wuxuuna sheegay in Tigray ay doonayaan dhex-dhexaadin aan dhinac u janjeerin oo lagu soo afjaro dagaalka dhiiga badan ku daatay ee sababay masiibada bini’aadanimo.

Hase yeeshee Debretsion Gebremichael waxa uu ka digay in Ururka Midowga Afrika, ee xaruntiisu tahay Ethiopia aannu ahayn mid xal u heli kara dagaalka, wuxuuna taas sabab uga dhigay taageerada ay hore ugu muujiyeen duulaanka xukuumadda Federaalka Ethiopia ee gobolka Tigray November 2020.

Qoraalka uu Hoggaamiyaha TPLF, u gudbiyay Xoghayaha Qaramada Midoobay, ayaa kusoo beegmay hindise Midowga Afrika ku dhowaaqay Khamiistii, kaas oo uu ugu magcaabay Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ergeyga garaka ah ee ururka u qaanbilsan Geeska Afrika, isla markaana loo xilsaaray xalinta dagaalka Ethiopia.

Debretsion ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Ethiopia ay doonayso in macaluul iyo gaajo lagu laayo shacabka Tigray, isagoo arrintaa ku tilmaamay in ay tahay mid ka baxsan bini’aadanimada.

“Ujeeddada waxay tahay in la cirib-tiro Tigray,oo macluul lagu dilayo,” ayuu yifhi, Debretsion oo tixraacaya xanibaado la sheegay in dowladda Ethiopia ay saartay gargaarka ay hay’addaha caalamiga gaynayaan gobolka.

 

 

Sidoo kale, waxa muuqata oo si weyn kalsoonidaro u abuurtay dhawaaqyada dawladda Federaalka Ethiopia  oo marar badan TPLF, ku eeddaysay inuu yahay urur argagixiso, isla markaana waxay eeddahaasi meesha ka saarayaan in xukuumadda Abiy ku dhiirato miiska wada hadalada ee TPLF. Maadaama aannay dhawaaqyada canbaaraynta ah aannay wax cadaymo ah u hayn.

Balse, Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobay, Martin Kimani ayaa Gollaha Ammaanka u sheegay inay muhiim tahay in dowladda Ethiopia ay ka laabato go’aanka ay TPLF, ku sheegtay, ama ugu yeedhay koox argagixiso, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in meesha laga saaro hadalkaa si wada-hadallo loo furo.

Dhinaca kale, dagaalka Tigray ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kusii faafay gobollada Amhara iyo deegaanka Canfarta ee deriska la ah, taas oo suurtagelisay in ciidamadda TPLF ay dhul badan qabsadeen, taas oo sii kordhisay xaaladda dagaalka oo kusii fidaya gobolka.

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa Khmaiistii u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey: “Hadallada bararsan iyo isir-sifeynta qowmiyadaha ayaa burburinaya qaab-dhismeedka bulshada ee dalka.”

“Dhammaan dhinacyadu waa inay si deg -deg ah u joojiyaan colaaddaha iyagoo aan wax shuruud ah ku xidhayn oo ay ka faa’iidaystaan fursaddaas si ay uga xaajoodaan xabbad -joojin waarta.” Ayuu yidhi.

 

Mr Guterres wuxuu sheegay in in ka badan laba milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda isla markaana malaayiin kale ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo nafo-badbaadin ah, oo ay ku jiraan cunto, biyo, hoy iyo daryeel caafimaad.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com