Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa bilaabay dhegeysiga dacwaddaha ka dhashay natiijada hordhaca ah ee doorashadii gollaha wakiillada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021.

Alt: Fadhiga Maxkmadda Sare ee Somaliland, Imagen file Araweelo News Network, 28 Jun 2021.

Fadhiga Maxkmadda Sare ee Somaliland, Imagen file Araweelo News Network, 28 Jun 2021.

Fadhigi ay maanta yeesheen Garsooyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Maxakmadda Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo Sagaal Garsoore oo Maxkamadda Sare ah, ayaa yeeshay fadhi buuxa (Full bench, kaas oo ay kusoo gabagabaysay Maxkamaddu dhagaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee la shaaciyay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay markaa kaddib Maxkamadda Sare, ayaa lagu sheegay in qorshuhu ahaa in Maxkamaddu dhegeysto Sagaal dacwadood oo la xidhiidha arrinta doorashadda gollaha wakiillada.

Hase yeeshee sida ay sheegtay Maxkamaddu waxa gunnaanadkii dhegaysiga dacwadaha  aan soo xaadiri hal murrashax iyo qareenadiisii, taas oo ka dhigaytay tirada la dhagaystay maanta ee dacwaddaha  8 dacwadood,  waxayna maxkamaddu  ku sheegtay qoraalkeeda in marka loo geeyo 14 dacwadood oo ay hore maxkamaddu u dhegaysatay ay noqonay tirada dacwaddaha ka dhashay natiijada doorashadda gollaha wakiillada ee la dhegeystay 22 dacwadood.

Garsoorayaasha Maxkmadda Sare ee dhegysiga dawladdaha  ee fadhiga ka qaybgalay, ayaa ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo Sagaal garsoore oo kalae, kuwaas oo kala ahaa , ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Maxamed Cumar Geele, Garsoore,Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Garsooe, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Garsoore, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsoore, Axmed Diiriye Qaalib, Garsoore, Yaxye Cali Idiris, Garsoore, Maxamed Faarax Siciid, Garsoore, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Garsoore,Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay kaalmaynayso  kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Sahra Ismaaciil Cabdullaahi .

Sidoo kale, garoorayaasha muddadii ay ku jireen fadhiga dhegaysiga dacwaddaha, waxa kaalmaynayay kaaliyayaasha kala ah, Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, iyadoo  dhegaysiga fadhiga buuxa (Full bench) ee maanta maxkamaddu  kusoo gebagebaysay dhegaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadda gollaha Wakiillada Somalialnd.

Maxkmadda, ayaa sheegtay in iyadoo eeggaysa dacwaddaha ay dhegaysatay, isla markaana raacaysa xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala, ay sida ugu dhakhsaha badan usoo saari doonto go’aan kama dambayn ah, si loogu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee gollaha Wakiillada.

 

Dhinaca kale, Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhegaysatay dhammaan dacwaddaha waxay ahaayeen kuwo u  furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhegaystaan, sidoo kale dhegaysigii maanta waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo kuwa maxaliga ahaa ee kormeerayay doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiillada ee dalka ka dhacay 31 May 2021.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com