Araweelo News Network.

Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midawga Yurub Iyo Dunida Kale oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Tallaabooyinka La Qaaday.

 

 

Dibadbaxayaasha Suudaan ayaa isugu soo baxay inay ka mudaaharaadaan, iyagoo dalbanaya dowlad ku meel gaadh ah oo rayid ah oo hor fadhiistay xarunta millitariga oo ka baxsan xarunta ciidanka ee Khartoum, Sudan 3 -dii May, 2019, Image Archive Araweelo News Network.

By. Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

Khartoum (ANN)-Xukuumadda Millateriga ah ee dalka Suudaan, ayaa la tacaalaysa kacdoon shacab oo lagu dalbanayo in xukunka dalka lagu soo celiyo gacanta shacabka.

Waxa la xidhay Ra’iisal wasaarihii dalka iyo siyaasiyiin kale oo shacab ah, kaddib markii ay kumaan qof oo dalbanayay in Millaterigu xukunka wareejiyaan isugu soo baxeen shaaracyada Khartuum Isniintii.

Gen Abdel Fattah Burhan oo ah hoggaamiyaha Millateriga ee xukunka ka tuuray Madaxweynihii hore Cumar Xasan Al Bashiir, laba sannadood ka hor, ayaa dalka kusoo rogay xaalad deg-deg ah, isla markaana kala diray xukuumaddii rayidka ahayd, waxaana xabsiga la dhigay hoggaamiyayaasha siyaasada.

Millateriga ayaa awood u adeegsaday kumanaanka shacabka oo kasoo horjeeda xukuumadda Millateriga ah.

General Burhan, ayaa amar ku bixiyay in awood Millateri loo adeegsado mudaharaadayaasha si look ala dareeriyo, balse waxay ku hanjabayaan in aannay ku laabanayn guryahooda ilaa la fuliyo dalabkooda.

Wararka ka imanaya dalka Suudaan, ayaa ku warama in Ciidamadda millateriga la soo buuxiyay guud ahaan caasimadda, iyadoo garoonka diyaaraddaha Khartuum uu xidhan yahay maanta oo Isniin ah oo la joojiyay, duulimaadyadii caalamiga, sidoo kale la xidhay gebi ahaanba aallada Internetka si loo xakameeyo farriimaha iyo wararka lagu oggaanayo waxa ka dhacaya gudaha dalka.

 

Weriyaha BBC -da Carabiga, Maxamed Cismaan, oo ku sugan Khartuum, ayaa sheegaya in dibad -baxayaal aad u tiro badan ay dalbanayaan in xukunka rayidka dib loo soo celiyo, sidoo kale wuxuu sheegay in bannaanbaxyadu ay ku fideen goobo kale oo badan, oo ay ku jiraan magaalooyinka Atbara, Wad Madani iyo Port Sudan oo ah dekedda ugu weyn ee dalkaa.

 

Hoggaamiyaha afgambiga millateriga, Gen Abdel Fattah Burhan ayaa ku eedeeyay kacdoonka iyo isqabqabsiga mid siyaasadeed.

Dibadbaxayaal badan ayaa la filayaa in jidadka usoo baxaan saacaddaha soo socda kaddib markii ay baaqyo ka soo jeediyeen arrintaa xisbiyada siyaasadda iyo ururada xirfadleyda oo taageeraya kacdoonka.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Sawsan Bashiir ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP: “Kama tagi doonno waddooyinka illaa dowladda rayidka ah ay ka soo laabanayso oo kala guurka uu soo noqonayo.”

“Waxaan diyaar u nahay inaan nolosheenna u bixinno si dimuqraadiyadda loogu gudbo Suudaan,” ayuu yiri Haitham Maxamed oo kale oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.

 

Muuqaalo fiidiyow ah oo laga soo qaaday Khartuum Isniintii ayaa muujinaya waddooyinka oo ay kumanaan qof oo isugu rag iyo haween, kuwaas oo sameeyay  xayndaabyo wareeg ah iyo taayirro gubanaya oo lagu arkayo waddooyinka, iyadoo qiiq madow  oo cirka isku shareeray kasoo baxayo qaybaha kala duwan ee Magaaladda.

Ra’iisal wasaare Cabdallah Xamduu iyo xaaskiisa ayaa ka mid ah dadka la sheegay in la xidhay oo xabsi guri la galiyay, waxaana weheliya oo sidoo kale la xidhay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo madax kale oo rayid ah.

 

Siyaasiga Cabdallah Xamduu, ayaa qayb ka ahaa dowlad ku meelgaadh ah oo loogu talagalay inay Suudaan u jihaysato dhanka dimuqraadiyadda kaddib xukunkii madaxweynihii hore, Cumar Al-Bashiir ee Millaterigu inqilaabeen.

