Araweelo News Network.

 

Addis Ababa(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday dalkaa shalay, taas aannay suurta gelin in ay dalka oo dhan ka wada dhacdo, iyadoo laga soo sheegayo dagaalo hor leh, deegaanka gobolka Tigray.

Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay doorashada inay ahayd mid taariikhi ah, iyadoo ay weli socoto tirinta codadka, isla markaana ay soo baxayaan natiijooyinka hordhaca ah,  wallow ay mucaaradka qaarkood hore u qaadaceen, isla markaana gobolka Tigray ee collaaduhu aafeeyeen aannay ka suurta gelin doorashada Baarlaamaniga ah ee ka dhacday dalka.

Gobolka Tigray ayaa laga soo sheegay dagaalo ka dhacay shalay, kaddib markii Jabhada fallaagada ah ee TPF, ay weerar kusoo qaadeen deegaamo ka tirsan gobolkaa, balse saraakiisha Millateriga Ethiopia, aaya beeniyay duulaanka shalay lagu soo qaaday.

Hase yeeshee Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xigganay muwaadin degan Adigrat oo khadka Telefoonka kula soo xidhidihay, ayaa u sheegay in la xidhay waddada isku xidha Mekkele iyo Adigrat, kadib markii sida uu sheegay goob joogahaasi subaxdii hore ee Salaasadii xooggaga fallaagada TPL, kusoo qaadeen duulaan qaybo ka mid ah Magaalada Adigret, iyadoo dadka deegaanku soo dhoweeyeen, ka hor intii aannay halkaa kusoo laaban ciidamada Ethiopia iyo Eritrea.

 

Dhinaca kale, sarkaal dawladda Federaalka u qaabilsan maaulka gobolka, ayaa sheegay in xooggaga Jabhada TPLF, ay qabsadeen Magaalooyinka Wukro, Hawzen iyo Agula, kuwaas oo dhammaantood ah Waqooyiga Magaaladda Caasimadda u ah Gobolka Tigray ee Mekkele, halkaas oo ay weli haystaan, kaddib markii ay qabsadeen 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay, sida ay soo werisay Wakaallada wararka ee Reuters.

Doorashadan ayaa la filayay in ay codkooda dhiibtaan qiyaastii 37 milyan oo qof, marka la eego tirada ay xukuumadda Ethiopia sheegtay in ay isu diiwaan geliyeen, waxaana la filayay in 547 deegaan deerash, taas oo u dhiganta tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka Federaalka Ethiopia, balse 102 goobood, ayaanay ka dhicin codbixintu, iaydoo lagu sababeeyay sababo amni iyo wax is dhaafin musuq-maasuq. Sidoo kale deegaanka gobolka Tigray oo 38 deegaan doorasho ah ayaan laga xaadirin doorashada, sababaha dagaalka iyo collaadaha daashaday gobolkaa tan iyo November 2020.

Sidoo kale, deegaanka ismaamulka Soomalida Ethiopia, kuwaas oo aan la cadayn sababta looga reebay  doorashada Baarlaamanka ee Federaalka, balse bisha Septemper 20-21. Xilligaa oo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada Baaralamaanku.

Doorashada Baarlamaanka ee Ethiopia, ayaa noqonay tii ugu horaysay tan iyo markii xukunka a wareegay Ra’iisla wasaare Abiy, 2018, markii uu xukunka baneeyay ra’iisal wasaarihii hore, waxayna noqonay doorashadii labaad ee dalka ka dhacda tan iyo sannadkii 2015, balse dib u dhac ayaa lu yimi August 2020, iyadoo lagu sababeeyay xannuunka Coronavirus awgii, waxayna kusoo beegantay collaado iyo dagaalo sannadihii u danbeeyay si weyn u naafeeyay dalka oo sababay cadaadis siyaasadeed oo ka dhashay dagaalada  gobolka Tigray oo samayn ku yeeshay dalka oo dhan, isla markaana sababay xasuuq iyo xadgudubyo lagu eedeeyay ciidamada dawladda Federaalka eek u sugan gobolkaa iyo kuwa dalka Eritrea.

.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com