Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Jaamacadda Admis qaybteeda Hargeysa, ayaa Munaasibad ku maamuusayay Dafcaddii 13aad ee Arday 418 Arday oo lagu maamusay dhamaystirka shahaadada heerrka 1-aad iyo  heerrka 2-aadd ee master-ka, kuwaas oo Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa loogu qabtay munaasibad ballaadhan.

 

 

Jaamacadda Admas University ayaa Ardaydaa u qabatay munaasibad ballaadhan oo nooceedu  ku cusubyahay qalinjabinta Jaamacadaha Somaliland, waxayna jaamacaddu ku sagootiday 418 arday oo  373 ka shahaadada heerka 1-aadd ka qaateenn halka ay 45 ardayna ka qalinajabiyeen heerka 2-aad ee master-ka.

 

Munaasibada waxa ka qaybgalay Maddaxda Somaliland, Masuuliyiinta  maamulka-sare ee jaamacadda iyo saraakiisha Jaamacadda qaybteeda Addis Ababa,jaamadaha, Jigjiga Unversity, Alamaayo University iyo Dirirdhaba University.

 

Xafladda qalinjabinta  oo ku beegantay xilli habeenimo ah oo jawi qabaw oo deggan “ caawa jaamacaddu waxay inoogu soo beegantay xafladdeena qoor-qabaw “, sidaa waxaa si dhoollo caddeynn iyo farrxadi ku jirto ula wadaagay Warda, Haboon  iyo Maxamed oo ay ka wada qalinjabiyeen sida loo maamulo mashaariicda “ project management”

Guddoomiyaha guudd ee Jaamacadaha Admas University Mr. Molla tsegay oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay farrxad weyn u tahay guud ahaan Admas faracyadeeda ku kala yaalla magaalooyinka kala duwan ee Ethiopia iyo Somaliland gaarr ahaana ay farrxadaasi si gaara u taabanayso faraca Hareysa maamulka,waalidiinnta iyo ehellada iyo ardayda la sanaddkan  ka baxday Jaamacadda.

Ardayda jaamacaddaha kala duwan  ee Admas University qaybahooda ka soo baxay kulliyaddaha  kale, wuxuu sheegay inay yihiin  kuwo laysku hubo waxbarashadooda . wuxuuna u rajeeyay nasiib wacan inay ku gaadhaan  qaybta 3-aad ee heerrka waxbarashadda ee loo yaqaanno PHD .

Dhammaan Ardayda qalinjabisay Jaamacadda, wuxuu sheegay  in ay ku kalsoon yihiin oo ay yihiinn kuwo laysku halaynkaro inay bulshada dib ugula noqdaan iyaga oo xambaarrsan tacliinn tayo leh oo laysku buho.

Sidoo kale, waxa munaasibadaa ka haddlay Mr. Tesfaye Zewge Haile, Acting President of Hargeisa Campus, “ Anniga oo ahaa madixii qaybta shahahaadada Master-ka, waxaan caawa halkan erayo kooban  farrxadda kula wadaagayaa Ardayda,waalidiinntii kusoo tabcay iyo macalimiintii maskaxdooda iyo wakhtigoodaba ku bixinayay muddadii ay waxbarashadda ku jireen”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdurraxmaan Islmaaciil Seylici iyo masuuliyiinta ka socday Xisbiyada siyaasadda iyo marrti-sharaf oo hadalo ka jeediyay madasha ka hor, waxaa shahaaddooyinka la guddoonsiiyay Ardayada.

“ Haddii aanan idiin sheegay inay  shaqaadada qaadanayaann 2 wiil oo walaalo ah, waxaanan idiin hayaa 3 hablood oo mataano ah “cajiib” iyo 2 habloodd oo  iyana mantaano ah” erayadaa waxa si farrxad iyo ray-rayn leh madasha kaga luuqeeyey ku xigeenka Jaamacadda Admas faraceeda Hargeysa, isla markaana ah madaxa maamulka iyo dhaqaallaha Xuseen Cabdullaahi Maamuud.

