Araweelo News Network.

 

“Waxaan u sheegi lahaa inay naftooda badbaadiyaan oo aannay is halligin maleeshiyaadka iyo shacabka ay xukuumadda Abiy soo khaldayso.”Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gabremikael

 

Mekelle (ANN)-Dagaalka daba dheeradaay ee Togray iyo dawladda Ethiopia u dhexeeya ayaa kusii fidaya gobolka oo dhan, waxaana meesha ka baxay baaqyada xabad joojinta ee ay ugu danbeeyeen Maraykanka iyo midawga Yurub.

Debretsion Gabremikael oo ah Hoggaamiyaha TPLF, ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan dowladda dhexe ee Ethiopia iyo xulafadooda ay sii wadayaan ilaa ay ka gaadhayaan hadafkii ay dagaalka u billaabeen, isla markaana wuxuu ku faanay in ay jebiyeen ciidamadda dawladda Federaalka oo aad u hubaysan iyo xulufadooda, balse aannay taasi ka dhignayn in ay weli gaadheen hadafkooda.

 

Hoggaamiyaha mucjisada ah oo ka mid ahaa halyeeyadii jabhadii TPLF ee dagaalka muddada dheer kula jirtay dawladdii Mengistu Haile Mariam ilaa ay xukunka ka tureen 1991, wuxuu xilligana hoggaaminayaa dagaalka kusii socda bishii sagaalaad ee u dhexeeya ciidamadda Federaalka Ethiopia iyo xulufada Malayshiyaadka Amxaarada, ciidamadda Eritrea iyo weliba malayshiyaad kale oo dhammaantood dagaal kula jira ciidamadda difaaca Tigray ee TDF. Debretsion oo waraysi uu kaga ahdlayo xaaladda xilligan ee dagaalka wuxuu ka sheegay warbaahinta Tigray Media oo ku hadasha  Afka fallaagada arrmo badan oo la xidhiidha dagaalka iyo mustaqbalka gobolka ee shacbiga Tigray.

AKHRI: Tigray Waxa Hoggaaminaya Dagaalyahankii Cidhiidhiga Gelin Jiray Ciidamada Ethiopia

Debretsion wuxuu sheegay in dagaalka dowladda dhexe ay kula jiraan kaga guuleysteen gebi ahaanba deegaanka Tigray intiisa badanna ay ka xoreeyeen ciidamadda dawladda Federaalka, kuwa Eriteria iyo malayshiyaadka, kuwaas oo uu ugu yeedhay cadawga deegaanka Tigray weerarka qaawan ku soo qaaday, isagoo dhinaca kale qirtay in malleeshiyaadka TPLF ay qabsadeen qayba ka mid ah deegaannada Amxaarada iyo Canfarta.

Hoggaamiyaha TPLF,  Debretsion Gabremikael, wuxuu sidoo kale waraysigaa kaga hadlay mustaqbalka shacbiga gobolka Tigray arrimaha nabada iyo sida lagu gaadhikaro heshiis lagu soo afjaro dagaalka, wuxuuna ka digay maalyshiyaad uu sheegay in ay dawladda Federaalka Ethiopia soo khaldayso, kuwaas oo uu sheegay in ay ku waaniyaan in aannay nafahooda soo haligin.

AKHRI: Ethiopia: Dagaalkii Ugu Weynaa Oo Dalka Laga Iclaamiyay

Hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay in dagaalka ay kula jireen dowladda Ethiopia  iyo xulafadooda ee Eritrea, inay ugu dhigeen casharro lama illaawaan ah, sidaa awgeed aannay mar dambe u soo hanqal taagi doonin inay guumeystaan ama sandulleeyaan shacabka Tigray, ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay ujeedada dagaalka, wuxuu yidhi, “Dagaalka waxaan u qaadnay seddex arrimood oo kala ah; kow inaan cadowga soo weerarray Tigray aan jabinno, laba in aan talada deegaanka Tigray aan ku soo celinno maamulki ay shacabka deegaankaas codkooda ku doorteen iyo tan seddexaad oo ah inuu shacabka Tigray aayahiisa uu ka tashto,” ayuu yidhi, Debretsion Gabremikael, isagoo intaa raaciyay in ay hadafkii koowaad ku guulaysteen marka laga reebo arrimo kooban oo ay dhowaan dhamaysitaraan sida uu ku sheegay waraysiga.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in qodobka seddexaad ee ugu muhiimsan aannu ahayn mid hadda laga hadlayo maadaama ay dagaal ku jirnaan. Dagaalka ka dib ayaan tan seddexaad hirgelinteeda guda galeynaa,” ayuu yidhi Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebresillase.

