Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wasiirada Somaliland ayaa ka dooday mala-awaalka miisaaniyada saddexda sannadood ee spcda 2022 ilaa 2024, taas oo aan hore looga baran in miisaaniyada sannadaha soo socda, marka laga reebo Odoroska Miisaaniyad sannadeedka uu tilmaamay qodonka 53aad ee Dastuurka iyo xeerka  Maamulka iyo Maaliyada Qaranka Xeer Lr. 75/2016 ee diyaarinta iyo isticmaalka Miisaaniyada Qaranka .

 

Qoraal kasoo baxay Fadhiga golaha wasiirada oo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, ayaa lagaga hadlay arrimaha miisaaniyada.

Qoraalka kasoo baxay fadhigaa kaddib Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-

“gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, horumarinta maaliyadda iyo deegaanka horumarinta reer miyiga.

Waxaanu golluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha warbixin ka siiyey qorsheyaasha lagu dardar gelinayo nabadgelyada guud ee dalku halka ay marayso iyo dedaallada ay ciidamada kala duwan ee amnigu ugu jiraan sugidda amniga qaranka, iyada oo sidoo kale uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda, Mudane  Liibaan Yuusuf Cismaan oo golaha uga war bixiyey qodobbada uu ka kooban yahay buugga xogsidaha qaran (Country Profile) oo ay wasaaraddu soo diyaarisay loona qaybiyey nuqullo ka mida golaha wasiirradda.

 

Goluhu waxa kale oo ay warbixin ka dhegeysteen wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo golaha warbixin ka siiyey oddoroska miisaaniyadaha 2022 ilaa 2024 iyo xaaladda dhaqaale ee dalka, isagoo wasiirku golaha la wadaagay saadaasha dakhliga iyo waxyaabaha mudnaanta la siinayo ee lagu kharash garaynayo, waxaana fadhiga  lagaga wada hadlay xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay wakhtigan. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu dood guud ka yeeshay Oddoroska Miisaaniyadaha 2022 – 2024.

Ugu danbayntiina goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo golaha uga war-bixisey, dedaalada ay wasaaraddu sii kordhisay ee lagaga hortegayo Xaalufka deegaanka, gaar ahaan shidiska dhirta qoyan ee laga samaynayo dhuxusha oo maal-mahan dambe si sharci-darro ah oo xawli ah looga ganacsado iyo dedaallada Wasaaraddu ilaa hadda kaga hor tagtay ama ku joojisay xaalufinta lagu hayo deegaanka oo ay laba jibbaareen.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com