Araweelo News Network.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo guddoominaya Shirka gollaha wasiirrada, Image file, Araweelo News Network, 16 September 2021.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhigii Golaha Wasiirrada oo maanta ku qabsoomay, ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga ee Magaaladda Laascaanood iyo mawaadiic kale oo xaasaasi ah.

Sidoo kale, waxaa lagaga hadlay masiibada xannuunka Corona virus oo mawjadii saddexaad aduunka ku faaftay, isla markaana si weyn looga qayliyay Somaliland muddooyinkii u danbeeyay iyo arrmo kale oo shuruucda dalka iyo arrimaha dhulka la xidhiidha.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Shirka gollaha wasiirrada Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, waxa lagu sheegay in xubnaha wasiiraddu uga qaybgaleen habka Maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference), iyadoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Guddoominta shirka, waxa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee xannuunka Covid-19, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda Covid-19.

Warbxinta laga jeediyay shirka ee xannuunka Corona virus,  waxa lagu xusay in saddexdii bilood ee u dembeeyay ay sii kordhayaan dhimashada dadka xannuunku ku dhacayo.

Waxaana lagu sheegay war-saxaafadeedka in lixdii maalmood ee u dembeeyay ay u geeriyoodeen 28 qof. Sidaa awgeed ay Guddidu go’aamo ka soo saari doonaan ka hortagga iyo la-dagaalanka Covid-19.

 

Dhinaca kale, waxa lagu xusay war-saxaafadeedka in golluhu dood dheer ka yeesheen dhibaatada iyo murranka ka jira dhulka miyi iyo magaalaba, sidaa darteed qodobbadii laga xusay arrintaa ay ahaayeen kuwan.

 

  1. Dhul daaqsimeedkii oo la boobayo, lana Oodanayo, amma la deegaamayno oo khilaaf iyo shaqaaqooyin ka dhasheen.

 

  1. Xoollihii dhaqaallaha laf-dhabarta u ahaa oo yaraanaya markii daaqii laga xidhay.

 

  1. Muwaadiniinta oo aan dhulkii u sinnayn oo qaar dhul badan xidheen, qaarna ka faro-madhan yihiin.

 

Sidoo kale, waxa shirka Wasiirrada lagaga dooday sida lagu xusay war-saxaafadeedka in Dastuurku qeexayo Khayraadka dhulka, Dhulka Buuraha ah iyo Badda inay masuul ka tahay Dawladdu, hase yeeshee shacabka qaarkood aanay akhriyin dastuurka, sidaa awgeed ay lagama-maarmaan tahay in dhammaan muwaadiniintu fahmaan muhiimada ay qaranka u leedahay in shuruucda dhulka la dhawro.

 

Dood dheer kaddib  iyo falanqayn, waxa Guddi loo saaray si ay usoo uruuriso mushkiladdaha ka jira dhulka, isla markaana talo kasoo jeediso sidii loo fulin lahaa Sharciga Dhulka. Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka.

 

Gebagebadii waxay golluhu war-bixin ka dhagaysteen Weftigii Wasiirrada ahaa ee hawl-galka nabadgelyada la xidhiidha u joogay Gobolka Sool, kuwaas oo sharaxaad ka bixiyay hawlaha u qabsoomay illaa hadda, waxayna xuseen in hawlgalkii nabadgelyadu si fiican ugu socdo, iyagoo tilmaamay in inta u hadhayna ay dhammaystiri doonaan, waxayna golluhu ku boggaadiyeen hawlaha xoojinta amniga Gobolka Sool ee ay fuliyeen xubnahaasi muddadii ay ku sugnaayeen Magaaladda Laascaanood.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.