Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen Hoggaamiyihii Ururka Al-Qaeda Ayman Al-Zawahri kadib weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen dalka Afganistaa.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu qorsheynayaa in uu jeediyo khudbad ku saabsan hawlgalka lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyihii Al-Qaeda iyo guud ahaan waxa ay ugu yeedhaan reer galbeedku la dagaallanka argagixisada.

Hogaamiyihii Al-Qaeda Ayman Al-Zawahri weerarka lala beegsaday waxa fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka toddobaadkan, sida ay POLITICO u sheegeen saddex masuul oo ka warbixiyey howlgalka iyo qaabka loo fuliyay.

Weerarka ayaa la sheegay in ay dusha ka hagayeen , isla markaana ay fuliyeen Hay’adda xagga bassaasnimada iyo fulinta hawlagalada noocan ah u qaabilsan Marayakanka ee CIA-da.

 Wargeysa PoLiTICO oo soo xiganaya qaar ka mid ah saraakiisha hay’adda ayaa sheegay in laba ka mid ah saraakiisha CIA uga warameen sida ay wax u dhaceen, kuwaas oo midkood sheegay in weerarku  ka dhacay Kabul.

Sidoo kale, waxay xaqiijiyeen in hawlgalkaa ay fulisay diyaarad Drone ah oo Ciidanka Cirka ah ee Maraykanku leeyahay,  sarkaalka Maraykanka ah ayaa si gaar ah u xusay in ay qaadatay dhowr maalmood,  si loo xaqiijiyo dilka sababtoo ah Maraykanku “ma haysto hanti baddan oo dhulka ah, ayuu raaciyay.

Xildhibaan Adam Kinzinger (R-IL) ayaa sheegay in geerida hogaamiyihii Al-Qaeda Ayman Al-Zawahiri ee duqaynta diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay ka dhigayso dadka Maraykanka iyo dalkooda mid amaan ah balse waxa uu ka digay in tani aannay ahayn mid dhammaynaysa ururka Al-Qaida.

Al-Zawahri  oo u dhashay dalka Masar, ayaa  ka mid ahaa kooxo bilawgii aasaaska ku biiray Al-qadia, kuwaas oo qaarkood dalka Afganistan tageen xilligii uu socday dagaalkii Midawga Soofiyeeti iyo Dagaalyahankii Afgaanistaan, wuxuuna  ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya ee Al-Qaeda , tan iyo markii uu xukunka ka dhaxalay  Osama bin Laden, oo Maraykanku ku dilay hawlgal dalka Pakistan 2011.

Dadka khuburada ah ee aqoonta u leh Ururka ayaa tilmaamaya in aannay dilkiisu noqonayn mid soo afjarta dagaalka Al-Qaeda waxayna qaarkood ku tilmaameen in aannu marnaba la miisan noqonayn hoggaamiyihii hore ee Osama bin Laden, balse Madaxweyne Biden iyo maamulkiisa ayaa si weyn ugu dabaaldegaya, iyagoo ku tilmaamay guul weyn.

Col. Joseph Buccino, oo ah af hayeenka taliska dhexe ee Maraykanka, ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo waxyaabaha gaarka ah ee duqeynta. “Waqtigan ma hayno xog hawleed,” ayuu yidhi.

Dhinaca kel, War qoraal ah oo uu siiyay warfidiyeenka, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden, wuxuu yidhi, “Dhammaadkii isbuucii hore, Maraykanku waxa uu fuliyay howlgal ka dhan ah bartilmaameedka muhiimka ah ee Al Qaida ee Afgaanistaan. Howlgalka ayaa ahaa mid lagu guuleystay, mana jirto wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.”ayuu raaciyay qoraalkiisa.

Marar baddan ayay Maraykanku hoggaamiyayaal sidan oo kale ah sheegeen in ay dileen, kuwaas oo muddo kaddib la oggaaday in ay nool yihiin, sidaa awgeed sheegashada Maraykanka ee dilkaAl-Zawahri  maaha weli mid xog dheeraad ah lagu soo bandhigay.

Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu khudbadiisa uu jeediyay  goor dhowayd kaga hadlay howlgalkaa.Al-Zawahri  dilkiisa Maraykanku sheegay , ayaa kusoo beegmay kadib markii uu Maraykanku soo afjaray ka bixista Afgaanistaan, isagoo dalkaa ku duulay 2001-dii kaddib weeraradii 11-kii September ee lagu xidhiidhay Al-Qaeda iyo hoggaamiyohoodii Bin Ladin.

Siyaasada Biden ee ka bixitaanku Afgaanistaan ayaa si weyn loogu dhaliilay, iyadoo xaalad fowdo ah ka bilaabantay xilligaa.

 Biden ayaa lagu tilmaamaa in ay ahayd madaxweyne ahaan  waxyaabihii ugu adkaa ee soo mara in Madaxweyne Maraykan lagu qasbay inuu qaado daadgureynta ciidamadiisa, iyadoo  in ka badan 100,000 oo qof oo isku dayaya inay dalka ka cararaan markii Maraykanku kala baxay ciidamadiisa cabsida ay waajaheen awgeed kaddib markii ay si lama filaan ah ula wareegeen dagaalyahannada Taliban, balse  Maraykanka ayaa ku adkeystay in Taliban aannay u ogolaan in ciidda Afgaanistaan ay adeegsadaan kooxaha uu ugu yeedho argagixisada sida Al-Qaeda , balse sheegashada Maraykanka kama ay hadlin Al-Qaeda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com