Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Doodo ayaa ka dhashay markii Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ku dhawaaqay xubnaha gollaha Wasiirrada Xukuumadda cusub oo guud ahaan ka kooban 22 wasiir.

Xukuumadda cusub, ayaa kusoo beegantay xilli dagaalo lagu hoobtay hadheeyeen dalka, kuwaas oo saamayn siyaasadeed, amni iyo mid dhaqaale ku yeeshay xukuumadda Abiy.

Xubnaha dib usoo laabtay waxa si weyn uga dhex muuqda ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha Dibedda Ethiopia  Demeke Mekonnen Hassen iyo wasiirkii Maaliyadda Axmed Shide  oo xilkiisii kusoo noqday, maadaama uu dalkaa kala soo dabaashay dhibaatooyin dhaqaale ka hor intii aannu dagaalku ka bilaabin November 2020, isla markaana uu ku mutaysatay abaalmiarin caalami ah.

Laxidhiidha: AhmedShide: Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta 2020, Ee Afrika

Sidoo kale, ra’iisal wasaare Abiy, ayaa ku soo daray xukuumadda saddex xubnood oo ahaa hoggaamiyayaasha mucaaradka, kuwaas oo xilal cusub loo dhiibay.

Prof. Berhanu Nega, oo ahaa Guddoomiyihii xisbiga Muwaadiniinta Ethiopi ee Caddaaladda Bulshada, ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashadda Federaalka.

Belete Molla oo ahaa Guddoomiyihii Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NMA) aya isna loo magacaabay Wasiirka Hal-abuurka iyo Teknolojiyada.

Kejela Merdasa oo ahaa Madaxweyne Ku -xigeenkii Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF), ayaa  loo magacaabay Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha.

Madixii ku meelgaadhka dowladda Ethiopia u magacawday Gobolka Tigray Abraham Belay ayaa, waxa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Ethiopia.

Liiska gollaha wasiirrada Cusub Iyo Qowmiyadaha ay ka soo kala jeedaan

Demeke Mekonnen Hassen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Dibadda (Amxaar)

2- Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca

3- Axmed Shide – Wasiirka Maaliyadda

4- Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka

5- Cumer Hussein Oba – Wasiirka Beeraha

6- Injineer Aisha Mohammed – Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Dhulka Hoose

7- Injineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta

8- Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada

9- Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka

10- Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Isdhexgalka Gobollada

11- Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha

12- Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda

13- Gedewon Timothywos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda

14- Dr. Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka

15- Belete Mola – oo ah Wasiirka Technology-ada iyo hal-abuurka

16- Danjire Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska

17 – Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga

18 Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha

19- Injineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

20- Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha

21- Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada

22- Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta.

Dhinaca kale, xukuumadda Abiy oo xilligan ay daashadeen colaaddaha ka bilaabmay gobolka Tigray ee Woqooyiga Ethiopia November 2020, ayaa ku faafauy dalka oo dhan, waxaana dalka soo waajahay dhibaatooyinka ay sababeen dagaaladu, iyadoo go’doon siyaasadeed uu wajahayo xilligan.

Sidoo kale, waxa ka dhashay magcaabista xukuumadda cusub doodo iyo saluug baddan oo qowmiyadaha qaarkood aan xukuumadda Abiy wax ahmiyad ah siin, halka qowmiyada Amxaarada kala badh xukuumadda lasoo dhisay la siiyay, isla markaana qowmiyado baddan oo dalka ku dhaqan aan wax saami ah laga siin.

Baarlamaanka, ayaa ansixiyay xkuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Abiy, waxayse su’aalo baddan ka taagan yihiin qaabka ay shaqadeeda u gudan doonto, maadaama dalku ku jiro xaalad adag oo deegaamada dagaaladu ka socdaan sanadka laga soo sheegayo macaluul baahsan, isla markaana dalka lagu soo rogay cunaqabatayn. Kaddib markii ra’iisal wasaare Abiy iska dhegatiray dhawaaqyo kaga imanayay beesha caalamka oo ku baaqayay in uu joojiyo dagaalka ka socda dalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.