Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Guurtida Somaliland,  Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo maanta warbaahinta la hadlay, kaddib markii ay golluhu meell mariyeen xeerkii horyaalay  ee diiwaangelinta Ururada iyo Axsaaqbta Qaranka ee Xeer/L/r14., ayaa si kulul uga jawaabay weedho uu maalmihii lasoo dhaafay si tiiq-tiiqsi ah ugu dhaliilay gollaha Guurtida, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

Xildhibaan Cabduqaadir, wuxuu  ku tilmaamay Prof. Samatar nin aan weli kasoo laaban mabaadiidii iyo siyaasadii uu rumaysnaa ee Soomaali weyn, isla markaana wixii uu ka waday dibedda lasoo gaaly dalka.

Wuxuu sheegay Xildhibanku in qaabka uu wax uga sheegay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar gollaha Guurtida ay ahayd qaab foolxun oo aan looga fadhiyin qof isaga oo kale ah, isla markaana qofka gollaha guurtida wax ka sheegaa yahay qof duulaan ku ah siyaasada Somaliland, maadaama golaha guurtidu yahay waxa ay Somalland dheertahay Soomaaliya iyo dalal badan oo kale.

“Nin aynu fikirka siyaasiga ah ku kula maqnayn, waxa ii muuqatta saaka inuu wixii uu dibedda la wareegayay lasoo galay guddaha, waa Axmed Ismaaciil Samatar, wuxuu ku hadlay wax aan nin weyn oo siyaasi ah, oo suxufi ahaa  aannu ku hadlin,  wuxuu yidhi, “Guurtidu way khaayistay”, Somaliland waxay dheertahay Soomaaliyada uu soddonka sannaood la joogay Gollaha Guurtida, waxaan qabaa inuu lasoo galay Somaliland wixii uu dibedda la wareegayay soddonka sannadood.” Ayuu yidhi.

Xildhibaan Cabduqaadir (Indho Indho), wuxuu sheegay in uu rumaysanyahay in Prof. Axmed ismaaciil Samatar yahay Nin ka mid ah Rag uu Xildhibaan ahaan hore u sheegay, isagoo yidhi, “Waxaan qabaa in Axmed yahay raggii ku saaqiday “Star Wars”  waxaan qabaa in aannu weli kasoo noqon fekerkiisii, wanaaga ay Somaliland aduunka dheertahay, waa aqalka guurtida, SNM, (Jabhadii xorraysay Somaliland) iyo Magaalada Boorama ee shirka lagu qabtay, saddexdaa ninka taabta waanu u jawaabnaa. “ayuu yidhi, Xildhibaan ku.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in gollaha guurtidu ay qorshaynayaan qaabkii lagu bedeli lahaa, isla markaana ay horumar samaynayaan,  oo golle ahaan ay wadaan xildhibaanadu xeerkii lagu bedeli lahaa, “waxa aad sheegayso ee tobban tobbanka loo qaybinayo, waa fekerkii gollahan, maaha Juquraafigii aad Maraykan ka dhigi jirtay, halkan annagaa ka ah Profissoro, haddaad adigu Maraykan ka ahayd Profisor, wixii aannu qabanayna waad aragtaa, adiguna wixii aad la waregaysay waad aragtaa halkay marayaan,  waxan leeyahay wixii aad garanaysay way dhaaftay Axmedow ee soo baydh.”  Ayuu yidhi, isagoo raaciyay in uu Prof. Axmed Samatar raaligelin ka bixiyo hadalkiisa.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Guurtida Somaliland,  Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho), wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi , ugu baaqay in aannu hoosta soo gashan rag uu sheegay in ay qadiyadda Somaliland la dagaalamayeen soddonkii sannadood ee u danbeeyay, isagoo yidhi, “ Madaxweynaha waxana ugu baaqayaa ragga mabaadiida ay ku kala duwanayn ee soddonka sannadood inala dagaalamayay in aanu hoosta soo gashan oo xillal wasiir u magcaabin.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Cabduqaadir Indho Indho, isagoo ka jawaabayay weedho uu Prof. Samatar ku dhaliilay gollaha Guurtida Somaliland.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com