Araweelo News Network.

Al-shabaab Ayaa U Muuqda In Ay Si Nabad Ah Uga Baxeen Burburka Dhimashada Huteelka Sida Laga Soo Xigtay Saraakiisha

Muqdisho(ANN)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay Ciidamadu soo afjareen weerar habeenimadii Jimcaha ka dhacay Huteelka xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Khasaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa sii kordhaya, iyadoo xukuumaddu sheegaty  ay soo afjartay weerar qaatay in ka baddan  30-saacadood oo xidhiidha ah, kaas oo dagaalyahannada Al-Shabaab oo haystay huteelka oo ay ku jireen dad ka baddan boqol qof.

 Dhismaha burburay, iyadoo  ciidamadu markii ay awoodi waayeen in ay guddaha u galaan saacado baddan kaddib ku xidheen miino dhisamaha Huteelka, taas oo sababtay inuu gebi ahaanba burburo dhimaha Huteelka Xayaat oo ku yaala goob aan ka figayn Madaxtooyadda Villa Somalia ee ay ku xeeran yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Federaalka ah.

Wasiirka caafimaadka  ee dawladda Federaalka, Cali Xaaji Aadan oo u warramayay telefishinka qaranka ee SNTV Axaddii, ayaa sheegay in ilaa hadda saraakiisha caafimaadku u xaqiijisay dhimashada 21 qof iyo dhaawaca 117 qof.

Cali Xaaji, oo ka hadlaya qaabka loo rumaysan karo tiradaa, ayaa yidhi, “Waxaa dhici karta inay jiraan maydad aan Cusbitaallada la geyn,  balse ay aaseen eheladoodu, dhimashada iyo dhaawaca aan sheegaynaa waa  tirada Cusbitaallada loo qaaday,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Dhankiisa Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa warbaahinta u sheegay in 106 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween ay ciidamadu soo badbaadiyeen intii ay socotay go’doominta Huteelka.

Qaar ka mid ah ehelada dadkii degaan Huteelka, ayaa weli raadinaya dadkooda  oo sida ay warbaahinta u sheegeen aannay raq iyo ruux midna hayn, balse Ciidamada, ayaa waday baadhitaanka dadka la waayay xilli ay socotay rasaas xooggan iyo dab ka kacay Huteelka, waxaana ka mid ahaa dadkii ay kasoo badbaadiyeen saddex caruur ah oo ku dhex dhuuntay suuliga Huteelka.

“Khasaaraha inta baddan wuxuu dhacay saacadihii hore ee weerarka, waxayna markaa kadib ciidamada ammaanku waqti ku  bixiyeen badbaadinta dadka si gaar ah iyo qol qol,” ayuu yidhi Xijaar.

Hase yeeshee warbaahinta inta baddan baahisa wararka  Al-shaabaab  oo soo xiganay saraakiil Al-shabaab ah, ayaa sheegsy in Khasaaraha ka dhashay hawlgalka uu gaadhayo ilaa 63 dhimasho ah, una badan ciidamadii kala duwanaa ee gurmaka loo geeyay hoteelka, halka dhaawacana ay ku sheegeen in ay gaadhay in ka baddan 107 sida ay kasoo xigteen saraakiisha Al-shabaab oo sidoo kale sheegay in ciidamadii hawlgalka fuliyay kasoo degeen Huteelka, isla markaana tageen goob loo diyaariyay oo amaan ah, taas oo ka dhigan in ay si nabad ah uga baxeen dhismaha Huuteelka.

 “Tiro ka mid ah ciidamadii Shabaabka ee ka dagaalamayay Xayaat way kasoo degeen dhismaha, imikana waxay ku sugan yihiin goobo aamin ah oo loo sii diyaariyay.” Ayuu yidhi, Srakaalka laga soo xigtay warka oo aan la magcaabin.

Hotelka Xayaat oo ay ku badan yihiin xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, ayaa ahaa dhacdadii ugu horreysay ee ugu weyn tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May, 2022, sidoo kale Waa mid kamid ah weeraradii ugu waqtiga dheeraa ee Al-shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho tan iyo 2011 oo ahayd markii laga saaray Caasimadda Somalia.

Al-Shabaab, ayaa inta baddan weerarada sidan oo kale ah ku guulaysta in ay ka gaadhaan ujeedooyinka ay ka leeyihiin, waxayna inta baddan markaa kaddib ka baxsadaan goobta, iyadoo ay ciidamada dawladdu sheegaan in la laayay, amma ay is qarxiyeen, balse waxa su’aalo baddan ka taagan yihiin qaabka ay ugu guulaystaan weerarada sidan oo kale ah oo ay ka fuliyaan goobaha ku xeeran Villa Somalia oo ah kuwa ay dawladdu degantahay ee aadka loo ilaaliyo oo ay weliba inta baddan uga baxsadaan goobta, sida ay dad baddan rumaysan yihiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com