AKHRI: Ethiopia: Ra’iisal Wasaare Abiy Oo Ku Gacansaydhay Dalab Uga Yimi Maraykanka Iyo Imaaraadka Carabta iyo Gondor Oo Ku Siqay Gacanta TPLF

Dhinaca kale, wuxuu sheegay dagaalkii ay kula jireen wuxuu ugu yeedhay cadawga isu xilligan ka gudbay deegaanka Tigray, waxaan mareynaa in aan qaybaha ugu badan deegaanka Tigray dhul badan oo deegaannada Amxaarada iyo Canfarta ka mid ah aan qabsanno, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Debretsion waxaa kale uu sheegay in dagaalka marka uu soo dhammaado ay wax weliba kala caddaanayaan, go’aanka ugu dambeeyna ee mustaqbalka deegaanka Tigray ay iyagu go’aamin doonaan, isagoo  ku faanay in dowladda dhexe ee Ethiopia iyo waxa uu ugu yeeray cadowga aannay aqoon durugsan u lahayn shacabka Tigray iyo  in aannu xorriyaddiisa cidna u daba fadhiisanayn.

“Shacabka deegaanka ku nool oo dhan waa ciidan aan u baahneen tababar maadaama ay u dagaallamayaan xorriyaddooda iyo madax banaanidooda, waxayna u shahiidayaan sidi ay hadafka ay leeyihiin ay u gaadhi lahaayeen”, ayuu yidhi.

Muddadii dagaalku socday wuxuu sheegay in deegaanka Tigray ay  ka qaxeen dad aad u badan oo qaarkoodna ay ku jiraan xeryo barakac oo ku yaalla gudaha gobolka, halka kuwana ay u baxsadeen dhanka Sudan oo xeryo qaxooti looga furay.

Hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay in dagaalku sida uu ku billaawday iyo degdegga ay ciidmadda dowladda iyo xulafadooda ay ku qabsadeen deegaanka ay u malaynayeen in dagaalka uu sidaa ku dhammaaday oo TPLF-na sidaa looga guulaystay, balse xaalku uu sidaa ka beddelnaa.” Ayuu yidhi.

 

Debretsion Gabremikael Wuxuu ku faanay in ay jebiyeen Ciidamadi qaranka Ethiopia  ee aadka u hubeysnaa, isagoo yidhi, “Muddo gaaban ayay deegaanka Tigray intiisa badan kaga carareen. Ma aha mid iska timid balse waxa ay ku timi dagaalka faraha lagaga gubtay oo shacabka Tigray aannay u kala hadhin”, ayuu yidhi Debretsion Gebre Mikael.

 

 

Mar uu ka hadlayay abaabulka xilligan iyo ciidamadda ay dawladda federaalka ku daabulay deegaankaa, wuxuu sheegay in aannay sinaba malyshiyaad uga guulaysan karin, isagoo ku eedeeyay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed in uu soo abaabulay malleeshiyaad la dagaallama TPLF, wuxuuse tilmaamay in arrintaasi ahayn mid lagaga adkaan karo.

“Ciidamada qalabka siday ee dalka ayaa hadafka aan u dagaallamayno hor istaagi waayey, marka malleeshiyaad maalmo tababarro degdeg ah la siiyey oo qowmiyad nacayb lagu soo kiciyey, kama guulaysan karaan ciidamadayada haysta tababar iyo hub ku filan oo ay codawgooda kula xisaabtamaan,” ayuu yidhi. Debretsion Gebre Mikael.

