Araweelo News Network.

“Waxaanan ku celceliyay daryeelka iyo walaaca uu Maraykanku u hayo dadka Ethiopia,” Samantha Power USAID

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Washington, ayaa ugu baaqday Ciidamada Tigray ee dagaalka kula jira dawladda Federaalka ee Ethiopia in ay ka baxaan deegaanka ismaamulka Canfarta iyo Amxaarada, halkaas oo ay todobaayo ka hor qabsadeen dhawr deegaan oo ka mid ah gobolkaa, wallow TPLF, ku doodaysay in magaalooyinka ay ka qabsadeen Amaxaarada ay ahaayeen kuwo ay leeyihiin oo gacanta u galay Amxaarada dhawr bilood ka hor markii gobolka Tigray lagu qaaday duulaanka bilawga u ahaa dagaalka daba dheeraaday eek u faafay Ethiopia.

“ Maanta waxay ku beegan tahay sagaal bilood tan iyo markii uu bilowday colaadda #Tigray, Maanta, waxaan mar kale ku baaqay in la joojiyo colaaddaha iyo sidii marin -u -helka bani’aadamnimo ee aan xad lahayn loo heli lahaa, waxaanan ku celceliyay daryeelka iyo walaaca uu Maraykanku u hayo dadka Ethiopia, iyadoon loo eegayn haybtooda iyo isirkooda. Sidaa waxa tidhi, #Samantha Power oo ah haweenayda madaxda ka ah Hay’adda #USAID ee Maraykanka oo booqatay Addis Ababa.

Washington, ayaa sidoo kale ugu baaqday Maamulka Axmaarada inay ciidamadooda kala baxaan galbeedka gobolka Tigray, halka Dowladda Eritrea inay ciidamadeeda si degdeg ah oo joogto ah guud ahaan uga saarto dalka ciidamadeeda ku sugan Ethiopia saddex meelood oo laba meelood. Sida ay ku sheegtay xukuumadda Washington baaqii u danbeeyay ee kasoo baxay, kaas oo ay soo saartay Haweenayda #Samantha Power oo maamusha Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horrumarinta caalamiga ah ee (Agency for International Development), taas oo Madaxweyne Joe Biden u mgacaabay March 2021, iyadoo hore usoo qabatay UN Ambassador.

“Maraykanku wuxuu eegayaa, isagoo aad u qaylinaya, maadaama colaadda ka bilaabantay Tigray ay hadda bilaabanayso inay fiddo gobolka, ayay raacisay baaqeeda oo si weyn doodo kulul laga horkeenay, iyadoo dhinacyada qaarkood canbaarayn u jeediyeen, isla markaana ku tilmaameen faragelin qaawan oo loo soo gashaday shaadka gargaarka bini’aadanimo.

Dhammaan dhinacyadu waa inay dardar geliyaan kaalmada bani’aadamnimo ee aan la carqaladeynin dadka ay colaaddu saameysay, waana in la joojiyo xannibaadda ganacsi ee Tigray.sidaa waxa tidhi,

Maraykanka, ayaa hore ugu baaqay in dhinacyada dagaalka ay joojiyaan shuruud la’aan, wuxuuna dawladda Federaalka ee Ethiopia ugu baaqay in lasoo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobolka, sida adeegyadii caafimaadka, Bangiyadii iyo Isgaadhiinta, isla markaana la helo dariiq la mariyo sahayda gargaarka ee la doonayo in la gaadhiisyo malaayiin qof oo tan iyo November 2020, markii collaadu ka bilaabantay gobolka ku dhibaataysnaa oo u baahan gurmad bini’aadanimo, balse baaqa ay hore ugu jeedisay Washington dhinacyada colaaddu ka dhaxayso ee Ethiopia, ayaa ka dhega adaygay, iyadoo ay TPLF, ku xidhay xabad joojinta shuruudo adag ka hor inta xabad joojinta la meel marin ee aan loo gudbin wada xaajood si dhab ah loogu soo afjarayo dagaalka.

