Araweelo News Network.

 

Ugu horayn waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan ummadda Somaliland, meel kasta ood joogtaan, waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka.

Waxaan ugu horayn u mahad naqayaa illaahay oo xalay noo suurto in kaadiriintii Iyo indheer garadkii kulmiye uu kulan casho ah isugu yimid galbeedka London, kulankan oo isugu jiray Hambalyo guud oo ku saabsanayd guulihii qaranka Somaliland ee doorashooyinkii isa saaraa ee dalka ka dhacay iyo dardar gelin xisbiga kulmiye ee UK uu ku dardar gelinayo sidii si mug leh mar sadexaad looga qayb qaadan lahaa doorashada waqtigeeda la qaban doono sanadka danbe, isla markaana guushii sadexaad loo keeni lahaa, waxaa si wada jir ah la isugu raacay in UK kulmiye gacmaha isu qabsado sidii mar sadexaad uu kulmiye talada wadanka u hanan lahaa insha Allah

Kulankan waxaa ka soo qayb galay kaatiriintii xisbiga, madaxdii xisbiga Iyo xildhibaano wadankii ka yimid Iyo bulsho isugu jirtay dhalinyaro Iyo waayeelba

Intii aan shirku bilaabmin waxaa la sameeyay dood cilmiyasan oo Ku saabsanayd doorashooyinkii dhacay iyo ta soo socota oo runtii si degan looga dooday, waxaa is bartay xubno cusub Iyo kuwii hore isla markaana brainstorm ahaa shirka ka horeeyay

Waxaa lagu balamay in la bilaabo hawsha doorashada oo bilaabantay imika maadaama doorashadii waqtigeedii dhacayo

Waxaanu si wada jir ah u hambalyeenay qaranka oo dhan, gaar ahaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, sadexda xisbi qaran, hay,adaha Nabadgelyada iyo komishanka qaranka oo sida wanaagsan ee ay inoogu dhacday dooroshooyinkaa isa saaraa

Waxa aad looga hadlay marxaladihii kala duwanaa Iyo guulihii kala danbeeyay ee kulmiye

Xisbiga kulmiye waxaanu aasaasnay 2002.

Waxaa la is xasuusiyay in kulmiye noqday mucaaridkii ugu adkaa ee Somaliland soo mara abid, isla markaana loolanka adag la galay xisbi xaakimkii xooga weynaa ee UDUB, aakhirkiina keentay inuu talada wadanka la wareegno tiraba laba jeer Iyo mar nalaga badiyay ( nalaga musuqay)

Waxaa iga xasuus ah in doorashadii Madaxtooyada ee 2003-kii, iyadoo xisbigu cusub yahay aanu signay inaanu ku guuleysano talada dalka , lana ogaa sidii looga badiyay oo ahayd 80 cod oo been Iyo musuq ahaa balse aanu ogolaanay anagoo qaranka midnimadiisa Iyo nabadiisa ilaalinaynay sidaasna uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin cimrigiisa Ilaahay ha dheereeyee uu 80 cod ku helay.

Laba sano ka dib ama 2005-kii waxaanu doorashadii Golaha wakiilada aanu ka helay 28 kursi, halka Xisbigii aanu sida weyn isu haynay ee xukuumaduna uu helay 33 Kursi, UCID-na 21 Kursi, waxaanu ku guulaysanay inaad laba xubnood ku yeelanay shir-guddoonkii Golaha wakiillada

Kulmiye isagoo mucaarid ah ayuu 2010-kii, ku guulaystay doorashadii madaxtooyada, isagoo weliba helay 50 % in ku dhow codadkii umada.

Kulmiye waxa 2012-kii, isagoo talada dalka haya laba sano waxa ay ku dhiiradeen inay furaan Ururradii siyaasadda, waxaanu mar labaad ka mid noqday sadexdii xisbi ee soo baxay

Waxaanu mar kale 2017-kii, guul (landslide victory) ka soo hooyay doorashadii madaxtooyada Somaliland oo uu ku guulaysatay cod 55% ah

Kulmiye oo ahaa ururradii Siyaasadda ee u dambeeyey ee la diiwaan geliyey, isla markii la diiwaan geliayay keenay guulahaa la taaban karo, miyay imika ku adkaan doontaa in isagoo khibradaa labada jeer helay in laga heli doono Madaxtooyada? Way dhici kartaa laakiin way adag yahay fikirkayga

Waxaan reer kulmiye worldwide ugu bushaaraynaa in qaladaadkii yaraa ee dhawaan dhacay ee ahaa doorashooyinka 2021 wax laga bartay lana xaliyay qaladaadkaa inta badan, inta kalana hawsheeda lagu jiro si kalsooni ka muuqato, marka la eegi doorashooyinkan 2021, anigu shaqsiyan waxaan u arkaa in xisbi ahaan laga badin maadaama nambarka xildhibaanada kulmiye Iyo ka isbahaysiga uu u dhexeeyo laba kursi keliya

Mar labaad waxaa mahad oo dhan iska leh ilaahay mar walba.

Waxaan mar labaad hambalyaynayaa shacabka Somaliland, waayo cida guulaysta guulaysatay waa Somaliland.