AKHRI: Dagaalka Ethiopia Oo Saamayn Ku Yeeshay Gobolka, Djibouti Oo Ciidamo Ku Taageertay Hiilka Amxaarada Ee Abiy Ahmed Iyo Cabsida Laga Qabo In La Go’doomiyo Addisa Ababa

Hoggaamiyaha TPLF, wuxuu digniin u diray malayshiyaadka lasoo daabulayo, isagoo yidhi, “Waxaan u sheegi lahaa maleeshiyaadka iyo shacabka ay xukuumadda Abiy soo khaldayso inay naftooda badbaadiyaan oo aannay is halligin. Haddii Talooyiinka aan u soo jeedinayno ay qaadan waayaan, haddaba ciidamaddayadu waxay diyaar u yihiin inay ka hor tagaan cid kasta oo dagaal nala gasha”.

Dhinaca kale, wuxuu ka isagoo ka hadlaya arrimaha nabada iyo sida xal lagu gaadhi karo, wuxuu Debretsion sheegay in ay ka hortagayaan dagaal kulul oo uu ku tirmaamay mid isir sifayn ah, balse ay iyagu  marweliba nabad doonayaan, oo aaannay aaminsaneen in wax weliba lagu dhammayn karo si nabad ah.

“Waxaan dowladda u soo bandhignay shuruudo dhowr ah oo aan xukumadda Abiy ugu sheegnay in haddii ay dhab ka tahay oo ay doonayaan in dagaalka ay joojiyaan ama xabbad joojinta halka dhinac ah ay sheegeen inay dhab ka tahay, waa in ay fuliyaan 7 shuruudood oo aan markii hore soo gudbinay, ka dibna aan 6 shuruudood ku soo koobnay,” ayuu yidhi.

“Wadahadal nabadeed iyo in dagaalka la joojiya haddii la doonayo waa in marka hore la billaabaa adeegyada aasaasiga ah oo aan wax xidhiidh ah la lahayn in la sii daayo adeegyadaas oo ay ka mid yihiin Isgaadhsiinta, Bangiyada, iyo isu socodka gaadiddka.”ayuu yidhi, Debretsion Gebre Mikael

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay hoggaamiyaha TPLF, in ay lagama maarmaan tahay in Wadahadal nabadeed kasta oo ay labada dhinac yeelanayaan inuu ahaadpo mid aan qarsoodi ahayn oo dunida oo dhanna ay arkeyso.

“Runtii nabad miyay rabaan? Wadahadal miyay rabaan? Hadday rabaan si cad ha u sheegaan, haddii aannay  rabin oo dagaal ay rabaanna, annagana dagaalka waan sii wadaynaa, haddii dagaalka uu sii socdana iyaga ayaa cagta la marinayaa”, ayuu ugu hanjabay dhinaca iyaga ka soo horjeeda.

 

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Gaboodfallada ka dhacay deegaanka Tigray, inti uu socday dagaalka u dhexeeyey TPLF iyo Ciidamada dowladda dhexe ee garabsanaya kuwa Eritrea, waxay ahaayeen wax lala yaabo,  iyadoo Hay’addo caalami ah oo kuwa xuquuqda aadamaha ay ku eedeeyeen in dembiyo ay geysteen  intii dagaalku socday. Ciidamada Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay weerarro la eegteen dadka Tigrayga ah iyo kuwii hore uga soo qaxay Eritrea ee qaxootiga ku ahaa gobolkaas.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre Mikael, wuxuu isagoo arrinta ka hadlaya yidhi,”Anigu waxaan isleeyahay tacaddiyada ka dhacay deegaanka Tigray, inti aan noolaa, hore uma arkin. Annigu ma garanayo wax la mid ah ama wax ka sii xun inay waddamo kale ka dhaceen markaa dhibka dhacay ciddi ka dambaysay waa in wax laga weydiiyaa,” ayuu yidhi.

 

 

Debretsion Gebre Mikael, wuxuu ku baaqay in loo saaro tacadiyada dhacay guddi baadha, isagoo yidhi, “Waa in loo saaraa guddi caalami ah oo baadha dambiyada dagaal ee deegaanka Tigray ka dhacay. Annagu wixii dhacay waan diiwaan gelinaynaa. Hay’addaha garsoorka ee aan leennahayna dhankooda kaalintooda ayay ka qaadaayaan, balse waa in cidwalba oo dhibkaas ka dambaysay ama geysatay caddaaladda la horkeeno si ay u noqoto mid ay wax ka bartaan jiilalka dambe”.ayuu yidhi. Hoggaamiyaha TPLF.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com