Araweelo News Network.

 

Ciid Mubaarak

Hargeysa(ANN)-Dunida Islaamka oo si weyn loogu riyaaqay Munaasibada Ciida Fitriga  ee sanadka Taariikhada Islaamka ee 1442 Hijri, isla markaana ku beegan Khamiis 13 April 2021, ee sanadka Miilaadiga. Kadib markii ay dhammaatay Bisha barakaysan ee Ramadaan oo muslimiintu gutaan Soonka lagu waajibiyay, acmaasha iyo cibaadadooyinka kale.

Munaasibada Ciidka Fitriga ee sannadkan ayaa noqday mid aan laysku khilaafin, iyadoo lagu khatimay soddonka Bisha Ramadaan, waxayna muslimiinta dacaladda dunidu isugu bushaareeyeen farxada munaasibada, iyadoo kusoo dhoweeyay dabaaldegyo  iyo inay isu hanbalyeeyaan.

Sidoo kale, isugu ducaynaya in sannadka sanadkiisa ay barwaaqo iyo bash-badh ku gaadhaan, isla markaana Allah weydiisanaya inuu ka aqbalo acmaashii Soonka ee uu ku waajibiyay. Sidaa awgeed Bahda Shebekaddaha Araweelo News Network, waxay farxada munaasibada la wadaagay akhristayaasheeda, waxayna leedahay Ciid Mubaarak  dhammaantiin, waxaan Allah idiinka rajaynayaa inuu adinka iyo annagaba inaga aqbalo Soonkii iyo cibaadadii sannadka sanadkiisana barwaaqo iyo caafimaad innagu gaadhsiiyo, kuwii aynu jeclayn ee xaqu u yimina Allah waxaynu u weydiinayaan naxariiis, denbidhaaf iyo inuu jana-fardawsa ugu deeqo.

Aamiin Aamiin Aamiin.