“Waa inaan tusnaa adduunka inaan ka duwan nahay cadawgeena” General Tsadkan, ayaa sidaa u ku sheegay waraysi uu siiyay Barnaamijka BBCNewshour, isagoo carabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa xannibaadda laga qaado oo ay dowladda federaalku aqbasho shuruudihiisa, wuxuuna xusay in xabbad joojinta ay tahay mustaqbalka Tigray oo sida uu sheegay go’aansan doonaan dadkeedu aayahooda, iyagoo maray Afti loo qaado.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa jimcihii ku sheegtay Bayaan  kasoo saartay xaaladda gobolka Tigray iyo dagaalka ka socda halkaa, iyadoo  ku baaqday in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

Ned Price oo ah Af -hayeenka u adeegga hoggaaminta Xoghayaha 71aad ee Arrimaha Dibadda, ayaa ku yidhi, bayaanka wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, “Wada  xaajoodku  maaha xoog ciidan, waa dariiqa ku habboon ee lagu xallinayo khilaafaadka dhinacyada ee la xidhiidha colaadda Ethiopia. Dhammaan dhinacyadu waa inay hubiyaan in gargaarka bani’aadamnimo aan la hor istaagin. Adeegyada korontada, isgaadhsiinta, iyo bangiyada waa in lagu soo celiyaa Tigray.”

Dhinacyada isku haya Ethiopia waa in ay si degdeg ah uga wada xaajoodaan xabbad joojinta iyada oo aan wax shuruud ah la gelin oo ay galaan wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Hadallada bararka leh ee labada dhinacba waxay ka soo horjeedaan ujeeddooyinkaas, ayaa la raaciyay bayaanka lagu baahiyay boggaga Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Jimcihii.

Hase yeeshee TPLF, ayaa khamiistii soo saartay liis cusub oo ay ku dalabayso ka hor inta aan la gelin wadahadallada xabbad joojinta dowladda loo baahanyahay in la fuliyo, waxayna ku sheegaty TPLF, shurruudaha bayaanka ay ku xaradhay Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray oo ay ku baaqday in maamul ku meel gaadh ah laga sameeyo Addis Ababa.

“Waxaa si isa soo taraysa oo soo ifbaxayay in nidaamka hadda jira aannu haysan sharci ahaan iyo waajibaadka dastuuriga ah iyo meesha uu ku maamuli karo dalka,” ayaa lagu yidhi qeyb ka mid ah bayaanka ay Khamiistii soo saartay kooxda TPLF.

Sidaa awgeed waxay raaciyeen bayaanka, “Iyadoo taas la tixraacayo, waxaan ku baaqaynaa in ay naga go’antahay ku meelgaadhka iyo geedisocod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ay ku jiraan jilayaasha siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka si loo wajaho dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dastuur ee hadda dalka ku habsaday,” ayay Jabhada xoraynta Tigray ee TPLF ku yidhaaheedn bayaanka Khamiistii lasoo dhaafay.

TPLF, ayaa sidoo kale, waxay ku xaqiijisay bayaanka dalabkeeda ah in sidoo kale loo baahanyahay in ciidamada Eritrea laga saaro gobolka, isla markaana lagu soo celiyo gobolka adeegyada isgaadhsiinta iyo bangiyada, iyo sidoo kale in meesha laga saaro xayiraadaha gargaarka bani’aadamnimada.

Jabhada TPLF,  waxay diideen xabbad -joojin aan dhammaad lahayn oo ay Addis Ababa u fidisay dhammaadkii Jun, waxayna taas sidan oo kale ku xidheen shurruudo, iyagoo markaa kaddib sii waday dagaalka xitaa ka dib markii ay ciidammada dawladdu ka baxeen Mekelle.

AKHRI: Hoggaamiyaha Ciidanka Tigray Oo Ka Hadlay Mawqifkooda Xabad Joojinta Maraykanku Ku Baaqay Iyo Mustaqbalka

Todobaadyadii lasoo dhaafay Jabhada TPLF, waxay weerrareen oo qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobollada deriska la ah Amxaarada iyo Canfarta, waxayna ku hanjabeen in ay Ethiopia go’doomin doonaan, waana arrinta uu baaqa ugu danbeeyay ee Maraykanku ku dalbayo in laga baxo, isagoo dhanka Amxaaradana ugu baaqay in ay ka baxaan.

Marinada sahayda gargaarka ayaa si weyn weli looga dayrinayaa, iyadoo ay xaaladdu isu bedeshay collaad isir iyo qowmiyad ku salaysan oo ku baahday gobolka, taas oo sababtay in dhawr miyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul sida ay sheegayaan hay’addaha gargaarka oo si weyn uga walaacsan xaaladda sii xumaanay iyo colaadda aan weli xalkeedii muuqaan ee Ethiopia.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com