Araweelo News Network.

 

 

Alt: Araweelo News Network

Maareeyaha Shirkadda Sompower Cabdullaahi Beershiya, Iamge Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shirkadda ugu weyn shirkaddaha bixiya  Adeega Laydhka Somaliland ee SOMPOWER, ayaa shaacisay in ay dhintay qiimaha korontada.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Maareeyaha Shirkadda Laydhka ee SOMPOWER Cabullaahi  Maxamuud Ibraahim (Beershiya), wuxuuna munaasibad arrintaa la xidhiidha oo lagu qabtay Magaaladda Hergeysa ugu bushareeyay Bulshada in shirkaddu iyadoo eegaysa baahida bulshada xaddi gaadhaya boqolkiiba 20% hoos u dhigeen qiimaha laydhka ay bixiyaan.

Alt: Araweelo News Network

Maareeyaha Shirkadda Sompower Cabdullaahi Beershiya, Iamge Araweelo News Network.

Munaasibad lagaga hadlayey qiimo dhimista shirkaddu u samaysay macaamiisheeda oo Maareeyaha SOMPOWER Mr Cabdullaahi ka jeediyay dhawaaqa bushaarada ah, wuxuu yidhi, “Maanta oo bishu tahay 15 September 2021, waxaan bulshada u sheegaynaa inaan hoos u dhigay oo jebinay qiyaas dhan boqolkiiba 20% qiimahii aanu laydhka kaga iibin jirnay macaamiisha”.

Maareeyaha shirkadda laydhka SOMPOWER ayaa sheegay in qiimo-dhimistu tahay qorshe shirkadu ku shaqeynayso shanta sannadood ee soo socda, waxaanu yidhi,

“Markii shirkaddu hawsha bilowday qiimaha unitku hal dollar ayuu ahaa, imikana waxuu marayaa 30 senti, waa arrin mucjiso ah marka loo eego dal sideena soo koraya.”

Shirkadda laydhka ayaa sheegtay iyagoo ka jawaabaysa baahida bulshadu u qabto helitaanka laydh jaban, bedqaba oo la isku hallayn karo inay talaabaa qiimo-dhimista u qaadatay.

Xidhiidhlaleh:

Sompower waxay Qiimaha Laydhka dhintay saddex jeer, waxay gaadhsiisay meel hoose, waxaase jira duruufo” Maareeyaha Sompower Cabdullaahi Beershiya

Maareeyaha shirkada Mr Beershiya ayaa sheegay in qiimaha cusub ee ay ku iibin doonaan laydhka u dhexeyn doono 30 centi ilaa 50 centi, maadama laydhka uu isticmaalo warshad wax-soo-saar iyo gurri qoys kala badan yihiin.

Xidhiidhlaleh: Somaliland: Shirkadda Sompower Ee Laydhka Oo Daah-furtay Hab Lagu Casriyaynayo Adeegga Korontada Caasimadda Hargeysa

Dhinaca kale, shirkadda ayaa tiraba saddex jeer oo  hore u dhintay qiimaha Laydhka, waana markii Afraad ee ay dhinto qiimaha tan iyo markii la sameeyay shirkadda SOMPOWER oo ay ku midoobeen maalqabeeno waaweyn oo somaliland ah iyo shirkaddaha yar yar ee sida haqablaha ah iyo teelteelka u shidi jiray Laydhka Somaliland oo ay ugu weyntahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.