Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka jawaabay wareegto uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kasoo  saaray  awooddaha hay’addaha dawladda, isla markaana ku hakinayay in hay’addaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo sida uu sheegay taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo, ayaa u muuqda mid uu kaga jawaabayo kaddib markii Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo iyo wefdi ku weheliyay booqasho ay ku timi Magaalada Muqdjsho.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo, Image file, Araweelo News Network 8 August 2021. Villa Somalia.

Kulanka ra’iisal wasaare Rooble, ayaa lagu macneeyay in ay kaga wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada dal khilaaf weyn oo siyaasadeed u dhexeeyay dhawrkii sannadood ee u danbeeyay, isla markaana maxkamad iskula jiraan, iyagoo ku mursansan soohdinta dhanka Badda.

Hase yeeshee Booqashada oo u muuqatay kid aannu Madaxweyne Farmaajo waxba kala socon, wuxuu Ra’iisal Wasaare Rooble ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Mr. Rooble, ayaa ku tilmaamay booqashada xilligan wefdiga Kenya ay ku yimaadeen Muqdisho in ay tahay mid muhiimaddeeda leh oo la xidhiidha xidhiidhka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, isla markaana ay  ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Balse wuxuu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay mar kale cadaynay  in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada. Sida lagu ydihi, qoraal kooban oo kasoo baxay kulankaa.

 

 

 

Hase yeeshee markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka biyo diiday booqashada wefdiga Kenya ee xilligan kasoo saaray wareegto lagu mamnuucayo in hay’addaha dawladdu xilligan kala guurka galaan hesiishyo, waxa durbadiiba jawaab ka bixiyay wareegtada Madaxweynaha ra’iisal wasaare rooble, isagoo yidhi, “Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in isaga iyo Xukuumaddiisu ay xilka fulinta ee Dalka la wareegeen xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo sida uu xusay keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Hase yeeshee Ra’iisal Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna usheegay in uu ka hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisaddaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed.

Mr. rooble, wuxuu ku sheegay qoraal saxaafadeedka in Golihiisa Wasiiradu ku guulaysteen toban bilood kadib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo sida uu xusay keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu ka dhaxeeyaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Talaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday ay ka mid aaayeenh hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka oo uu sheegay in ay garab taagan yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha , ayaa sheegay in isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xidhiidhka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, sidaa darteed uu  dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isla markaana uu socdaal ku tagay dalka Djibouti, sidaas oo kale uu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, isagoo yidhi, “waxaa naga  dhaxeeya  xidhiidho dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi,waxbarasho ,ama marti galinta qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh, kuwaas oo sida uu sheegay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xidhiidhka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib dastuuri ah uu ka saaranyahay isaga Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo.

Geba gebadii wuxuu sheegay in dedaalada ay yihiin kuwo maraya meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in uu gaadhsiiyo kuna wareejiyo Xukuumadda ka dhalan doonta,Soomaaliya , isla markaana uu filayo xasilooni ,nabad iyo xidhiidha wangaagsan oo dariskeeda iyo dunida inteeda kale ay la yeelato xukuumadda cusub.

Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisal-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaadhsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray , isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda.

Sidaa awgeed iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan, isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isal Wasaaraha.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com