Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Cabdikariim Sh Khaliif, ayaa ka hadlay siyaasada Arrimaha Dibedda iyo gudaha ee Somaliland, wuxuuna Madaxweyne Biixi ku dhaliilay sida aanu jagooyinka xilalka xukuumadda ee banaannaada aanu durbadiiba u buuxin, isagoo tusaale usoo qaatay jagada wasiirka arrimaha Dibedda oo muddo dhawr bilood ah banaannayd, kaddib markii uu Wasiirkii hore is sharaxay, wallow mdaxweynuhu magcaabay maalmihii lasoo dhaafay.

Mudane Cabdikariim Sh Khaliif oo aqoonyahan si dhow ula socda arrimaha siyaasada iyo xaaladda dalka, isla markaana ka mid ah xubnaha gollaha Guurtida, wuxuu tilmaamay in Siyaasada arrimaha dibedda Somaliland dhaawac tahay, isla markaana loo baahanyahay in la qaado tallaabooyin cad cad.

“Siyaasada Arrimaha Guddaha way fiicantahay marka la eego xagga amniga, laakiin siyaasada arrimaha dibedda waynu ka indha xidhanahay” ayuu yidhi, xildhibaan Cabdikariim oo ka qaybgalay dood gollaha guurtida ka socota oo lagaga hadlayay qiimaynta siyaasada arrimaha Dibedda iyo arrimaha gudaha ee Somaliland.

Xildhibaan Cabdikariim, wuxuu hadlay xafiisyada Somaliland ay ku leedahay dalal kale, isagoo tusaale usoo qaatay xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale oo xafiisyo badan oo ka furnaa dalal kale lasoo xidhay, “Siyaasada Arrimaha Dibedda waxaad moodaa in ay hoos usii socoto oo xafiis soo kordhaa aannu jirin.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay dagaalka Ethiopia iyo sida ay dunidu isu bedeshay, isla markaana wuxuu tilmaamay dalal badan oo ay ahayd in ay Somaliland xidhiidh la yeelato, balse sida uu sheegay laga gaabiyay. Sidaa awgeed wuxuu soo jeediyay tilmaamo loo baahanyahay in la raaco si qadiyada aqoonsiga Somaliland loogu guulaysto.

Muuqaalkan ka daawo xildhibaan Cabdikariim Sh Khaliif oo ka hadlaya arrimaha.

Somaliland Wax Ka Dhaca Mooyee Waxba Kuma Soo Kordhin Siyaasada Arimaha Dibedda

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com