Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si adag uga falceliyay qoraal kasoo baxay maanta Xisbiga uu muddada dheer ka tirsanaa ee KULMIYE, qoraalka oo lagu sheegay in laga saaray gebi aahanka Xsibiga.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in sababta Siyaasiga Maxamuud Xaashi looga saaray Xisbiga ay tahay inuu ka shaqeeyay siyaasado kasoo horjeeda Xisbiga, isagoo taageero u muujinaya axsaabta Mucaaradka.

Hase yeeshee Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay go’aanka lagaga saaray xisbigii uu muddada dheer ka tirsanaa ee Kulmiye, isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashi la bud-dhigay yagleelidiisa Hoggaamiyihii muddada dheer soo hoggaaminayay ee ahaa masakaxdii ka danbaysay Xisbiga Axmed Siilaanyo oo markii uu guuulaysatay doorashadii Madaxtooyadda ee 2010, isla wareejiyay hoggaankiisa, kaddib markii qabtay doorashadii xsibigiisu ku guulaystay ee Madaxtooyadda 2017, ka nastay saaxada Siyaasada oo muddo lixdan sannadoo ku dhow uu kusoo jiray.

Laxidhiidha: Siyaasi Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Loollankii Doorashada Shirguddoonka, Guusha Iyo Guuldarada

Xaashi, ayaa sheegay inaanu micno weyn u arkin in xisbiga Kulmiye laga Saaro, isla markaana muddo dheer oo ahayd xilli yar laddib doorashadii Madaxtooyadda 2017, oo guusheeda uu door weyn ku laaha in Madaxweyne Biixi isku khilaafeen, isla markaana ay muuqatay in la sameeyo sidan.

 

“Waxaan ka mid aasaaskii Xisbiga, waxaan ahaa ninkii labaad ee asaaska Xisbiga Kulmiye ee ku xigay Axmed Siilaanyo, haddase waxa dhacaya waxa ay muujinayaan in xisbigu noqday jabad kud-kude iyo qaniin buuxiyay”. Maxamuud Xaashi Cabdi

Sida uu ku sheegay, Maxamuud Xaashi, Waraysi kooban oo uu siiyay Weriyaha BBC Somali, Sidiiq Maxamed Burmad, ayuu ku sheegay Xaashi in muddadaa uu dibadda ka joogay Xsibiga aannay jirin cid la xaajootay oo weydisiay waxa ay ka hadlaayan, sidaa awgeed aannay isaga macno weyn u lahayn xilligan in laga saaro Xisbiga,

Mar la weydiiyay Maxamuud Xaashi, in uu qayb weyn ka ahaa doorashadii gollaha wakiillada ee mucaaradku ku qaatay shirgudoonka gollaha wakiillada iyo sababta uu Xisbigii uu ka tirsanaa uga hiilay, wuxuu sheegay in aannay arragtida ah in Mucaaradku ku guulaysto shirguddoonka ahayn mid ay ku khaldanaayeen isaga iyo saaxiibadii, isla markaana arragtida siyaasada Xisbiga ay ka weyntahay danta iyo maslaxada qaranka, sidaa darteed ay lagama maarmaan ahayn si loo dheelitiro nidaamka awoodda iyo tallada dalka ay sidaa u sameeyeen.

Laxidhiidha: Muuse waxaan Leeyahay Waan Arkaa inaad Tashatay oo Tunka Taagayso Ee  Markay Talladaada Xumi Urto Cidna Ha Eersan ee Adkayso” Maxamuud Xaashi

Dhinaca kale, Siyaasiga Maxamuud Xaashi, wuxuu qiray si cad u qiray inuu wararka muddooyinkii u danbeeyay warbaahintu qaadaa dhigaysay ee sheegayay in isaga iyo koox kale oo siyaasiyiin miisaan leh oo KULMIYE, ka tirsani ay wadda hadal la fureen xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Waddani.

Mr. Xaashi oo la weydiiyay waxa u qorshaysan go’aanka lagag saaray Xisbiga KULMIYE, kaddib, wuxuu sheegay in go,aankooda ay dib ka soo sheegayaan, isla markaana ay qodobo ku sheegi doonaan, marka ay tallo isugu noqdaan isaga iyo kooxda uu sheegay inuu hoggaaminayo siyaasiyiinta ah, wallow aan xubnaha kale ee siyaasiyiinta ah la sheegin in laga saaray Xsibiga KULMIYE.

Maxamuud Xaashi, ayaa si weyn uga dhexmuuqday masraxa siyaasada, wixii ka danbeeyay doorashii gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada oo ay si weyn usoo baxday inuu garab siinayay labada Xisbi ee Mucaaradka, taas oo sababtay in ay helaan dhammaan kuraasta Maayarrada dalka marka laga reebo Berbera iyo Gebilay, sidoo kalena ay labada xisbi ee mucaaradka WADDANI iyo UCID, ku guulaysteen shirguddoonka gollaha wakiillada, iyadoo guud aahan doorashooyinkaasi noqdeen kuwii ugu horreeyay ee Xisbiga KULMIYE, oo ah xisbi gaamuray loo xanbaariyo guuldaro sidan oo kale doorashooyinka, taas si weyn loogu sibir-saaray khilaafka Madaxweyne Biixi iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo islu khilaafay guddoomiyaha Xisbiga, kaddib guushii Maadxweyne Biixi ku fuulay kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Siyaasiga Maxamuud Xaashi ku lahaa door weyn.

Halkan Ka Dhegeyso Hadalka Maxamuud Xaashi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay

soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com