Kooxdii Al-shaabab Ee Fuliyay Weerarka Huteelka Xayaat Oo U Muuqda In Ay Badbaadeen

Araweelo News Network.

#Somalia: Ra’iisal Wasaare Barre Oo Ku Hanjabay In Lala Xisaabtamayo Kuwii Dayacay Waajibkooda Xilli Kooxda Al-shaabab Ee Fuliyay Weerarka Xayaat Badbaadeen

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa booqday  Labada Cusbitaal ee la dhigay dadkii ku dhaawacmay weerrarkii Al-shabaab ku qaadeen Huteelka Xayaat ee ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Laxidhiidh: Weerarka Khasaarihii Ugu Badnaa Sababay Muddooyinkan Ee Al-shabaab Ka Fuliso Muqdisho

Weerrarka Al-shaabab ku qaaday Huteelka, ayaa socday ku dhowaad soddon saacadood oo xidhiidh ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo Wasiirka caafimaadka  ee dawladda Federaalka, Cali Xaaji Aadan oo u warramayay telefishinka qaranka ee SNTV Axaddii, sheegay in ilaa hadda saraakiisha caafimaadku u xaqiijisay dhimashada 21 qof iyo dhaawaca 117 qof.

Cali Xaaji, ayaa warkiisa ku sheegay in ay suurtagal tahay in ay jiri karaan dad aan tirada dhimashada ku jirin oo eheladoodu aannay u gudbin goobaha caafimaadka sidaana ku aaseen.

Balse Al-shabaab ayaa warbaahinta inta baddan baahisa wararkrrda oo soo xiganay saraakiil Al-shabaab ah,  sheegtay in Khasaaraha ka dhashay hawlgalka uu gaadhayo ilaa 63 dhimasho ah, kuwaas oo sida ay sheegeen u baddan ciidamadii kala duwanaa ee gurmaka loo geeyay hoteelka.

Khasaaraha ka dhashay weerrarka ee sababay dhaawaca ayay tirada ku sheegeen in ay gaadhay in ka baddan 107 sida ay kasoo xigteen saraakiisha Al-shabaab oo sidoo kale sheegay in ciidamadii hawlgalka fuliyay kasoo degeen Huteelka, isla markaana tageen goob loo diyaariyay oo amaan ah, taas oo ka dhigan in ay si nabad ah uga baxeen dhismaha Huuteelka.

Hase yeeshee ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta ku booqay dadka dhaawaca ah ee la geeyay Cusbataalada Ordegan iyo Madina, ayaa dadka dhaawaca ah iyo eheladooda la joogtay u sheegay in wixii dhaawacyo culus ah loo qaadayo dalka dibadiisa.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha, ayaa ku hanjabay in qofkii shaqadiisa dayaca lala xisaabtamayo oo aannay mardanbe dhacayn dhacdadan oo kale, taas oo loo fasirtay in uu ka cadhooday fadeexada ka dhalatay weerrarka iyo wararka sheegaya in kooxda fulisay hawlgalka ee Al-shabaab oo lagu qiyaasay in ay ahaayeen dhawr iyo toban ay ka baxeen goobta dhismaha iyagoo nabad qaba sida ay Al-shabaab ku dooday.

 “Waxaan boggaadin usoo jeedinayaa ciidamada sharafta baddan ee dadkooda badbaadinayay, kuwii dhintay waa mujaahidiin shihiiday, kuwa dhawaacmayna waxan uAllah uga rajaynaynaa caafimaad deg deg ah.”ayuu yidhi.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa yidhi, “lama aqbali karo in wixii dhacay dib usoo laabtaan, lama aqbali karo in qof shaqa loo diray gabay sabab u noqdo in wixii dhacay ay dhacaan,” ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyay in qof walba lala xisaantamayo cid walba oo gaabis ka yimi xaggeeda, ama xadgudub ka yimi xaggeeda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com