Araweelo News Network.

#Suudaan waxay #Ethiopia hore uga qabsatay dhulka beeralayda ah ee xadka labada Dal

Dina Mufti

Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs spokesperson Dina Mufti, Image File Araweelo News Network.

#Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Dalka #Ethiopia ayaa si weyn uga cadhootay kadib markii dalka Suudaan oo tan iyo November 2020, markii dagaalo ka qarxeen dalka Ethiopia, gaar ahaan gobolka  woqooyiga ee #Tigray ay soo xooggaysatay in Suudaan qabsato dhul ay hore ugu muransanaayeen Ethiopia.

Waxaana labada dal dhexmary isku dhacyo khasaare dhaliyay, wallaw dhulkaa oo lagu magcaabo Faqsha oo ah mid ku haboon beeraha ay ka ciidamadda Suudana gebi ahaanba qabsadeen, isla markaana ka caydhiyeen dadkii deganaa oo u dhashay dalka Ethiopia, taas ay fursad ka heshay Suudaan dagaalka Tigray ee gobolka Ethiopia.

Ciidamada Sudan Oo Guddaha U Galay Gobolka Amxaarada Ee Ethiopia

Hase yeeshee sheegashada xilligan oo Suudaan sheegatay gobol guddaha Ethiopia, waxa si weyn gaashaanka ugu dhfatay xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, deegaankaa oo ah Benishaangul-Gumuz oo laga dhisayo biya xidheenka weyn ee Ethiopia ayaa noqday xilligan mid si weyn sheeagashadiisa Suudaan uga cadhaysiiyay Ethiopia.

 

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Dina Muftii oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Addis Ababa, wuxuu sheegay dowladda Suudaan inay sheegato Gobolka Benishangul Gumuz uu yahay “Wax laga xishooda sharcigana baal marsan.”

Ambassador, Dina wuxuu sheegay mowqifka Suudaan inuu yahay Mid ka hor imanaya qaranimada dalka Ethiopia, wuxuuna hadalkiisu kusoo beegmay  kadib maalmo yar ka hor bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan, kaas oo lagu sheegay Ethiopia haddii ay ku sii socoto heshiisyada inay ka baxdo ay xukuumadda  Suudaan soo jeedin karto lahaanshaha gobolka Benishaangul-Gumuz.

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

“Suudaan iyada oo dhul ay Ethiopia leedahay xoog ku qabsatay haddana inay bayaanno aan munaasab ahayn ay soo saarto, Ethiopia si dhow ayay ugu kuur galaysay. Ciidamadda Suudaan oo dhac iyo bililiqo ka wada dhulka Ethiopia ee ay qabsadeen inay u dulqaadato ay Suudaan u aragtay daciifnimo ama cabsi.” Ayuu yidhi, Ambassador Muftii.

Warsaxafadeedkiisa, wuxuu ku sheegay  in Suudaan oo haatan ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ay ku dhaqaaqday falal sharci darra ah waxaanna jecelnahay inaan u sheegno iney arrintaa tahay “wax laga xumaado oo laga naxo.”ayuu yidhi, Dina Mufti .

Suudaan iyo Ethiopia ayaa dhawkii bilood ee ugu dambeeyey waxay xiisad xooggan oo dagaallo sababay ay ku dhexmarayeen deegaanka faqsha oo ah dhul beereed ku yaalla xadka labada dal, ayaa marar badan sheegay in aannay doonayn inay dagaal wada galaan haddana ciidamadda labada dal dhulka ay isku hayaan dagaallo ayaa ku dhexmaray.

Dagaalka xadka ee u dhaxeeya labada dal ka sokoow, waddamada Suudaan, Masar iyo Ethiopia, waxay si weyn isugu khilaafeen qaybsigA Biyaha Webiga, iyagoo marar badan wax heshiis ah ka gaadhi waayay wadahadalladii ay ka yeesheen xal u helidda habka biya xidheenka  Ethiopia  ee Gerd Dam sidii loo buuxin lahaa, wallaw Dina Muftii sheegay in  khilaafka Ethiopia iyo Suudaan u dhaxeeya uu salka ku hayo arrimaha xadka oo aannu wax xiidhiidh ah la lahayn biya xidheenka weyn ee ay Ethiopia dhiseyso.

Xukuumadda Federaalka Ethiopia, ayaa hore u sheegtay in dagaalka gobolka Tigray ee dalkeeda marki billaawday ay ciidamadda Ethiopia ee deegaannada xadka Suudaan iyo Ethiopia ku sugnaa ay ka baxeen, kadibna  ay ciidamadda Suudaan deegaanka Al-faashiqa gabi ahaanba la wareegeen.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com