Araweelo News Network

Hargeysa(ANNh-Guddida Doorashooyinka heer Degmo ee Hargeysa , ayaa caawa shaqadii Dhexe shaaciyay natiijada hordhaca ah ee kuraasta golaha deegaankaHargeysa oo ah kuwa ugu badan ee Degmooyinka waaweyn.

Kuraasta Degmada Hargeysa ayaa ah 17 Kursi oo ay Ku loolameen saddexda Xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Natiijada hordhaca  ah ee caawa shaqadii dhexe la Shaaciyay waxa lagu muujiyay sida ay saddexda Xisbi ugu kala guulaysteen murrashaxiintoodu kuraasta .

Xisbiga WADDANI 7 xubnood, UCID 4 xubnood  KULMIYE 6 waxayna si weyn u muujisay natiijada hordhaca ah in weli Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI oo weli hoggaaminaya natiijooynka golayaaha deegaanka Iyo wakiilada..

 

Fadalan haddii la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com