Guddoomiyaha Guddida doorashooyinnka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Riyo Raac, Wasiirrkii hore ee arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cade, Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa lagu maamuusay in ay Ardayda guddoonnsiiyaan shahaaddooyinka.

Waxa xusid nuddan in jaamacadda uu ka mid ahaa dadkii Ardaydii ka qalinjebisay Nin iyo xaaskiisii oo ka mida dadkii kasoo qaxay dalka aynu jaarrka nahay ee Yeman, heerrka 2-aadd ee Masterka waa Saalax Abdi Ahemd iyo Marrwadiisa Ayeda Adal Naasir. Sidoo kale, waxa xusid muddan in Marwa iyo Safa oo ah Mataano isla dhashay ka mid ahaayeen dadkii dhammaystay waxbarashadda heerka laabaad ee JaamacaddaAdmas University,

 

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, oo ka hadlay munaasibada, ayaa ka hdlay doorrka ay horumarka dalka ku leeyihiinn Ardayda kasoo qalinjabiyay jaamacaddaha gaarr ahaanna kuwa Admas University, wuxuuna ku boggaadiyay maamulka Jaamacadda Admas  kaalintooda hoggaamineedd ee waxbarashada-sare.

Maayar Cabdikariim, ayaa sheegay in uu aqoon-yahannada kasoo baxay inay maamulka Dawladda Hoose gacan u fidiyaan,  isla marrkaana is barr-barrtaagaan si uu ugu guulaysto hadafkiisii ololaha doorashooyinkii lasoo dhaafay uu ku galay isaga oo arrimahaa ka haddlayana, waxa uu yidhi “idinku wixii aad u baahnaydeen waad hesheen oo waydiinkan farxadda ku qalinjabiyay,   Aniguna waxaan idiinka baahnahay inaad garab I siisaan,  xoolo iyo inaad qaadhaan ii gurrtaana idiinkama baahni, balse waxaan idiinka baahnahay waa inaad aqoontiina iyo maskaxdiina keliya nagu taageerrtaann”ayuu yidhi, Maayarku.

Professor Maxamed  Cismaan Fadal oo kamida dadka aqoonnta lagu tuhun-sanyahay, isla markaana xubin ka ah xisbiga mucaaraddka ah ee Waddani, ayaa ereyo uu ka jeediyey maddasha kaga sheekeeyay taariikhdiisii waxbarashada iyo dhibaatadii uu wax ku soo bartay, isagoo Ardayda u sheegay in ay iyagoo dalkoodii Hooyo jooga furrsad u heleen inay guryo-hoodii wax ku bartaan walibana shahaadada 1-aadd iyo 2-aad ku qaataan gogoshii ay ku dhasheen.

“Qol  madaw iyo faynuus baan wax ku soo barrtay iyo waddamo shisheeye,  halka aad idinku nasiibka u hesheen inaad furrsaddan qaaliga ah ku hesheen guryihiina iyo waxbarasho”, ayuu yidhi, Profesoor Fadal.

Guddoomiye ku xigeenka xafiiska hay’ádda tacliinnta-sare ee dalka Ethiopia Mr.Tamirat Motta, Deputy Director General,Higher Education Relevance and Quality Agency. oo madasha ka soo jeediyey hadalo, ayaa “Aniga oo ku haddlaya Afka xafiiska tacliinnta-sare ee dalka Ethiopia, waxaan u hambalyenayaa Ardayda faraha badan ee qaadatay shahaadada heerka 1-aadd ee Degree-ga iyo heerrka 2-aadd ee Master-ka waxaann dhamaantiinba idin leeyahay Hambalyo Hambalyo”

Hoodo Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo ah gabadhii ugu dhibcaha badnayd, taas oo la guddoonsiiyay Abaalmarin lagaga dhawaaqay madashii xafladdaa, iyadoo lagu qaabilay Sacab iyo Mashxaradd waxaanay Kaameraduhu marrkiiba qabteenn iyo Aabeheed oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.