Hargeysa(ANN)-Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi ay saaka isugu yimaadeen ku meelariyay muddo kordhin laba sannadood ah oo loogu duugay golaha Wakiiladda Somaliland, taas oo noqonaysa in golaha guurtiduna hal sanno ka danbeeyo mudadaa golaha wakiiladda.

Muddo kordhinta ayaa oo noqonay tii Lixaad ee loo sameeyo golaha wakiilda tan iyo markii la doortay 2005, waxay ka bilaamaysaa 12-ka bisha koobaad ee sannadka soo socda ee 2020 , taas oo ku eeg 12-ka bisha koowaad ee sannadka 2022, halka golaha guurtidana ay ku dhammaanay bisha koowaad ee 2023-ka.

Golaha Guurtida Somaliland oo u codaynaya muddo kordhintii Lixaad ee wakiiladda 24 November 2019.
Golaha Guurtida Somaliland oo u codaynaya muddo kordhintii Lixaad ee wakiiladda 24 November 2019.

Kordhinta ayaa lagu saleeyay, markii ay caadaatay in aan waqtiga ka hadhsan muddo xileedka golaha wakiillada aannay suurogal ahayn in doorashada golaha wakiiladda iyo guurtida aanay ku qabsoomayn xilligii hore loogu qorsheeyay ee Desember 2020, ida uu golaha ka akhriyay qoraalka soo jeedinta Madaxweynaha iyo soo jeedinta guddida loo saaray arrintaa.


Guddida hore goluhu ugu saaray soo ururinta xogta muddo kordhinta, ayaa sheegay in aanay la kulmin Xisbiyada Mucaaradka, waxaana ay soo jeediyeen in muddo kordhinta laga dhigo muddo laba sannadood oo golaha wakiiladda ah, iyadoo guurtidu muddo sannad ah ka danbaynay xilligaa.


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud, ayaa xubnaha fadhiga golaha xaadirka ku ahaa oo tiradoodu dhammayd 71 xildhibaan, waxaana xildhibaanada loo weydiiyo soo jeedinta muddo kordhinta, taas oo ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen golaha guurtidu 70 xildhibaan, iyadoo guddoomiyaha oo natiijada ku dhawaaqay aannu codayn. sidaana lagu ansixiyay muddo xilkeedka cusub ee golayaasha wakiiladda iyo guurtida.

Muddo kordhinta ayaa noqonay tii lixaad ee loo sameeyo golaha wakiiladda tan iyo markii lasoo soo doortay golihii u horeeyay ee si toos ah ugu yimaada codka dadweynaha 20005, waxayna ,meesha ka saartay qabsoomida doorashooyinka oo si weyn looga hadlayay, balse aan haabkeeda la hayn.


Dhinaca kale Mucaardka ayaa ka qayliyay mudda kordhintaa waxayna ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo aanay aqblayn. sida ay wadjir u shaaciyeen labada xisbi ee UCID iyo WADDANI, oo maanta warbaahinta la hadlay.

Oct 2005, ayay ahayd markii u horraysay ee Somaliland shacbigu si toos ah usoo doortaan golaha wakiiladda, tan iyo markii ay Somaliland ka guurtay nidaamkii Beelaha ee u guurtay nidaamka Xisbiyada iyo doorashooyinka tooska ah ee hal cod hal qof.

muddo xileedkoda golaha wakiiladda oo ahaa 5 sannadood, ayaa dhammaaday 2010, balse tan waqtigaa waxa dib u dhacayay doorashada golaha wakiiladda, taas oo mar walba ka dhigaysay in loo kordhiyo mudada, halka golaha guurtida tan iyo markii ay ku yimaadeen nidaamka xulista ee shir-beeleedkii u danbeeyay 1997, mar walba ay mudada isu kordhinayeen, iyagoo marar badana muddo kordhintan oo kale u isticmalay muddada xilka Madaxweynaha marka ay dhammaato, taas oo marar baddan Somaliland gelisay muran siyaasadeed iyo duruufo qalafsan oo ragaadiya nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinka lagu ammaano Somaliland.