Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii hore ee Maaliyadda #Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku baaqay in la diiwaangeliyo hantida ay haystaan xubnaha Gollaha Wakiillada iyo Gollayaasha deegaanka ee kusoo baxay doorashooyinkii dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay 31 May 2021.

Eng. Maxamed Xaashi, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta warbaahinta qaarkood kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in loo baahan yahay la xisaabtan iyo sidii hantida “Ummadda”loo ilaalin lahaa, isagoo dhinaca kale sheegay in Maamulka cusub ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee lagu shaaciyay natiijadda doorashada hordhaca ah marka  si sharci ah loo shaaciyo la bilaabo in la diiwaangeliyo hantidooda.

Wuxuu sheegay in gollayaasha deegaanka iyo gollaha waiillada ee cusub ay noqdaan kuwo xil iska saara ilaalinta Hantida Ummadda, isla markaana ku shaqeeyaa sidii la isku waydiin lahaa wixii hore loo Musuq-maasuqay oo sida uu sheegay laga dhistay Daara Dhaadheer, wallow aannu tilmaamin cidda dhisatay daarraha iyo kuwa ay .yihiin.

“Maamulka la samayn doonaa waa inuu noqdaa mid Hantida Ummadda ilaaliya, wixii la lunsaday ee daaraha waaweyn laga dhistay in la iswaydiiyo oo la yidhaahdo xaggeed ka keentay ayaa loo baahanyahay” ayuu yidhi, Eng. Xaashi.

 

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, Eng. Xaashi ayaa cod dheer kusoo jeediyay baaqsiisa ah in tirakoob lagu sameeyo Hantida Xildhibaannada cusub ee lasoo doortay, isla markaana la hubiyo si xog-ogaal loogu noqdo oo Bulshadu u oggaato Xildhibaan walba Hantida uu imika haysto inta ay leegtahay, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid horseedi karta kalsooni iyo la xisaabtan iyo in ay fududaynay in qof walba la oggaado intaan la dooran wuxuu hanti lahaa.

Eng. Maxamed Haashi oo marar badan ka hadlay arrimaha musuq-maasuqa, ayaa tilmaamay in haddii aannay arrintaasi dhicin ay sababi karto in ay qalbi jab iyo niyadxumo ku keenayso bulshada codka siinaysay, isla markaana ay saamayn ku yeelanay doorashooyinka danbe iyo mustaqbalka dalka iyo horrumarkiisa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in wanaagii doorashooyinka ee Somaliland dunidu ku amaantay iyo sumacada dalka ay saamayn ku yeelanay haddii aan arrintaa la meel marin oo layska indha tiro, “Dad wanaagsan ayuu Ilaahay innaga dhaliyey, wixii wanaag ah ee Maanta inoo soo baxay waa in la dhowro, wanaaga doorashooyinka ee dunidu innagu amaantay, wixii Cabashooyin ah ee soo baxay waa in si deg-deg ah looga gaadho xal.”, ayuu raaciyay. Eng. Xaashi.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com