Araweelo News Network.

#Somaliland: Tirada Dadka Is Diiwaangeliyay Natiijada Hordhaca Ah ee 2021

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, a ayaa shaaciyay Natiijadda Hordhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayasha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Natiijadda ay maanta shaaciyeen, waxay sheegaysa tirada Muwaadiniinta Is-diiwaangeliyey Sannadaha 2020 iyo 2021, iyo weliba Kaadhadhka Ansaxa ah ee Codbixiyayaasha la siin doono.

Qoraal kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka  ee (Somalialnd NEC) oo shebekaddaha Araweelo News Netwrok heshay, , ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey Axsaabta Qaranka, Hay’addaha kale ee ay khusayso iyo weliba daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland.

Guddida ayaa xogtaa kusoo bandhigay shax lagu muujiyey tirada Guud ee Kaadhadhka, taas oo loo qaybiyey gobol kasta sannadkan 2021,

Xogta ayaa muujinaya Tirada dadka is-diiwaangeliyey, tirada Ansaxa ah, tirada kaadhadhka laba jeer iyo wax ka badan la qaatay iyo tirada Kaadhadhka soo  noqday ee diiwaangelintii hore ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2016-kii

Shaxda, waxa ka muuqata, tirada guud ee dadka is-diiwaangeliyey dalka oo dhan, taas noqonay, 435,371 qof.

Halka  tirada dadka laba jeer is-diiwaangeliyey ay noqdeen 10,679, taas oo ka dhigan in tirada saxda ah ee dadka is-diiwaangeliyey yihiin 424,691 qof.

Sidoo kale, xogta Guddida Doorashooyinku shaaciyeen, ayaa muujinay in tirada guud ee kaadhadhka diiwaangelinta ee sannadkan 2021 dalka laga qaybiyey tahay 593,749.

Halka tirada kaadhadhkii kasoo noqday diiwaangelintii sannadkii 2016-dii yihiin 169,058, taas oo marka la kala jaro tirada soo baxay ay noqonay tirada kaadhadhka diiwaangelinta ansaxa ah oo dhan 424,691 qof.

Tusaale ahaan Gobolka Awdal, waxaa is diiwaangeliyey ee gobolka Awdal ayaa ah 54,374 qof, tirada dadka laba jeer kaadhadhka qaatay ayaa halka tirada guud kaadhadhka la bixiyey 96,564 qof. Waxa xogtu intaas ku daraysaa in ay jiraan kala duwanaansho gobolada dalka ah

 Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobollada iyo degmooyinka dalka oo KDQ oo la wadaagay Warbaahinta, halkan ka eeg.

 

 

Xogta diiwaangelinta Araweelo News Network 2021

Xogta diiwaangelinta Araweelo News Network 2021.

Xogta diiwaangelinta Araweelo News Network 2021

Xogta diiwaangelinta Araweelo News Network 2021