Guusha labaad waxa leh madaxweynaha qaranka ee suurto geliyay in 75 percent kharashkii doorashooyinka isa saaran ay dawladu bixiso, si ay meesha uga baxaan golayaashaa
waqtigoodii laga joogay 15 sano, madaxweynahaa ku dhiiraday baa sharaf, magac Iyo karaamoba ku helay Iyo in aynu caalamka tusnay in aynu isku filanahay doorashooyinka iyo kharashkoodaba

Waxa kale oo iyana xusid mudan in la hambalyeeyo madaxweyneha iyo xukuumadiisu oo lagu hambalyeeyo in aanay dawladu wax faro gelin ah haba yaraatee aanay doorashooyinka 2021 dhacay ku samayn Iyo ta shir gudoonkaba, caalamkuna Iyo goobjoogayaashii, komishanka Iyo xisbiyada qarankuba qireen inay si wanaagsan oo transparent ah u dhacday, noqotayna sababta keentay in iska daa africa ee caalamka oo dhan la inaga soo hambalyeeyo, Somaliland magaceediina wanaagsanaa cirka sii ku sii shareertay

Waxaan si gaara ah madaxweynaha hambalyo ugu dirayaa oo aan leeyahay sharaf Iyo magac baad ku heshay arimahaa aan soo sheegay, weliba sida aad mudo ka yar shan daqiiqo aad u aqbashay natiijadii golaha, Iyo tii shir gudoonkaba, taasina waa sharaf kale oo aan ogahay inaanay sameeyeen mucaaridku percent, sababta aan sidaa u leeyahayna ay tahay anigoo arkayay siday u hadlayeen maalmo ka hor intaan shir gudoonka la dooran iyo doorasahada xildhibaanada ka horba

Somaliland waxaynu maanta caalamka tusnay mar kale in Somaliland dimuqraadiyadeedu ay sii qaan gaadhay, keentayna in kuyuu dheer la inoogu soo jiro

Guusha ay Somaliland gaadhay waxaa iska leh madaxweynaha qaranka ugu horayn, waxay taariikh wanaagsan u tahay madaxweynaha.

Halkan ka akhri in yar oo ka mid ah waxay caalamku inaga qoreen doorashada ka dib

 

Ugu danbayn talo ku socota kulmiye.

Inagoo qaladaadkii yaraa ee dhacay wax ka baranay, isla markaana aan ogahay in intii badnayd la xaliyay, inta kalana lagu gudo jiro, aaminsanahayna in la dhamayn doono, waxaa muhiim reer kulmiye ay gacmaha isu qabsadaan in xisbiga lagu soo celiyo mustawihii uu taagnaa oo aynu taariikh sadex jeer ah ku qorno buuga taariikhda maadama xayiraadihii coronavirus ka hada Alhamdulilaah gebegebo yihiin, ilaahayna aynu ka baryayno in uu aafadaa cudurka inaga kexeeyo

Waxa hubaal ah in Reer UK, weliba indheer garadkii UK ay bilaabeen hawsha intay lahaayeen isla xalay, laguna balamay shirar kale oo noocana Iyo shir weynaba, isla markaana dhiigag cusub lagu daro hogaanka xisbiga

Xisbiyada qarankana waxaan leeyahay farta ha lagu kala badiyo oo kii badiya ha loo hanbalyeeyo sidii caadada ahayd

Waxaan aaminsanhay in kulmiye mar sadexaad doorashada madaxtooyada ku guulaysanayo, iyagoo kaga faaiidaysana khibradahaa hore, isla markaana aanan jirin xisbiyo u adag sidii kulmiye mar ahaan jiray keentayna in uu kulmiye uga guulaysatay udubtii xooga waynayd, inta aan xogogaal u ahay maadaama aan u badanahay xaga wadanka ilaa 2013 aan wax badan oo hoose ogahay

Aniga Shaqsi ahaan.

Waxaa intaa is xasuusinta ah ii raaca oo maanta aan cadaynayaa isla markaana u jawaabayaa asxaab badan oo suaalo liita igula soo qaldamay, ay ka mid ahaayeen in la I waydiiyay inaan xisbi kale ku biirayo Iyo xiliga aan biirayo, Iyo maadaama ay xaafadiinii xisbi hebel galeen maxaa ku dhigay adiga kulmiye? Anigu marka horeba qabiil kumaan joogin kulmiye, period

Waxaan u sheegayaa qolyahaa suaalaha noocaasa igula soo dhiiraday inaanay iga xishoon, hadaan mar Iyo laba qaladka aan kulmiye sheegayna aanay macneheedu ahayn inaan ka sii socda xisbiga, suaalahaa liitaa waxay inboxyadayda kala duwan ka soo buuxsameen maalmo dhawayd oo aan qoray qoraal ahaa in xisbigu isdaba qabasho dhaqso ah u baahan yahay. Imika ayaaban taa ku celinayaa oon leeyahay aynu is daba qabano oo xisbiga halkiisii ku celino

Mida kale, waxaan cadaynayaa inaanan ahayn mid xisbiga ugu jiray inuu xil ama mansab, isla markaana aan qabiil interest gaara midna lahayn ee ay mabda iga ahayd, tahayna, weligayna aanan olole u gelin inaan xil helo. Abadan

waxaanan aaminsanahay in aan xisbiga qaladkiisa sheegi karo anigoo xisbiga ka tirsan, xisbi yahanku waa inuu labada jeerba u hiiliyaa xisbigiisa, ninka ama qofka intaa qoonsanyaa ha iska socdo( unfriend button ka hore u taabo)

2002 hawshaan la bilaabay baan ku jiraa weli, waanan la dhamaynayaa, maalinta kulmiye la waayo( god forbids) ee ururo kale la furo ayaa laga yaabaa inaan galo xisbi kale

Kulmiye guushiisa sadexaad waxay guul u tahay Somaliland.

Hore haloo socdo insha Allah

 

aymjama@hotmail.co.uk