 

Siyaasiyiinta iyo boqolaal qof oo shacab  ah ayaan la xaqiijin halka lagu xidhay, waxaana jira warar kale oo ay sheegtay in Ra’iisal wasaare Cabdallah Xamduu lagu cadaadinayo in uu taageero afgambiga iyo xukunka Millateriga, balse uu diidan yahay in uu sidaas sameeyo, taas beddelkeedana waxa uu dadka shacbka ah ku boorriyay in ay sii wadaan kacdoonka si nabad ah.

 

Canbaaraynta Calamiga ah

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku baaqay in lasoo daayo siyaasiyiinta la xidhay, wuxuuna canbaareeyay Millateriga xukunka gacanta ku haya.

António Guterres, wuxuu qoraal kooban oo bartiisa Twitter uu ku qoray ku yidhi, “Waxaan cambaaraynayaa inqilaabka millatari ee ka socda Suudaan. Ra’iisal wasaare Xamduu iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale waa in si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyaa. Waa in ixtiraam buuxa loo muujiyaa axdiga dastuuriga ah, si loo ilaaliyo kala guurka siyaasadeed ee sida adag loogu guulaystay. QM waxay sii wadi doontaa inay garab istaagto dadka Suudaan.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, Midowga Afrika, oo ay Suudaan xubin ka tahay, ayaa sheegay inay si aad ah uga xun yihiin xaaladda, waxayna ku baaqeen “in si adag loo dhowro xuquuqda aadamaha”.

 

Dalka Maraykanka ayaa dhankiisa diiday ficillada millitariga, wuxuuna sheegay in kuwa xabsi guriga ku jira ay tahay in la sii daayo, afhayeenka Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa sidaas sheegtay.

 

Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ayaa iyaguna walaac xooggan ka muujiyay xaaladda dalka Suudaan.

Gollaha Millateriga iyo Heshiiskii Siyaasiyiinta Rayidka

Militariga iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ku -meelgaadhka ah, ayaa si wadajir ah wax u maamulayay tan iyo 2019 -kii, markii la afgembiyey Madaxweyne Bashiir kaddib dhawr billood oo mudaaharaadyo waddooyinka  lasoo istaagay ka socdeen dalkaa laba sannadood ka hor.

 

 

Xilligaa waxa jiray Heshiiska awood -qaybsiga ee u dhexeeya millateriga iyo isbahaysiga  la baxay kooxaha  Xoogagga Xorriyadda iyo Isbeddelka ee loo soo gaabiyo (FFC).

 

Golaha Sare ee Millateriga ayaa qorsheeyay in uu dalka xukumo sanad kale,  iyada oo ujeedadu ahayd in la qabto doorashooyin loona gudbo xukunka rayidka.

 

Khilaafkii awoodda iyo Heshiiskii Israel

Heshiiska ayaa had iyo jeer ahaa mid jahawareer leh, iyadoo ay jireen tiro aad u badan oo kooxo siyaasadeed oo iska soo horjeeda iyo kala qeybsanaanta ciidanka dhexdooda, iyadoo dhinaca kale Millateriga dalka Suudaan markii u horaysay taariikhdaa dalkaa oo ah dal Muslim ah heshiis la galay Israel, iyadoo maamulkii Madaxweyne Trump ku khasbay in ay aqbalaan heshiiska Abraham Agreement ee (Abraham Accords Declaration),, kaas oo ay saxeexday jan 2021, iyadoo dalalka Imaaraadka, UAE  oo gadhwadeen ka ahaa mashruuca  ku khasbay dhawr dal oo Muslim ah in ay saxeexaan, iyadoo Suudaan shuruudaha lagu xidhay ay ka mid ahaayeen in laga saarayo Liiska argagixisada, isla markaana laga aadayo cunaqabataynta muddada dheer saarayd ee ka dhalatay martigelintii Al-Bashiir martigeliyay Hoggaamiyihii Al Qaeda Usama Bin Ladan horraantii sagaashanaadkii.

 

 

Inqilaabyada Suudaan iyo Afrika

Dalka Suudaan, wixii xilligaa ka danbeeyay wuxuu awooddi waayay  in uu helo nidaam siyaasadeed oo shaqayn kara, waxayna Suudaan tan  iyo markii ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Biritain 1956 , waajahday inqilaabyo badan iyo isku day afgambi oo qaarkood guulatsyeen kuwo kalena fashilmeen.

Kacdoonka xilligan iyo S’uuaasha ka taagan Mustaqbalka Dalka

Kacdoonka xilligan ee Suudaan, wuxuu kusoo beegmay dhawr bilood kaddib inqilaabyo xukunka lagula wareegayo iyo iskudayo Afgenbi oo ka dhacay dhawr dal oo Afrika ah, kuwaas oo kala ah Chad, Mali iyo Guinea, balse kacdoonka xilligan ka taagan dalka Suudaan ee lagu dalbaanyo in xulunka lagu soo celiyo gacanta bulshada iyo Millateriga awoodda doonaya in ay kusii haystaan ayaan la la ogayn halka uu dalka u jihaysan doono.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.